PUNTLAND “BOQORTOOYADII BISADAHA” MIYAA!!!?

January 15, 2013   //   Announcement, Opinion, Warar Somaali

Siyaasi weyn oo rer Puntland ah ayaa hore u sheegay inay degaankaas ka jirto wax uu ugu yeeray Boqortooyada Bisadaha “Cats Kingdom”. Taasoo buu yiri markuu curriga weyni keligi laf haysto curiyada yar yari inay agtiisa yaaw-da guraan maahee intaa umasoo dhaafaan, bisadaha kalena iyaga bal warkoodba daa.

Waxa taa ka dhigan, Puntland maalinba ninkii ka madaxa ayaa curri ka ah, dastuurka iyo shuruucda dalkuna waa isaga. Cid kastoo mucaaradana codkeedu sidii yaaw-dii bisadaha, madaxweyne waan ku aragnaa ma dhaafsana. Bal eega sida hawlyarida ah ee madaxweyne Faroole usii wato feenashada laftiisa mucaarad ku sheegiina yaaw-diisii usii tabardhigtay.

Ujeedkaygu maaha inaan Faroole u hambalyeeyo ama mucaaradka Punland guubaabiyo. Balse markii wax kaleba meel layska dhigo, waxan ka aamusi kari waayey sida ay u shiiqeen iyo halka ay ku dambeyeen dadaaladii uu Jen. Cadde Muuse ugu kala dab qaadayey dhinacyadii u muuqday inay isku hayeen siyaasada Puntland.

Abaare bartamihii bishii December 2012 ayay ahayd markii uu ka soo degay Bosaso Jen. Cade, oo ah madaxweynihii keli ahaa ee soo mara Puntland oo isagu ka xishooday inuu kororsado mudada xilkiisa, bulshaduna ku qadariso ilaa hada. Imaatinkiisu wuxuu yididiilo geliyay muwaadin kasta oo soomaaliyeed oo ay damqaysay khatarta kasoo fool leh isqabqabsiga kasoo yeerayey Puntland oo ka mida meelaha tirada yar ee Somalia xasilooni ka jirto. Durba wuxuu Bosaso kula kulmay madaxweyne Faroole, dabeedna mucaarad ku sheegii iyo waxgarad kaloo badan ayuu shirar kula qaatay Qardho, Garowe iyo Galkacyo. Ugu dambayntiina wuxuu isagoo afka gacanta saaray dib ugu guryo noqday magaalo xeebeeda Bosaso oo uu kasoo socod bilaabay. Halkii laga sugayay warbixin wixi uu kala kulmay dhinacyada u muuqday inay is hayaana wuxuu siyaasiga weyn ee ruug cadaaga ahi taa ka door biday inuu ka gaabsado ka hadalka siyaasada Punland.

Waxay dad badani aamuska Jen. Cade ku macneeyeen inuu ugu dambayntii u hogaansamay xeerkii “Boqortooyada Bisadaha”. Qaar kalena waxay u arkeen inuu ku qancay inaan waqtiga haray oo yar darti waxba laga qaban karin xaaladaha taagnaa. Dar kalena waxay weli ka dhursugayaan mucjiso uu madaxweynihii hore sidii ushii nebi Muuse mar qura xaqa iyo baadilka ku kala saari doono.

Si kastaba ha ahaatee, qolyihii iyagu mucaarad baan nahay ku doodi jiray qudhoodii waxay 8dii January ka dib u qaybsameen nin dhoofay nin dhuuntiyo nin dhabarka u goday xeerkii Boqorooyada Bisadaha. Nabadoonkii ugu mawqifka adkaa Mudug, Yasin Cabdisamad oo mucaaradnimo darted xabsiga loo dhigay, warsaxaafadeed  uu qabtay 8dii January wuxu ku yiri: “Faroole iyo wiilashiisa aynu boqortooyo u caleema saarno illayn isma haysan karno weligeene”.

Hadaba dabagal lagu sameeyay waxa aamusiyay ergaygii nabadaynta Puntland, isla markaana makarafoonkii mucaarado la moodka dabka ka bakhtiiyey ayaa hada lagu ogaaday in inta badan bulshada Puntland oo uu u horreeyo Jan. Cade iyo mucaaradka qaarkiba, ay hala rooro run moodeen.

