Puntland Madaxweyne Ceynkee ah Ayey U Baahan Tahay ? [Faallo]

September 30, 2012   //   Faallooyin, Warar Somaali

Tan iyo intii ay soo baxeen wararka sheegaya in doorshooyinka Puntland shaki galay in ay dhacaan wakhtigii loogu talo galay ayaa waxaa soo badnaya rag isu soo taagay xilka Madaxweynaha ee Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Horey waxaa xilkan u shaaciyey in ay u taagan yihiin rag ay ka mid yihiin Gen. Cabdulaahi Siciid Samatar iyo Dr. Cabdiraxman Maxamed Gablax, waxaase baaris badan isku dayi doonaa in aan idin soo gudbino taariikhda ragga is sharaxay iyo halka ay siyaasadda ka soo galeen.

Cabdulaahi Siciid Samatar

Gen.C/laahi Siciid  Samatar waxaa uu ku dhashay degmadda Bander bayla oo ka tirsan Puntland, wuxuuna kasoo jeedaa Gobolka Bari. Waxbarshadiisii dugsi sare  waxa uu ku qaatay Gudaha dalka Soomaaliya, isaga oo waxbarshadii Degree ku ka diyaariyey Jaamacada Sharciga ee Muqdishu sanadkii 1974.

Waxa sidoo kale uu waxbarshadda heerka Master of Criminal Panel Law ku diyaariyey dalka talyaaniga sanadkii 1981, isaga oo ka mid ahaa dadkii nasiibka u yeeshay in ay shahaado sare oo sharciga ka diyaariyaan dal aad u horumary.

C/laahi Siciid Samatar, waa siyaasi inta badan jecel ku dhaqanka sharciga, aaminsan in qof walba uu tixgeliyo sharciga , isaga oo sidoo kale xilala kala duwan ka qabtay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Samatar waa sharciyaqaan, waxaa uu ku hadlaa luqadaha Ingiriiska,Carabiga,iyo Talyaaniga , dhanka kalena waxaa uu xiriir wanaagsan la leeyahay dalalka daneeya arimaha Soomaaliya isaga oo xubin ka ah Ciidanka Booliska aduunka ee Interpol. Halkan ka Akhriso Taariikhdii Samatar

Waxa uu Cabdulaahi Siciid ka mid yahay ragga sida weyn dadka Puntland ay ugu tixgeliyaan arimaha amniga isaga oo wax badan ka qabtay falal amniga Puntland lid ku ah.

Dr. Cabdiraxmaan Gablax

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed (Gablax) waa aqoonyahan waa qoraa waxa uuna ka soo jeeda Gobolka Mudug waxa uu degan yahay Toronto, Ontario.

Gablax waxa uu wax ku bartay Colorado Technical University  isaga oo ka diyaariyey Master of project management sanadkii 2004.

Sidoo kale waxa uu waxbarshadii degree ka qaatay Jaamacadda Bellevue university sanadkii 2000, isaga o ka qaatay shahaadda la xiriirta arimaha Computeradda (Computer Information systems).

Waxaa uu qaatay shaahaadooyin dhowr ah oo la xiriira arimaha maamulka iyo maareynta iyo weliba sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha.

Horey uma aheyn nin loogu garnayey siyaasadda Puntland iyo tan Soomaaliya intaba waxa uu degan yahay qurbaha, Dr. Cabdiraxman Gablax waxaa lagu xasuustaa in uu yahay qoraa qoray buuga lagu magac daray “Managing Failure on the Road to Success” kaas oo in badan ka hadlaya arimaha guul daradda.

Gablax siyaasadda ahaan waa nin fur furan, dadka yaqaan waxa ay ii sheegeen in uu yahay nin leh karti iyo dadnimo loogu aami karo in uu Puntland hogaamiyo.

Inta badan hadalkiisa waxaa ku jira in uu jecel yahay nabadda, hadda iyo jeer waxa uu maamulka Puntland uga digaa in aysan amniga Puntland khal khal gelin iyadda oo shirar dhowr ah uu ku qabtay Puntland iyo dibadda. Halkan ka akhriso Shirkii Galkacyo.

Muuse Geelle Yuusuf (Faroole)

Waxa uu ahaa Gudoomiyihi hore ee gobolka Bari Mudane Muuse Geelle Yuusuf (Faroole) xilkii uu u magacaabay Gen. Cadde Muuse waxa laga qaaday bishii February sanadkii 2010, waxaana lagu xasuustaa in uu ahaa nin siyaasi ah dadka ay isku mid u yihiin.

