Puntland oo canbaaraysay Sh Shariif Sh Axmed (Warsaxaafadeed)
August 27, 2012 // Warar SomaaliDawladda Puntland waxay si xooggan u cambaaraynaysaa tallaabooyinka siyaadadeed uu qaadayo madaxwaynihii hore ee Dawladda Federaalka Soomaaliyeed , si uu ugu xoojiyo faragalinta iyo docwareenka habka siyaasadda Soomaaliya, taasoo khal khalgalinaysa tubta nabadda (roadmap) ee maanta taagan marxaladdii ugu danbaysay.
Rajada dadka Soomaaliyeed waxay sii xoogaysatay markii guddiga farsamada ee soo xulidda ay kala hufeen xubnaha u taagan kamid noqoshada baarlamaanka cusub ee isbeddelka lagu sameeyay. Guddiga farsamada si xooggan ayaa loo ammaanay , gude iyo dibadba, markii ay booska ka saareen hogaamiye kooxeedyo qabiil iyo xag jiriin.
Habaynimadii sabtida, waxaa shir khaas ah ku yeeshay magaalada Muqdisho madaxda dawladda Federaalka Soomaaliya oo waqtigoodu ku ekaa 20-ka bisha Agoosto. Shirkaasi kadib, madaxwaynihii hore ee Dawladda Federaalka wuxuu qaatay go’aan sharci ahayn oo faragalin toos ah ku noqonaya habka siyaasadeed isla markaana caqabad ku noqonaya nabadda.
Heshiiskii Gaalkacyo ee Maarso iyo kii Addis-Ababa ee May 2012, waxay saxiixayaasha Roadmap-ka ku heshiiyeen, ayna saxiixeen in farsamada xulitaanka baarlamaanka cusub loo daayo guddi madax-bannaan oo ka kooban 27 xubnood oo Soomaali ah iyo 7 xubnood oo beesha calamka ka socota. Guddigaas oo xubnaha baarlamaanka odayaal dhaqameedka ka hubinayo inay buuxiyeen shuruudihii lagu heshiiyay ee ka mid noqoshada xubnaha Barlamaanka cusub.
Madaxwaynihii hore ee TFG –da , wuxuu go’aansaday inuu si jeebkiisa oo aan sharci ahayn awood kusiiyo maxkamadda sare si ay, si aan sharci ahayn ugu fara galiso habka soo xulista baarlamaanka oo heshiis loo dhan yahay laga gaaray. Waxaa la xaqiijiyay madaxa maxkamadda sare Caydiid Ilkoxanaf inuu si shaqsi ahaaneed u booqday dhismaha guddiga farsmada, una sheegay in waqtigii dhammaaday, wuxuuna amar kusiiyay in xubnaha guddiga inay yimaadaan maxkamadda wixii dukumentiyo ahna ay soo wareejiyaan.
Waxaa kaloo uu amray Shariif in kulamada guddiga farsamada laga saaro korjooge ka tirsan qaramada midoobay oo lagu magacaabo Mr. Peter De Clerq oo ah kuxigeenka wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay.
Wakiilada caalamka waxaa lasiiyay todobo korjoogto oo kamid ah guddiga farsamada , sida lagu heshiiyay shirkii Gaalkacyo ka dhacay 27 Maarso 2012.
Tani waa faragalin cad oo qaawan oo ka dhan ah habka siyaasadeed ee Soomaaliya kaasoo qaramada midoobay ay taageere wayn ka tahay. Madaxdii waqtigoodu dhammaaday ee TFG-da maleh awood gaar ahaaneed oo ay ku soo saaraan go’aanada dalka, maxkamadda sarana maleh awood ay ku fara galiso hawlaha dalka, taaso ah xaalad siyaasadeed ee aan ahayn xaalad maamul. Guddiga farsamada ee soo xulidda waa inay sii wadaan kala hufidda xubnaha noqonaya baarlamaanka Soomaaliya illamaa ay kasoo dhammaystirmaan liiska 275-ta xubnood ee baarlamaan , waqti kusiman 28-da Agoosto ee 2012.
Ugu danbayntii , Dawladda Puntland waxay ka codsanaysaa Qaramada Midoobay, Midowga Afrika , IGAD, iyo beesha caalamka inay xaaladda hadda taagan soo fara galiyaan.
——- DHAMMAAD—–.