Taariikhda markaan dib u yar milicsano Faroole waa tuu ragii huwanaa shaatiga mucaaradada la heshiiyay horraantii ansaxinta dastuurka cusub ee Puntland. Waa tuu horjoogihii mucaaradka Mudug, wasiirkii hore ee maaliyada Puntland Maxamed Cali Yusuf Gaagaab uu goobjooge ka noqday shirweynihii lagu ansixiyay dastuurka 5ta sano u jideeyay Faroole. Halka uu horjoogihii mucaaradka Bari wasiirkii hore ee amniga Puntland Jen. C/llahi Sicid Samatar uu door biday inuu dibeda u dhoofo heshiiskii ka dib, isagoo ka cududaartay goobjoognimada shirweynaha.

Dhowr bilood ka dib ayay labada nin iyagoo ku andacoonaya inay weli mucaarad yihiin, waxna iska bedelin mawqifkoodii ay ku diidanaayeen xil kororsiga Faroole kasoo laabteen safarkoodii dibeda. Nasiib darro waxay labaduba ku kala fariisteen kuraastoodii hore ee horjooganimada mucaaradka Mudug iyo Bari, iyadoon cidina kaga hor iman khiyaamadii ay sameeyeen. Xataa siyaasiyiintii kale oo ay mucaaradnimada isla sheeganayeen isma weydiin muxuu noqon karaa qandaraaska kale ee nimankani Faroole lasoo galeen haduu kii hore dhamaaday?  Taas bedelkeed gacan yarayaashoodii xalay dhalay iyo xeerkii “Boqortooyada Bisadaha” ayay dhanna u dhaafi waayeen. Isla markiina waxay dhankooda kala tumeen durbaankii mucaaradada oo ushii lagu tumi lahaa mar hore Faroole nimankani gudoonsiiyeen. Sidaa darted ayaa durbaanka mucaarado ku sheega diryankiisu bulshada badankeed u daari waayay.

Jen. Cade Muuse-na safarkiisii xaqiiqa raadiska wuxuu kusoo ogaaday inaan mucaarado dhab ah oo ka horjeeda qorshaha Faroole aysan jirin. Haday jiri lahaydna in Faroole mar hore madaxa kaga taagay rag magaceeda ku qaraabanaya isagana u maalinaya si aanay meesha usoo gelin mucaarado dhab ahi. Sidaa darted ayaa jananku ka maskab jabay sida saaxiibadiisii hore ee siyaasada Puntland simsaaro isugu bedeleen, isla markaana arkay haba qalloocnaado kororsiga Faroolee inaanu qatartii la moodayay inay kasoo fool leedahay isku dhaca labada dhinac meesha ku jirin, dabeedna isagoo xushmaynaya xeerka “Boqortooyada Bisadaha” ayuu bustihiisa hoos galay.

Hase yeeshee Faroole siduu ugu guulaystay inuu bulshada rer Puntland ugu hodo mucaarado aan dhab ahayn ee isagu gacantiisa ku sameeyay, ayuu la damacsan yahay inuu mustaqbalkana ku dago xisbiyada magac u yaalka ah ee uu isagu meel kasta kaga dhawaaqay, rag Gaagaab iyo Samatar oo kale ahna madax uga dhigay.

Waxay taasi soo bixi doontaa markay qabsoonto doorashada golayaasha degaanada oo uu Faroole u asteeyay bisha May ee fooda inagu soo haysa. Taasoo ay ku tartami doonaan sida la shaaciyey 6 xisbi oo kulligood xisbigiisa Horseed ka farcamay ayna ansixiyeen gudigiisa doorashada ee gacan ku rimiska ah. Waxayna siyaasadiisu mira dhal u noqon doontaa markay sannad ka dib 3da xisbi oo uu 6daas ka doorto jilida riwaayada xisbiyada badan kusoo bandhigaan doorashada 8da January 2014 sida isaga u qorshaysan. Xilligaasoo rer Puntland sidii caadada u ahayd iyagoo xeerinaya dhaqankii “Boqortooyada Bisadaha” ay dimoqraadiyada Faroole sida la filayo mahadin doonaan.

