Dowlada Puntland Oo Ku Guuldareysatay Dhameeystirka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso [Warbixin]

October 30, 2012   //   Faallooyin, Warar Somaali

Magaalada Boosaaso waa magaalo ganacsi oo ku taala meel Strategic ah, Boosaso waxaa ku nool shacab lagu qiyaaso sagaal boqol kun oo ruux.

Magaaladu malahan garoon hagaagsan oo diyaaradahu isticmaali karaan, mana ahan in la awoodi waayey in howsha garoonka oo qabyo ah la dhamastiro balse waxaa gashay hagrasho.

Aasaaskii Puntland horteed waxaa isku dayey inay madaar caalami ah oo lagu magacaabo Bender-Qassim Airport ka dhisaaan magaalada Boosaaso dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, balse khilaaf iyo muran ay saldhig u ahayd in Boosaaso garoonka laga dhisayo qayb kamida loo weeciyo magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe, ayey sababtay in mashruucaas meel mar noqon waayo.

Isku dayo kale oo shirkado ajnabi ah iyo dowlado carbeed mar kale hindiseen in Boosaaso garoon caalami ah laga dhiso, hadana sababtii aan kor kusoo xusay mid lamida ayey u socon weyday, kadib markii xujo laga dhigay in magaalooyin kale qayb laga siiyo mashruuca.

Lixdii sanno ee u dambeeysay maxaa laga qabtay garoonka?

Shir ay wada qaateen maamulkii hore ee Puntland ee uu gar-wadeenka ka ahaa Gen. Cade Muuse ayaa sanadkii 2005-tii waxay ku heshiiyeen in loo qoondeeyo dhismaha garoonka diyaaradaha Bosaaso, lacag dulsaar ku ah khidmadaha laga qaado badeecadaha la canshuuro oo dhan 5% dakhliga soo xarooda.

Lacagtaas waxaa lagu bilaabay dhismaha garoonka laguna soo gaarsiiyey heerka uu hadda taagan yahay oo maamulkii hore soo gaarsiiyey.

Barnaamijkaas lagu dhisayey madaarka Boosaaso wuxuu muujiyey isku kalsoonida,lagaga maarmi karo in gacmo shisheeye wax laga sugo,shacabkana la tuso in ay wax kasta qabsan karaan.

Markii maamulka Abdirahmaan Faroole oo haatan xafiiska talada dalka haya muddo afar sano oo billo yar ka dhiman yihiin, ayaa halkii laga rabay inuu mashruuca garoonka Boosaaso dhamaystrimo,ayuu bartiisii ku joogsaday,iyadoo ay kasoo wareegtay seddex sano iyo toban billood oo bil walba khidmaddii la qoondeeyay 2005 la qaado.

Mar-kaynu ku salayno dakhli bileedka kasoo xarooda Puntland ee loo qoondeeyey garoonka wuxuu noqonaaya bishiiba ugu yaraan $60-kun oo doolar,marka lagu dhufto muddadu maamulka Madaxweyne Faroole xukunka hayey,waxay u dhiganta 2-millyan sagaal boqol iyo sideetan kun oo doolar.

Xisaabtaas oo dhamaystiri karta howlaha garoonka qabyada ah,iyadoo lagu qiyaasay kharashka garoonku u baahan yahay dhamaystirkiisu $2-milyan oo doolar keliya oo loo hayo hadda.

Haddaba waxaa isweydiin mudan;

Maadaama ganacsatadu bixiso kharashkii loo baahnaa in lagu dhamaystiro, Wasaaradda Maaliyadu lacagtaas loo dhiibay xagee ku ogtahay?

Golaha Wakiillada iyo Hanti dhowrka guud ee dowladda maxay  kala socdaan arrinkaas ?

Ganacstadii lacagta bixisay iyo dadweynihii waxqabadka sugayay waxay doonayaan inay helaan xisaab celis dhab ah oo faah faahsan laguna qanci karo .

Waxaa jirta baahi taagan oo dhibaato lagu qabo dhanka safarka diyaaradaha iyadoo rakaabka Puntland baahidu ku kaliftay inay ka dhoofaan garoomada Gobollada iyo dowladaha deriska ah. Iyadoo garoomada Muqdisho, Hargeysa iyo Berbera ay noqdeen madaarada ugu mashquulka badan Somalia.

Garoonka oo kamid ah kaabayaasha muhiimka u ah dhaqaalaha dalka maxaa keenay in la curyaamiyo oo muwaadininta reer Puntland la dhaxalsiiyo dhibaato iyo dayac lagaga kaaftoomi karay ,sharafta iyo sumcadda Dalkana kor u qaadi kartay.