Muuse Geelle Yuusuf (Faroole) waxa uu Puntland ka tagay sanadkii 2010, bilowgiisii isaga oo dalka ka maqan ayaa xilka laga qaaday, waloow July 27, 2011 uu dib ugu soo laabtay Bosaso.

23-July-2011 shirweyne ay beesha Cali Saleebaan ku yeesheen Magaaladda Dubia ayaa si rasmi ah dadkii shirka soo abuubulay u xuseen in  Muuse Geele Faroole uu yahay musharaxa beesha ee xilka Madaxweynaha Puntland.

Muuse waxaa uu siyaadda ku jiray mudo gaaban, gaar ahaan tan Gobolka Bari dadka reer Bosaso waxa ay u arki karaan in uu yahay nin mudan in lagu aamino Puntland, waayo waxa uu ahaa ninkii ka shaqeeyay in Shacabka Bosaso nabad ku wada joogaan, markii xilka laga qaaday waxaa ka dhacay  Gobolka Bari falal badan oo amniga lidi ku ah.

Shirkaas ayaa laga soo saaray bayaan, wallow ay jiraan rag badan oo ka tirsan beeshaas oo xilligan loolanka si weyn aan lagu arag balse rajo weyn ka qaba in ay xilkaan isu soo sharaxaan, Halkan ka akhriso bayaankii shirkii 2011 ee Dubia

Prof. Cumar Farjac

Waa siyaasi reer Puntland ah waxa uu siyaasadda ku soo biiray sanadkii 2009kii markaas oo dadka ay ugu horeysay isaga oo ah Musharax, wuxuu ku dhashay Prof Cumar  Farjac magaaladda Qandala ee Gobolka Bari.

Waa aqoonyaha isaga oo Shahaadada PhD ku diyaariyey Dalka Mareykanka sidoo kale dadka yaqaan waxa ay ii sheegeen in uu qaatay MS demographer, MS Sociologist, MS Statistician. MS Urban Planner, MS Transportation Planner.

Farjac wuxuu ku xirfad dheeryahay Siyaasadda Dhaqaalaha Maalgelinta Shisheeye iyo Hantida u Soo gooshta Wadamada Soo Kobcaya, Dhaqaalaha Beeraha iyo tacabka jibaalka dhulka, dadkii goob jooga ka ahaa doorshadii Puntland Garowe marka ay soo xasuustaan Farjac waxaa ay soo xasuusanayaan in uu ahaa nin cod kar ah, sheeko badan dadka ay jeclaan lahaayeen in mar lagu aamino Puntland in uu hogaamiyo.

Maxaa socda hadda

Waxaa socda waa musharaxiintii oo ku soo wajahan gudaha Puntland rag badan oo siyaasiyiin ah oo gudaha jooga laga yaabo in ay ku dhawaaqaan in ay u sharaxan yihiin xilka Madaxweynaha, halka Madaxweynaha hadda jooga uu isagana aaminsan yahay in 1 sanno uu ku darsado.

Maxaa la gudboon waxgaradka

Puntland waxaa looga fadhiyaa dadkeeda waxgaradka ah oo issimada ugu horeeyaan in ay ka badbaadiyaan khal khal ka dhaca amniga, waayo nin walba waxa uu sheeganayaa awood ciidan iyo mid dhaqaale in uu haysto taasina waxa ay keeni kartaa in dadka shacabka ah dhibaato ka soo gaarto, ay adkaato in dib dambe leysugu keeno Puntland oo ay noqto mid sharaf xumo ah.

Dar daaran

Waxaan kula dardaarmaynaa shacabka Puntland in ay eegaan cida khaladka leh, kana hadlaan muujiyaan dareenkooda dhabta ah oo aysan iska aamusnaan.

Shacabkii waxaa soo gaaray bur bur dhaqaale, waxaa la laayey dadkii waxgaradka ahaa suxufiyiintii, siyaasiyiintii iyo haweenkii, maantay waxaa loo baahan yahay dadka in ay ka baxaan mugdiga, dalka loo horjeedo amni laga hor tago cid walba oo amniga wax yeelaysa, Puntland guusheeda waa guusha Soomaaliya.

