Puntland oo sheegatay duqayntii degmada Ballidhidin [Dhagayso]
June 8, 2012 // Warar Somaali
Dowladda Puntland ayaa sheegatay inay fulisay duqaymo xagga cirka loo adeegsaday oo laba diyaaradood ay Arbacdii lasoo dhaafayka fuliyeen degmada Ballidhidin ee gobolka Bari.
Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Eng. Saciid Maxamed Raagge oo ka qaybgalay barnaamij ardayda jaamacadaha Boosaaso ay su’aallo ku weydiinayeen oo ka baxay idaacadda Daljir ayaa sheegay duqaymaha xagga cirka ah ee ka dhacday degmada Ballidhidin inay u adeegsadeen laba diyaaradood oo helicopter ah,waxaa uuna beeniyay duqaynta inay waxyeelo kasoo gaartay shacabka degmada Ballidhidin.
Dhagayso Wasiirka oo sharaxaya duqaynta diyaaradeed oo ay fuliyeen
Waxaa uu tilmaamay duqaynta qorshaheedu inuu ahaa gurri ay ku jireen kooxo burcadbadeed ah, islamarkaana ay ku burburiyeen gaadiid aylahaayeen burcaddda, waxaana intaasi uu raaciyay in horay dowladdu ay uga baaraan dagtay duqaynta inaysan khasaaro kasoo gaarin shacabka deegaanka.
Dhowaan ayay ahayd markii duqaymo ay ka dhaceen beriga degmada Ballidhidin, dadka deegaanka oo hadlay ayaa sheegay duqaymaha inay waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah.
Puntland-News24.



Burcad badeedan qabiilo badan bay leyihin. Buntland wax u dhashay wa ku yar yihin hadana dhinaceena bay ka qarabtan. Marka hala soo af jaro ban aminsanahay mana jecli dhig puntlader inu ku daato lakin siyabo kale haloola dagalo hantidoo lagala wareego xabsiga oo la dhigo wakhtigooda so dhamaystan ,qabiilna aysan yelan meel haloga so jeesto wa ceeb runti dhib wayn inagu haysa waxan u dhalana shaqo laga qabto , diyaaradaha dadka malin malunba goboloda puntland ku andacoonayo oo washay marqansan in tuuladooda lagu koobo ban oran laha haba la is waydiiyo inayiri jiren silicland time is up
Burcad badeedan qabiilo badan bay leyihin. Buntland wax u dhashay wa ku yar yihin hadana dhinaceena bay ka qarabtan. Marka hala soo af jaro ban aminsanahay mana jecli dhig puntlader inu ku daato lakin siyabo kale haloola dagalo hantidoo lagala wareego xabsiga oo la dhigo wakhtigooda so dhamaystan ,qabiilna aysan yelan meel haloga so jeesto wa ceeb runti dhib wayn inagu haysa waxan u dhalana shaqo laga qabto , diyaaradaha dadka malin malunba goboloda puntland ku andacoonayo oo washay marqansan in tuuladooda lagu koobo ban oran laha haba la is waydiiyo inay jiri jiren silicland time is u
reer bari qabyaalad iyo qurun baa dilaya in madaxa laga garaacna mooye walaalaw mayaqanaan war burcad badeed hala sifeeyo hada tuulada kasaaari waydeen diyaarada lagu garaacaya xagee jirteen 5 askari puntland ah markkii lagu dilay hulcanood m
Wasiirkan waa ceeboobay waa inuu iscasilaa, waayo nin intuu calooshood u shaqaystayaal shisheeye soo ka xaystay dadkiisii shacabka ahaa ku laayay oo leh anagaa laynay. Mida kale goormay Puntland diyaaradaha yeelatat? mise diyaarado ay gadatay aya shacabkeeda ku tijaabinaysaa? waa yaab.
wasiirku waajibkiisa ayu gudanaya wax eeda maleh ayan aminsanahay lakin puntland mahayn inay shacabkeeda ay duqayso lakin duqaynta somaliland aya u baahan iyo in lagu xoreeyo reer sool
ku cawl yahan sxb qabiilka iyo mamulka kala saaar wasirku rer uma hayo xilka ee puntland oo dhon bu uhaya anigu hada wasirka maliyada wax khuseya wasaradisa bel dhon uma heyb gareykaro tana wa jahliga ina wada heysta ama ula degi layhey wadanku waxbaan cid ku sameyey ama dileyna wax lagu fano ma ahan wakhtigaan lajogo oo ah 2012 aad ogathey hormarka adunka mesha umarayo rer walbana walyehey wiil moryana ama wax dila ee dadku caqliga salimka ah bey ku kala horeyaan ee marka si hufan uhadal adigo rer habel so qadaneyn mahadsanid
WASIRKA Waxan kula talin laha Daris wanaag hamujiyo Puntland wa beelo wax isku darsaday wixi dhibato ah Ciidi gaysata aya masuliyadeda qadaysa marka wasir wadna ogtahay mudo6 sano laga joogo beeshada iyo daadka gedankas degan xumato xun inay kala gartay o laso afmeray cidi dhibato bilowda aya miraheda guran donta ogow diyaradaha ad ku duqeysen Caruur yar yar oo arday ah bay wax ku yeshay wa lawada xisab tamin ?
DIYAARADAHA DAGAALKA oo ay Puntland isticmaashay waxay cabsi ku abuurtay cadowga Puntland, oo ay Somaliland ugu horeysay
Somaliland ayaa qaylo afka ku shubatay, waxayna taar u direen Axmaarada. Walee mar ay ahaataba, sida aad wax ku wadeen Iidoorkow, waa la idinku soo socdaa.
Soomaaliweyn baa markan idin duqeyneysa
Kkkkkkk waw inama caadi ma ahan. Ileen diyaarado dagaal baynu leenahay. Lkn mudane wasiir. Diyaaradaha ma shicibkeenaa lagu tijaabin. Maa cadowga iyo xuduudaha lagu ilaalsho. Budhcada hala duqeyo lkn. Shicibku waa inagu qaali hala dhawro. Hooyo puntlanderd ah o naxdaa ba wax walba ka qiima badan. Teedakale ciidamadi puntland waxay noqdeen. Naa naab. Ah oo an xaafadaha dhaafin. Dhulkina gacantu ka baxay wax cadowga somalididku qabsaden iyo wax aragagixo ku gaadaynayso. .taasu waa sharaf xumo. Waxana imanaysa in shicibku nacan ciidamada amaanka.
Sumcadii puntland waxaa dhulka la galay burcadbadeeda dunidda iney noo aragto dhulkii burcadbadeeda waxaa fiican inaan ka xorowno waxaas la inaku shaabadeeyey dunidda aanu tusno inagoo kaashanayn ciidamo shisheeyey inaan iska xoreyn karno burcadbadeeda talaabooyinka hada bilowday ee lagu baacsanayo burcadbadeeda taageerno mucaarad iyo muxaafidba
waxwanaagsan yauu gabtay
waar dadka masaakiinta ah rasaasta ka daaya xoolayahaw !!! haddii aad leedahay dawlad baan ahay waa maxay south africankan calooshood u shaqaystayaasha ah ee diyaaradaha wataa??? waxaasaa Somaliland wax ka sheegaya …!!