Maxaa shacabka Puntland ee ka hayaamaya qurbaha lug uga soo bilaabaan magaalada Berbera, iyagoo safar dheer kadib Puntland gaara? runtii waa in loo soo jeestaa sidii garoonka Boosaso loo dhameystir lahaa, iyadoo dalxiiska iyo duulimaadyadu noqon doonaan kuwa sare u qaada illaha dhaqaalaha dalkeena Puntland.

Puntlnad News-24

COMMENTS

RSSComments (21)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. aarka.mosa says:

    halkan waxan kasalamayaa siyasinta putlandi oo dhan waxan ahayt siyasi soomaliyeed oo kunool qaaradaha yurub waxan aad u soo dhaweynaa doo rashooyinka halka sano makuu dhamaado in si nadiif ah loo qaban qaabiyo doorashooyina putland putland waxay kaqayb qateytay namadaynta soomalia aniga sicidana farta kufiirimaayo waxan sugaayaa halka sano markuu dhamado in shaa alah

  2. sharmake says:

    reeer maxay iyo reer maxay iskadaaya puntland waa mid ee dhista puntland siwada jir ah, waayo?? Puntland magac ayay dunida ku leedahay, aayahedunida waa shacabka reer puntland, viva puntland aniga oo ah reer jubaland ah

  3. juusto says:

    masha alah garoonkii wey ilowday dowlada hada jirta ilhay G. cade muuse ilahy khayr hasiiyo puntland wax badan ayuu uqabtay cade mashaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaalah

  4. Asc dhamaantiin. waxaa la yaab ah in ay waqtigaan xaadirka ah ay noqotey in laga hadlaa in dib loo dhisaa garoonkii diyaaradaha ee magaalada Boosaaso waa arin nasiib daro ah taas waayo waqtigaan ma aheen in garoonka laga hadlaa. waa fahmi kartaan wax jira putland xaalkeeda oo noqotey in madaxdiiba iyo dadkii qaadey amaanadeedii deegaankaas ay san ka soo bixin xilkii ay kitaabada u mareen oo ah iney u shaqeeyaan bulshada. taasi waa mid uu alle kula xisaabtami doono oo waliba ay arki doonaan. tan kale haduu xintan galo maamul waxaa ku dhacajaahwareer dowlad waalatey maxay u qaban kartaa dad fiyoow. dowlad doo nooyo xolo arurso dadkadan ha difaacaan oo u dacwoow waa damiir xumo. masuul waxuu masuul noqdaa markuu horomariyo inta uu maamulkiisa gaarsiisan tahay isagoo eegyo hadba sida ay baahidu tahay. waxaan maqlnaa garoowaa garoon idiinkaga dhisayaa oo boosasana waa qabyo umda waxaa logu sheekeeyo ha ogaadaan maamulka hada hayo waxyar baa harey garoonka boosaasana waxuu noqon doonaa garoon caalima ha umada ha fakaro danahoodana ha u istaagaan waxii dantooda ka shaqeynaayo.garoonka boosaaso iska adkeyso wax yar baa kuu haree halabuur iyo horyaalo jecel horumarkaaga wa soo socdaane adiga iyo magaalooyinkii la hagradeyba.

  5. Asc dhamaantiin. Intaa ka dib waa wax lala yaabo in hada la isxasuusiyaa in wax laga qabtaa garoonkii

  6. caraseedo says:

    Waa cunaqabatayn aan loo baahnayn,boosaaso waa magaalo aan jecel nahay,oo u baahan in loo dhiso ayraboorka si ay ugu fududaato safarada cirka bulshada reer boosaaso iyo reer puntlandiga kaleba,taas oo nabadgalyadooda u ah muqadas.
    Dadku markay ka soo degaan ayraboorka boosaaso waxa u dhibyaranaysa safarka wadanka gudihiisa ah,maxaa yeelay waxaad u soconaysaa magaalada daqiiqado yar,haddii kale waa maalmo iyo safar dheer oo wareeg ah.

  7. run sheeg says:

    sx waxaa is weydiin leh caasimada puntland maa canshuurta 5% loo jaraayey mise garoonka diyaaradaha bader qaasim ?

    3malyan oo doolar ganacsatada laga qaaday
    maxaa lagugu yiri garooka boosasaaso ayaa lagu dhisaa mise casimada puntlland?