Hadaba su’aashu waxay tahay madax qarsiga cade iyo waxgaradka kale ee Puntland immisa in le’eg ayay xeerinta dhaqanka “Boqortooyada Bisadaha” ku daba joogi doonaan macangagnimada Faroole, gudiga uu magacawday, xisbiyo macna belay iyo mucaarad marin habaabay  inay masiirkooda go’aamiyaan?.  Jawaabta su’aashaas waxan u daayey bulshada rer Puntland!!!

Ahmed Warsame

awrsame@live.com

London, UK

COMMENTS

RSSComments (12)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Run ahanti waxa uu qorey ninkan wa cadifadi iyo qabyaladi lagu yaqaney dadka garka ee dega tulada qardho ladaho. anigu waxan kaso jeda garawe. waxana amin sanahey dadkan an shegey magacoda marki loga adkadey ugana adkadey faroole siyasada bey bilabeen maxamud saleyban. waxa wax ku radiya ama ku qarabta magaca waa idinka gortaad mel ad wax sartan iyo cid juuq idiin dhada weydeen bad ledihiin maxmaud saleyban. midnimada puntland waa muqadas dhadka puntland waa mid. leydin barey leydin ka dhereg ee iska amusa amuska ad kufican tihiin

  2. Bashi from Calgary says:

    Qoraaga waa mahadsan yahay Aqli & wax laga doodi karo ayuu na dhax keenay.marku qof wax qoro nah intaas ayaa igu macno badan ,maha ina ku raacdo lakin sidoo waxu dhagay inan u eegno waa runtis. madaxweynehi hore Gen Cade waa aamusay su’aasho waxay weeye maxaa dhacay? wax kasta u sheegay waa macqul.Cats Kingdom”. Taasoo buu yiri markuu curriga weyni keligi laf haysto curiyada yar yari inay agtiisa yaaw-da guraan maahee intaa umasoo dhaafaan, bisadaha kalena iyaga bal warkoodba daa. macnah mohamud saleban markii hore horeba iyaga meesha isku isku hay hada na hoos bey u heshiyeen.

  3. Boqqorre says:

    Qormadaan waan ka helay, siday u dhacayso waxayna ila tahay Faroole in uu Amiir damac waaley yahay way caddahay, waxaase iiga sii daran Ciyaalkiisii ayaa dalkiiba Fuuqsaday, lol waxaan maqli jirey Xijaaj binu yuusuf ayaa muslimiintii dhibay, saa markuu dhintay baa wiilkiisii uga sii daray dadkii! Markaasaa lagu waashay ” Salaamul Laah Calal Xijaaj”

    Tani siyaasad ka tagtay haddaan faraha la isula teginna dadkaan iyo dalkaan ikhtiyaarkooda loo fasaxi maayo ee ama hadba mid Australia ku soo waashey haydin qaniino ama mid meel kale ku soo janaanay hadin cabburiyo.

    waxay ila tahay in dalka iyo dadka sida loo dhaamo oo la tashado……………

  4. Muni Manka says:

    Once upon a time, there was a country where animals could talk. The animals formed there own govement, but there was no election. They often organized wrestling matches b/w animals that were willing to contest for presidency. The strongest animal would then be declared president. This is exactly how puntland as a country look like from the begining up to now.

  5. Bisha Cas says:

    Qormadan aniga iigama muqato cadawad puntland iyo in qoragu ka xunyahay in p/land isku dhac ka baqsatay balse wuxu ka digay labo arimod o muhin ah: 1- mucaarad caloshod u shaqaystayala o so noqnoqday dad badanina ku kadsomay. Iyo 2- dhagarta faroole o marna mucarad u heshis la yahay ku hor jogsaday ki dhabta aha marna xisbiyo u isagu sameyay ku adeganaya. Maxa khalado inta ku jira.

  6. Bisha Cas says:

    Qormadan aniga iigama muqato cadawad puntland iyo in qoragu ka xunyahay in p/land isku dhac ka baqsatay balse wuxu ka digay labo arimod o muhin ah: 1- mucaarad caloshod u shaqaystayala o so noqnoqday dad badanina ku kadsomay. Iyo 2- dhagarta faroole o marna mucarad u heshis la yahay ku hor jogsaday ki dhabta aha

  7. sanaa says:

    Waxan u sheegayaa ninkan qoraalkan qoray walaal raga mucaaradka ah waxay mucaarad ku yihiin qaabdarada faroole wax u maamulayo ee inay dalkooda dabka shidaan mucaarad uma aha, hadii Faroole isku dhajay kursiga ma dadka iyo daka loo burburin. Walaal waxan u malaynayaa markaad arki wayday wax is laynaya ayaa hadalkan kaa keentay,iyo inaad tiraahdo waa heshiis. Waxay ahay inaad dalkaaga iyo dalkaaga u naxdid.