Yuusuf Hajji
Puntlandnews24
Editorial

COMMENTS

RSSComments (7)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Dahir Mohamed says:

    Qofka marka taariikh nooleedkiisa,laga hadlayo,waxaa laga bilaabaa,sanadkii uu dhashay,oo sax ah.
    waxaad moodaa in warbixin,kooban,oo aan laga soo xigan,dadkani aad ku magacowdeen,masharixiinta.
    waa arin,caadi ah,in xiliga ay soo dhawaato,doorashada,maamulka puntland ay soo ifbaxaan,dadbadan oo iso soo sharaxa,in ay qabtaan,xilka madaxwaynaha,kuwaasi oo inta badani,ay katahay,kursigan ayaan caashaqay.
    ragani aad soo,shaacisay,xaq waau leeyihiin,in ay is sharaxaan,laakiin,xiligo xilgii ma aha,wax logo dooni jiray,hab beeleed,ee iyagoo xisbi ka tirsan,xisbigoodo ha u soo sharaxo,in ay u taaganyihiin,musharax jagada madaxwaynaha.waxa kala saari doona dadwaynaha reer puntland,puntland iyo guud ahaan smalia,waxaa ka dhacaya dabayklo isbedel, iyo siyaasado cusub,oo horusocod ah,dadkuna waa bislaaday,ee ha la ogaado,in waqtigo isbedelay,kii aqoon leh iyo kii waayo aragnimo leh,shacabka qofkii uu doorto,un baa kursiga ku fariisanaya,inta kalana daadka ayaa qaadaya.guul puntland iyo somalia guud ahaan.

  2. Oday Bari says:

    Waxan umahad celinaya dhamanti lkn waxa isweydin mudan in Garowe mustaqbal keda meel lagu saleyo hadi Farool xilka laga qaado

  3. Abdulaahi says:

    Sc

    Walaal waxad nawaydiisey sual wanaagsan oo loobahan yahay in layswaydiiyo. xiligaana kuhaboon.

    sida aynu wada ogsoonahay shacabka reer Puntland waxaa lagu yaqaan shacab wanaagsan oo nabada iyo hormarka jecel. laakin waxaa kujirta inyar oo xumaan katalis ah oo aan Puntland larabin in ay horey usocoto.

    hadaba marka runta lolaabto qofkasta waa arkaa cida carqalada wada oo uu uguhoreeyo Mr Faroole sida aynu wada ogsoonahay Faroole waxa xilka loodhariyey mudo 4 sano ah waxaana kadhiman 3 bilood oo kaliya mudadaas ayada ah.

    madaxweyne Faroole iyo kuwii kahoreeyayba waxan ku amaanaya wixii wanaag ah oo ay Puntland usoo hoyeen sidoo kale waxay ee deeda leeyihiin waxkasta oo ay khaldeen oo ulakac ah.

    anigu waxan aaminsanahay in doorasho dacdo xiligii loogu talagalay cidkasta oo kusoo baxdana waan sodhaweynayaa tageerona wan uhayaa laakin waxan diidanahay oo kasoo horjeeda fikrada Madaxweyne Faroole wato ee ah anigu xisbiban sameystay kursigana kama dagaayo wixii kasoo horjeedana waa qaswadayaal.

    Puntland xiligaan diyaar uma ahan nidhaamka axsaabta badan waa marka sida saxda ah wax loofiirsho waa siday aniga ilatahaye. waxaynu wada ogsonahay in Puntland qaybo qaybo noqotay qolokastana ay maamul kudhawaaqeen.

    Puntland waxay ubahan tahay madaxweyne wadani ah oo calaalad iyo sinan kumaamula Puntland eexna aan aqoon oo dhaman gobolada Puntland iskugu mid uyihiin. madaxweyne unaxariista dadka danyarta ah oo aan kibir badneyn.

    wabilaahi towfiiq

  4. Gacaliye. says:

    Puntland waxay u baahan tahay m/weyne caruurtiisu ayka fogadaan ku dhanka xun oo ay haatan wadaan, sidii ilma Qadaafi, ilma Mubarak, ama ilma Afweynme!
    Q: Waayeel waa ayo?
    A: Waayeel waa inogon isyeel yeelin, as we say in Somali!