  8. Finiin says:

    Joojiya sxb putland waa hal waa ay wanaagsansan tanhay in garoonka magaalada ganacsi la dhiso oo mid qurux badan laga dhigo waana la dhameynayaa dadka yaan balaayo laga dhex abuurin laakiin mid ma is weydiiseen caasimada dowlada putland ayaa mudan marka hore oo waa caasimada dhamaan reer putland waa dadka ku abtirsada putland

  9. Abdirashid says:

    Sc
    Arrin jirta ayaad taabatay. Fallaar ayaa la moodaa in lagu ligligay maamulka. Runtii waa arrin jirta ilaa hadda, horena u jirtey in maamulka puntland qorshohooda ku wajahan dhismaha garoonka Boosaaso uu noqday mid natiija dhali waaye.
    Sida aad ogtihiin dawlad cusub marka ay meel timaaddo iyadaa qorshe cusub iskala timaadda. Tii hore qorshayaashii ku bargo´naa daaqaddaa laga tuuraa. Taasina waa khalad wexeyna calaamad u tahay maamul xumada iyo khibrad yarida dawladda cusub ee imanaysa. Waxaa loo baahan yahay in haddii maamul la beddelo oo mid cusubi yimaado in lagu wareejiyo qorshayaashii hore u socday si ay dawladda cusubi u sii kamisho. Taas waxaa diidaya hab dhaqanka Soomaalida oo ah in nin walba oo xil hayey uu meeshii wixii uu ka heli karo jeebka ku sii shubto – isna aan waxba la weydiinin. Haddii uu ahaa qorshe iyo haddii uu ahaa maal la ururiyey waxaba isagaa iska leh – caruurtiisa ayuu siisanayaa, guryuu ku dhisanayaa. Soomaalaay sida aad wax u fahansan tuhiin ayaa ah si lagu ba´ay. Soomaalaay xaaraanta aad daldalaysaan ayaa cadaab dunida ah la idiinka dhigay. Si loo xisaabtamana ma taqaanaan. Waa wax laga naxo in maamul kastaa uu jeebabka intuu sii buuxsado dibadda ku dhaco oo aan dib loola xisaabtamin. Goor ay xeero iyo fandhaal kala dhacaan ayaad wax is weydiisaan. Sheekadan ah garoonka boosaaso wexey ahayd in maalintii ugu horreysey ee uu maamulku meesha yimid lagala xisaabtamo. Imminka oo gabbalkiisii dhacay maamulku ma laha dhega uu wax ku maqlo. Ma laha indha uu wax ku arko. Wuxuu ku mashquulsan yahay yaa kursiga kaa qaadi doona oo aad dishaa intaad awoodda haysatid.
    Soomaaliyeey maamulka iyo awoodda dawliga ah waxaad u isticmaashaan inaad isku dulmisaan oo aad ku aargoosataan oo aad dadka masaakiinta ah ku boobtaan oo aad gurigii hooyadiin ku gubtaan oo aad diinta kaga baxdaan oo aad cadaab ku gashaan ayaad.
    Intaas baad ku dul wareegaaleysanaysaan. Fahankiina iyo fikraddiina iyo waxqabadkiinu intaas aan kor ku sheegay ma dhaafsiisana.
    Bal car sii jira – Illaahayna waxaan ka baryayaa inuu halligo kuwa dadka sharaftooda, maalkooda iyo diintooda si xun u isticmaala. Inta la idin habaarayo iyo inta la idiin ducaynayo waxaa badan inta la idin habaarayo. Aammiin dheha!!!

  10. axmed says:

    Xaydarow, waxaa lagaaga baahanyahay Runta, beentu waa dambi, Garoowe waxaa dhisay oo qurxiyay hadii xaqiiqada kuu sheego waa Caasimadnimada iyo dadka reer puntland oo si wadajir ah ugusoo guuray– waxaad la socotaa hadii aad da’ahaan xamar joogijirtay xamar waxay ku dhisantahy Casimadnimada , maxaad uga maseyreysaa hadii Alle u gartay Casimadnimada, hawada wanagsan Bartanka deegan ahaan Puntaland; waxaan kuu sheegayaa Faroole ma dhisin Reer Garoowe ayaa dhisay iyo Hayadaha Sida Garoonka Jaamacadaha, Laybareeriga, Wadooyinka Caro-kawada ah iyo wixii la mid ah; bal ii sheeg ama i tus Faroole waxa uu u qabtay Garoowe?– Ogow Xaasid ma aflaxo, Reerbarina waad u tahay.

  11. Somaleey says:

    2dii gudoomiye gobol ee igu dambeeyay wey ka fiicanyihiin kuwii hore, 2 da million ee loo hayo yaan la weynin bilahan ka harey maamulka, RABI ayaa risqiga bixiya ee wax ayaa lagu soo kordhin insha.