  8. Ahmed says:

    Runti ninka aad ku sheegaysaan aqoon yahan iskada aqoon yahane xita laguma tilmami karo in u wax bartay waxaan oran karaa wuxuu aqoon yahan u yahay xasarada iyo xumaanta taasina waa hoyga dadkan o kale bal eeg wuxuu ka shaqaynayaa isku dhaca iyo dagaal ku yimaada puntland taasina wa wax reer puntland ay hor uga tashteen faroole iyo mucaradku waxay wax balba ka horaysiinyaan danda dalka iyo dalka wixii xal u noqonyo ayaa la racayaa waana wada ognahy cidna inaysan xoog cid kale ku haysan karin balse muhiimadu waxay tahy muqadasnimada dadka iyo dalka puntland (alnamiim la yadkhulul janah)waxaan naftayda iyo naftiinaba kula dar darmyaa xumaha iyo xasarada ayunu ka fogaano waa sida alle subxaanahu watacala inogu naxariisanyo
    wabilahi towfiiq
    asalaamu calaykum waraxma tulahi wa barakaatuhu

  9. Mdeeq says:

    Qoraha Hal mid ban ku dhalilayaa
    ciwaanka article ka aad buu u qaab daran yahay
    marka ciwaan fiican u sameey hadii aad rabtid in dad badan aqristaa

    puntlandnews24 adinka laftigiina iska fiiriya ciwanada qarkood inti eydaan soo publish gareeyn warka

  10. Mimi says:

    Waa ku mahadsantahay qoraalkan sida muuqata Puntland waxay gashay waqti aad u xun oo aan la is dhaamin, Faroole wuxuu Jaa’izo ku qaadanayaa Madax Gaangis ama burcad, marka dee dadka intooda kale way yaaban yihiin oo nolol maalmoodkoodii xataa meel kuma sheegi karaan, dhalin yaradiina way tahriibeen, Marka dee faroole haduu yahay GANGS BOSS dee wadanku Nadiifin xoogan ayuu rabaa oo ah in qabiilka iyo qurunka la iska saato wada hadal iyo isfahan lagu xaliyo dhibkasta oo jirta.

  11. Ahmed Warsame ninkan ahmed warsame la baxow ina adeer wa gartaa inaad iska hantatacdid oo uk oo aad cayr ka qadatid bad mooday inad ledahay oo somali horay u tiri baqal fardo la miratay macooda ismooday marka british bad ismoodaye is daji ! tan kale hadad qaxoti nabad haysta tahay oo wadan dadkiisu hormarsaden ad tagtay mxa damiirka ka jaqay o wadaniyadii ka qaaday oo ad dadkaga ugu diidantahay hormarka iyo nabadooda , tan sadexad waxad tiri gubabo ma wado bal intad caqligaga kashasho dib u akhri qoralkaga oo waxad qortay oo raali galin ka bixi inad dad baniadam ah oo ka sharaf badan oo bulshadooda u tashaday qaybna bisadweyn ku sheegto ,qaybna yanyur mahan wax u ku fakaro qof caqli saliim ah allah siiyey any way aboowe ilahay ka cabso ,sharkana jooji , mucaradka puntland wa dad sharaf iyo wnag iyo samcada iyo jiritanka puntland doonaya waxana leayahay hanbalyo madama ay u tanasulen inay sanadka dulqatan oo cadowgoodu inu farxo ay diiden adigana dib iskugu laabo

  12. SYL says:

    “Cats Kingdom” Wallee ishaad ka ridey ujeedada qoraalkaaga, waana ku mahadsantahay, xaggee lagu arkay waddan dhan oo la leeyahay shidaal iyo khayraad ayaa ka buuxa dakiisiina gaajo u dhamaaday dhulkiisiina rifan iyo lisan uu ku dhacay in la dhiso oo adduunka lala tartamo iskaba daaye!!!, sababta waad iska garaneysaan oo waxaa loo baahanyahay inuu xukunka qabto qof waddani ah oo arrimahan wax ka qabta.

Leave a Reply