Puntland Ma Maamul Dawladeedbaa Mise Mid Beeleed
December 22, 2012 // Opinion, Warar SomaaliWaxaynu wada ogsoonahay in 22/11/2012, uu magaalada Garoowe ka ambabaxay wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha Dawladda Puntland, waftigaasi waxa uu ka koobnaa.
1. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud -Faroole-
2. Taliyaha Ciidanka Daraawiishta DPL Gen. Siciid Maxamed Xirsi – Siciid Dheere-
3. Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha D/Hoose Cali Yuusuf Cali Xoosh – Cali gaab-
4. Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Axmed Caydiid Maxamed
5. Agaasimaha Maamulka Lacagta ee Madaxtooyada Cabdi Mahdi
6. Af-hayeenka Madaxtooyada ee DPL Axmed Cumar Xirsi -Libaax Joore-
7. Lataliyaha Madaxweynaha Arrimaha Saxaafadda Maxamed C/raxmaan Maxamed Faroole
8. Lataliayaha Madaxweynaha Arrimaha Dhaqaalaha Cismaan C/raxmaan Maxamed Faroole
9. Agaasimaha Maamulka Lacagta Wasaaradda Caafimaadka Xasan Shire Abgaal
10. Hogaamiyaha Ruuxiga ah Maxamuud Shido wax xil ah kuma magacowna.
Maxay ahayd ujeeddada safarkoodu
Waxay safarkooda rasmiga ah ka bilaabeen degmada Qardho, waxayna kala hadlayeen sida tolka Qardho degan u arkaan muddo kororsiga ay wataan wafti beeleedkaasi, iyagoo gunaanadka hadalkkoodu ahaa ‘Tolow sanadkaa ha naloo daayo’. Safarkaa lugtaa oo ay ku sii mareen dhammaan degmooyinka iyo tuulooyinka u dhexeeya Qardho ilaa Boosaaso, waxaa beelaha kala duwan lagala hadlayey in sanadkaas tolnimo loogu daayo waftigaas kor ku xusan, iyadoo la dhinac maray nidaamkii dawladnimada, meelna la iska dhigay talada Golayaasha Dawladda Puntland.
Maxaa ka dambeeyey
Maalinba maalinta ka dambaysa waxaa soo dhawaanaya muddadii ay ku ekayd 4-ta sano ee maamulka hadda jira ee Dr. Faroole, waxaa soo kordhaqaya baaqyada iyo cabashooyinka laga muujinayo muddo kororsiga siyaasadaysan ee tolnimada lagu raadinayo, iyadoo meel la iska dhigay nidaamkii dawladnimo iyo Dastuurkii dalku lahaa, lana qaaday waddo madax la’ ah.
Waxaa is-xilqaamay Nabadoonada Gobollada Bari, Karkaar, Nugaal iyo Mudug, waxayna isugu yimaadeen Caasimadda P;untland ee Garoowe, iyagoo ujeedkoodu yahay in la badbaadiyo Jiritaanka iyo Midnimada Puntland, balse qayb kale oo ka mid ah wafti beeleedka kor ku xusan ayaa muujiyey handadaad iyo tahdiid siyaasadeed oo qaawan geedna aan loogu soo gaban, kuwaas oo kala ah
1. Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab
2. Duqa Magaalada Garoowe C/casiis Nuur Cilmi Koor
3. Taliyaha C.I.D. gobolka Nugaal Jarkunaban
4. Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Faarax Garangoori
Haddaba, waxaa is-weydiin leh Dawladdii Puntland, ma waxay isu rogtay Maamul Beeleed, isu kala qaybshay, kuna heshiiyey xil-kororsi iyo xarigga muwaadiniintii dhistay Puntland.
Maxaa la gudboon dadweynaha reer Puntland ee Caasimadda Garoowe ku dhaqan.
Maxaa la gudboon Isimada lakala garan la’ yahay in ay aamuseen iyo in la aamusiyey.
Maxaa la gudboon Jaaliyadda Puntland ee Qurba-joogta ah.
Maxaa la gudboon Shacabka Nabadoonadoodii Habeen walba Xabsiga loo taxaabayo.
Maxaa la gudboon Siyaasiyiinta u taagan xilka Madaxweynenimada Dawladda Puntland 08/01/2013
Wabillaahi tawfiiq
Cawaale Axmed Oday
Galkaio, Puntland Somalia




Reer Puntland maxay ku falayaan habka federaalka mar haddii reer garowe madaxdoodii is ku raaceen in la bahdilo qabaailka iyo muadininta.