  12. natra maxmed says:

    K

  13. natra maxmed says:

    Aniga riya ahaan teeyda in uu garoowe airporti. Dhiso. Waa arin fican lakiin madaxwaynahay.waxay aheed exasho sameeyo ma ahan waa madaxweeyna shacab waxaay aheed in uu marka hore bosaso dhameeystiro maheen in uu u dhaqbo garoowe aan kasoo jeedaa. Puntland dhib ta haysato waa qibiil in aay waxa ku qaysadaan tas waaye waxa. Aan hormar loo gareen. Kii yimaado waxa ka qabso ku jiraa wadanimu ku ma jiro dal jaceel ku ma jor shacabka kasbo kuma jirto. Waxuu ku fakarayaa iska amusi qabiil kaga is ka bashaal saas ma ahan cadalad

  14. yuusuf says:

    waa run in lagu cee boobay dhamaystirka garoonka calamiga ah wanasiibsaro xukuumadana waxan ka cod sanaynaa inay dhakhso ubilawdo hawshaas

  15. jaamac says:

    Waxaan salaamayaa warbaahinta pn24 mida xigtana waxaan aamin sanahay in dalka la dhacay oo ay qoyska mdaxweynaha iyo aaran jaanba ay hantidii shacabka iyo dalkaba ay dhaceen marka hayda hanti dhowrka iyo baarlamaankuba waxay la mid yihiin kuwa ka qayb qaadanaaya dhaca dalka sababtoo ah waa la og yahay in dalka la dhacay. Waxaa nasiib daro ah inta waqtigan la bilaabo garoowe oo boosaaso la ilaawo waad garan kartaan cadaawada intga ay leeg tahay marka shacabku waa dad jecel nabada laakiin ewaxaa loo baahan yahay in aanay sidaa u daawan maamulka aan xaqa aqoon.

  16. caqil says:

    asc waa wax jira intaan ka war hayo lkn aniga rayigayga faroole waa nin raga kuna xisaabtama magaalada garoowe iskuma daya lacag walba oo cashuur ah inay garoowe timaado xata hay adihi bu ku amray inay garoowe yimadan anigu faroole waxan u arka nin xamaalanaya puntland shacabki hadaysan dowada la xisaabtameen waa dhibaato lacagti garoonka bosaaso watan garoowe lagu dhisaayo taasu dhib weyn malaha garoowe iyo bosaaso waa isku mid madaxweynaha 1sano waxu qabanaya waxi garoowe qabyo ka ah

  17. faarax says:

    waan ka xumahay garoonka boosaaso in dowladan dhameystiriweysay cade muuse waaba dadaalay haduu ilaa xad dhisay waxaa larabay dowladan inay dhameyso garoonka boosaaso boosaaso waa halbowlihii puntland in iyada la hormariyo ayey aheyd waxaan layaabay kuwa fuustada gaaska ku jirto oo diyaarada gaas ku shubayo dawlada waa inay usoo gado baabuur ku shuba gaaska diyaaradaha garoonka boosaaso hadeysan dowlada wax qaban karin xukunka ha kuwreejiso dad wax qaban karo

  18. osman says:

    TO: XAYDAR

    WAXAAD KU HADASHO AYAAD WAYDAY AYAAN FILAYAA..GAROWE IYO BOSASO MAXAY KALA YIHIIN?\ MAAMULKA FAROLE DHALIISHISA SII OO DHEH ” WAA HAGRADAY GAROONKA BOSASO” AMA DHEH WAA CURYAAMIN IYO XILKASNIMO DARO MAAMULKA HAYSA…LAAKIIN GAROWE HADII WAX LOO QABTO DHIB MA LEH..LAAKIIN AMAA GAROWE LA HAFRAYAA NAFTEEDA?

    KK

  19. Puntland says:

    Runtii Waa maqaal loo baahnaa in shacabka reer pl arkaan ama ay akriyaan mudo hada laga joogo sadex bilood baan arintaan kala sheekeystay sarkaal ka mid ah hantidhowka puntland waxaan waydiiyey Maxaa loo dhisi waayey airport ka bosaso wuxuu ii sheegay in ay u hayaan lacag dhab$ 2000.000 milyan oo dollar oo hada ay u taal bankiga bosaso waana lacag dowladu ay ururisay balse loo baahan yahay $ 6000.000 milyan.

  20. hassan says:

    waa ra’yi wanagsan lona bahan yahay in mamulku ka jawaban halka ay martry lacagtii loo qondeyey madarka bossaso mamulkii ilaa kan hada ?

  21. xaydar says:

    lacagta aad sheegaysaan oo 2malyan oo la ururiyay intuu faroole xilka hayeey waa lacagta garoowe lagu dhisayo maanta lax kasta shilal kay is dhigto ayaa lagu qalaa reer boosaaso iyagaa sabab u ah in lacagtooda layska qaato oo garoowe lagu dhiso

Leave a Reply