    Mohamed iyo Khadar Faroole MUST forget their stupid attytude of thinking “my father is the president so I can do whatever I want” with inpunity! I can order the firing, arrest, harrasment and in worst cases murder of those who don’t think like my father! In today’s world, nothing is hidden and no one is ananym.
    So,Faroole kids cagaha dhiga!
    And Faroole Senior, change this destructive culture of making your kids to behave as extra presidents above all norms!
    Waa iga talo!

  5. Puntlanderman says:

    warbixin qiime leh weeye dadka cuqadda qaba ee commeniyadda dhiibanaya adeer ordada meel farista.

    Puntlanad ama waa gablax ama waa samatar hadii kale garowe waxa ay noqoneysaa sidii 1998dii waana mid runta ah dad is qabta oo wax isku sheega ma jiraan halkaas, barxad weeye caqliga.

  6. Dhahar says:

    yuusuf runta hadii la sheego dalku waxuu u baahan yahay in laga qabto adiga iyo waxii kula fekar ah ee qof ku daba jooga jifi hoose ayaan la nahay ee aan dad iyo dal kale wax dan ah ka lahayn kaliya mucaaradnimo iyo muxaafidnima doodo ku salaysan tahay qabiilka sifiican ayaan isu garanaynaye maxaa ku tageerin raga aan garanayno oo aad dawlada ku mucaaradin walaahi in anan faroole taagereyn oo cid dawlada ku jirta aanan taagereyn laakiin maanta puntland meesha ay gaartay waxaa lagu qisaasi karaa afartii sano ee faroole in ay u dhiganto siddeed sano oo wax qabad ah markii loo fiirsho meeshu wax ka bilaabay waa noo siman yahay faroole aniga iyo adiga markii loo fiirsho qabiilakan baas ee aan u sacyinayno tan kale walaal hadi aad wax mucaaradin saas wax looma qoro wax laga fiican yahay waxaan aad leedahay nin kasta waxuu sheegan awood ciidan wax ka jiraa ma jiraan adiga waxay kaa tahay in aad is leedahay wax buun buuni laakin waxay kuu tahay wax aad u rasan ee laga xishoodo midna ogow meesha waa meel dawladi ka jirta cudud ciidan iyo amni bay leedahay walaahi waa kuu dhaartaye cid oran karto ciidan baan wax raadin in aysan jirin walaal oo aan ka ahayn dawlada marka dhalinyaro ha laga qayb qaato horumarinta wadanka inta la iska daayo oday hebel ayaan dantiisa ilaalin waayo isba taada ma ilaasho nidaamkii maanta lagaga bixi lahaa waxaan iyo qabiilkan baas ayey dawladu wadaa hada waa wax lagu farxo dadka inta wadaniyadu jirto ee aysan ku jirin anaga reer hebel ah sidee oday jifida ah xukunku ugu wareega waxaa la rabaa in caqligu shaqayo oo laga fakaro mutaqbalka wadanka iyo dadkeena

  7. A,W,W
    anigoo ah muwaadin ka soo jeeda gobollada puntland ee Soomaaliya haddii aan fekerkayga ka dhiibto su’aasha ah, yaa madaxwaynaha puntland maanta ku habboon?

    waxaan rumaynsanahay su’aashaas jawaabteedu inaysan u baahnayn caadifad, xammaasad iyo ninjeclaysi waayo jawaabtaas waxaa ku xiran ummad dhan masiirkeed iyo mustaqbalkeed,

    haddaba waxaan usheegayaa dadka website-yada qoraya iyo kuwa aragtida soo dhiibanaya inay ka feejignaadaan inay ka taliyaan wax aysan dadkaas iyo dalkaas dani ugu jirin,

    markaa anigu taladayda haddaan soo gudbiyo waxaan arkaa in la doorto dadka dhallinyarada ah ee aqoonta leh ee la jaan qaadikara waqtiga lagu jiro dalkana horumarinkara kuwa hadda xilka haya iyo kuwii horay loosoo tijaabiyeyna in daaqadda laga tuuro, qofkana lagu qiimeeyo muxuu soo qabtay muxuuse hadda qabanaya maxaa laga dheefayaa in la doorto? ee aan loo fiirin qabiil iyo wixii 1990- laga hadli jirey Soomaaliyina ku baaba’day arrintaa si fiican ha looga fekero,

    si loo gaaro maalin dadka lagu soo doorto sida ay u kala shaqo iyo adeeg badan yihiin,
    wa billaahi towfiiq.

Leave a Reply