Maxaa magaaladu u aamusantahay iyadoo Faroole caasimaddii dalka ka goynayo?
sacad ban kacag siin aa wiilka garawe labaxay sxb reer mudug wxay yihin lama wyadiinayo kabasilig sxb orad riyahaga raaco sxb waxatahaay tariikhdaa qoraysaa sxb magalada aad ku qoratayana wax ada kaga dhigay wa layaqan sxb marka sxb kabasilagay faroola la caqli tihhin wxaba idin ma qabanyo yuusan dada ka idin ku dirin wlahay mela marten lawayin garawa iyo dangoraya ku godmaysa inta ka dhexleh marka aad rag lakaftamayso wxa tahay ogsonow sxb
dadka qaar caqligooda wuxuu noqday tuugeena maxaa ku tusay. war wax ha la saxo khalad yaan khalad kale lagu sixin maanta somali oo dhan isha ayey ku haysaa reer garowe waxa ay ka yeeli doonaan mustaqbalka puntland.
GUUL PLZA OO NOQDAY HUTEELKA UGU HORMARSAN BOSAASO
GUUL PLAZA OO NOQDAY HUDHEELADA HORUMARKA BOSAASO
qofka wxn iska xarxariiqay wa qof caqligu ku yaryahay wa inan si fcn u fakerin macno badan masameeyneyso hadii aad sidaan xun oo daciifnimada ah aad u fekertay qofka waxa xukuma caqliga saliimka somalia waxa halkaas dhigay wa qabiil adigana qabiil ayaad u hadleeysaa wxn ka fahmay qoraalkaga inaad qabiilkaga u hadleeyso
Ninkan wuxuu doonaya inuu iskeen baro Maahan Shaqsi uu qoraalkiisu nuxur badan ku dhisan yahay inuu qabiil iyo reerbaa saas ah ka sheekeeye,
Adeer weligaa walaga taxadaraa laba wax yaalood inuu hadal xun kaa fikado iyo in sawir xun laga qaado waayo labadaas waxay damaqyaan Mustaqbalkaga,
Tan kale Makula tahay Nugaali inay Mudug u baahan tahay bal isweydii kan loo baahan yahay,, Maahan in loo dhaqmo sidii oromadii, adeer walaahi sacad baan lacag kugu siinayaan airporka yar hakaa cayrsadeen sidaadiye
asm adeer puntland waa maamul beeleed
shaati dawladeed xiray weligeena sas ayay ahayd
lakiin faroole wuxuu dheeryahay aqli xumada
iyo dhifida uu ka dhashay oo lahayn wax aqli iyo maanku shaqaynayo waxaana daliil u ah
raga martida uh reer garowe oo xabsiyada loo
taxaabay maka adkaan waayeeen calooshood u
shayqays tayashooda sida xun ual dhaqmaya biri magaydada martida u ah
waxaan oran lahaa umad yahan
lama arag waxaa samayseen maha wax dad aqli
iyo maan shaqaynayaa falaan
fg ogaada ninba meeshiisha in u sudoona ka
yaalikaro
SCWW WAXAAN SALAAN KADIB UMAHAD CELINAYAA DHAMAAN PUNTILAN24NEWS KAN MAANKA SHEEG TAY MA UMALAY NAYO IN UU UDHASHAY PUNTILAN SABAB TOO AH FAROOLE MA FAA NIYEEN ADEER MAR KAAD BEEN SHEEGAYSO SHEEG BEE RUN U EG HADII ISKA AAMUS TAN KALE FAROOLE ANUU MA ARAG SAWIR MOO YEE WALIGAY WAXAAN FILAYAA IN WAX U DHIN MEEN SAAS KUMA FI YOOBA DHAKHATAR HALA GEEYO KOLAY WIXII NOOL WAA LA XISAAB TAMAYAA INSHA ALLAAH SCWW
cawaale axmad waa wax jira waxaad soo qortay laakiin kuwa hada mucaaradka ah iyag qudhoodu waxay aaminsa yihiin in wakhtii reerka aad meesha kusoo qortay dhamaaday laakiin iyaga wakhtigii reer kooda la gaaray suaasha meesha taal waxay tahay qoladee qaldan mise kuligood waa qaldan yihiin oo qaiilo intaa ka badan ayaa meesha dhistay
Puntland news maha maa mulka faroole oo keliya maweydan joogin maamuladi ka horeeyey nin kasta o puntland madax ka noqda waxa u so dhobaya madaxtoyada umada rer puntland dad jifi hore la ah marka ani waxan isle yahay farole aya ugu roon, dadkas o dhan waxa la gudboon in ay nabada ka shaqeeya, dowladana lala shaqeeyo, horumarka ay wadana lagala shaqeeyo, cadkasta o puntland mucaarad ku ahna isku mel loga so wada jeesto