Puntland oo lagu dhawaaqay berri inay tahay Soon

July 19, 2012   //   Warar Somaali

Madaxwaynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroolle ayaa caawa ku dhawaaqay maalinta berito ah inay tahay kowda bisha barakaysan ee Ramadaan.

Waxaa uu sheegay Dr Faroolle bilashada bisha Ramadaan in caawa laga arkay deegmooyinka Cerigaabo iyo Baargaal oo ka mid ah gobolada Bari iyo Sanaag.

Arinkaan ayuu sheegay madaxwaynaha inay dowladda usoo gudbiyeen qaar ka mid ah culimada diinta ee Puntland, sidoo kalle dalalka Carabta iyo meello ka mid ah koonfurta Soomaaliya ayaa berri laga soomayaa.

Maamulka iyo howlwadeenada Puntland-news24 ee ku sugan dalka iyo dibaddaba waxaa ay ugu bishaaraynayaan dhamaan muslimiinta curashada Bisha Ramadaan, sanadkan sanadkiisa waxaan rajayanaynaa inaad ku gaartaan  nabad iyo barwaaqo.

Puntland-News24

Boosaso

 

COMMENTS

RSSComments (2)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. imran says:

    pl news 24 wad mahad santihin, ramadan mubarak dhaman wlalaha meel walba oo ad jogtan ramadan barwaqo leh iyo nabad allaha nooga dhigo wa bil barakaysan colaadana allah hanaga damiyo somalina isu keeno AAMiin, hana laga faa.iidaysto bisha barakaysan insha allah

  2. dhafoor says:

    wadmahad santihiin rabadan kariim ilaahow naga dhig kuwa danbigooda ladhaafo kumaankunka narta laga xoraynaayo ilaahow khayrkeeda nawaafajii sanad kaan sanadkiisa borwaaqo cafimaad iyo bash bash nagu gaarsii aamiin yaarabi aamiin aamiin ilahow sonka fadligiisa quluubta somaali isku sodun qurunka iyo qabyaaladana kabaa bi ii kadhiig wadan barwaaqo ah oo aan dib uguno qonoo aamiin yaarabii war aamiinta badiyaa

Leave a Reply