Puntland oo shuruud ku xirtay wada shaqaynta ay la yeelan doonto dowlada cusub

October 7, 2012   //   Warar Somaali

Dowladda Puntland ayaa maanta soo saartay warsaxaafadeed ay ku
cadaynayso mowqifkeeda ku aadan raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya
loo magacaabay.

Wasiirka warfaafinta Puntland Caydiid Axmed Ibraahim ayaa shir
saxaafadeed uu ku qabtay magaalada Garoowe u aqriyay saxaafadda qoraal
ay dowladda Puntland ku muujinayso aragtideeda la xiriirta raysul
wasaaraha cusub.

Waxaa uu sheegay wasiirku dowladda Puntland inay soo dhoweynayso
shaqsiga xilka raysul wasaaraha dalka Soomaaliya loo magacaabay, balse
wada shaqaynta ay la yeelan doonaan ay ku xirantahay hadba sida
dowladda dhexe ay ula macaamisho dowladda Puntland.

Waxaa uu sheegay dowladda Puntland tan iyo sanadkii 1998-dii ay ka
qayb qaadanaysay dhibaatada dalka sidii uu uga bixi lahaa, waxaa door
wanaagsan kasoo qaadanay doorashadii sanadkii 2002-dii, qorshihii
dalka looga saaray KMG ayuu yiri wasiirku.

Waxaa dhanka kalle uu xusay dowladda faderaalka in looga baahanyahay
inay tixgeliso heshiisyadii horay loo gaaray iyo dastuurka dalka uu
yeeshay, oo ay ku cadahay qaybsiga deeqaha waxbarasho iyo taageerada
beesha caalamka uu siiyo Soomaliya sidii ay saami uga yeelan lahayd
Puntland.

Shalay ayay ahayd Madaxwaynaha jamhuuriyadda faderaalka Soomaliya
Xasan Sheekh Maxamuud markii uu ku dhawaaqay Cabdi Faarax Shirdoon
Saacid oo kasoo jeeda gobolka Gedo inuu noqdo raysul wasaaraha cusub
ee dalka Soomaliya.

War- Saxaafadeed

Puntland State of Somalia
Garowe     7 October, 2012

Dawladda Puntland ee Soomaalia waxay soo dhoweynaysaa magacaabista Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaalia Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.

Waxay Dawladda Puntland hormuud ka ahayd nidaamka Federaalka ee Soomaaliya 1998 iyo 2004, waxayna sidoo kale kaalin muhiim ah ka qaadatay dhamaystirka geeddi-socodkii lagaga baxayey ku-meel-gaarnimada [Roadmap] iyo dhamaystirka Dastuurka federaalka ah.

Waxay Dawladda Puntland weli diyaar u tahay inay sii xoojiso kaalinteedii ahayd sidii lagu gaari lahaa Dawlad Somaliyeed oo Federal ah oo dhamaystiran.
Waxay kaloo diyaar u tahay in ay qayb weyn ka qaadato dib-u-heshiisiinta Somaliya oo muddo 22 sano ka badan xad-gudubyo bini-aadanimo iyo mid siyaasadeed ay soo gaareen.

Dawladda Puntland, waxay Dawladda Federaalka ku qiimaynaysaa kulana shaqayn doontaa hadba sida ay u fuliso heshiisyadii hore loo galay iyo nuxurka uu qeexayo Dastuurka Federaalka ee Somaliya [Constitutional provisions]
sida:

• Ilaalina Dastuurka Federaalka ee Somaliya,

• Hirgelinta iyo dhamaystirka nidaamka Federaalka ah

• Taageeridda dhismaha Dawladaha xubnaha ka noqonaya Dwladda Federaalka ee Somaliya oo dhismahoodu socdo sida, Jubbaland iyo kuwa kale ee ka dhalanaya deegaanada Digil iyo Mirifle iyo qaybaha kale ee Somaliya

• U sinnaanta deeqaha caalamiga ah ee magaca Dawladda Federaalka lagu helo.

Ugu damayntii waxay Dawladda Puntland si gaar ah isha ugu haynaysaa ku dhaqanka awoodaha Dastuurka ku qeexan ee xafiisyada Dawladda Federaalka.

-Waxaa ku saxiixan;

Wasaaradda Warfaafinta, isgaarsiinta, hiddaha iyo dhaqanka DPL


PN-24

COMMENTS

RSSComments (10)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. To kahadar pll wilka labaxay wa adiga leh xamar ma mar labad u dhisa xamar mada leh marka dhisaneso war 20 sano oo dhaan maxa garowe udhisan wesay wa adiga leh xamar ma dhista war deee tulo aya dagantahay aduun wa casimad ninki dagan ayaaa dalkas ugu sareya marka adeer tulada ad jogto oo naarta ah. Iskaga nolow xamar kuma taqan ada yaqan moyee xamar wa xamar dadki lahaa ba dagaaaan oo dhisanayo cidkale maba qadooooo marka garowe 2 xafad weye kuwaas qalcado ka dhiso xamar dambe hankada kasaaaar dowladu wa federaaal. State of banaadir weye. Abgal iyo mursade aya leh onaaa mamulkeda wada qebsanaya cidkale boos ogama banano adeeeer calacalka iyo cayda joji nin caytama wa nin laga rayay viva xamar

  2. Somali Pure Man says:

    Waar Kuwaan Madaxda isku Sheegayaa Waa NGO, Marka Nin aan Khibrad Siyasadeed Lahayn Muxuu Soo Kodhinaayaa waa WAXBA, Cidii Kuwaan wax uga fadhida waa ku lo´goeysaa.

    State of Punt Land waa in ay Ka Dhabeysa Dastuurka oo ay kuwaan meel Saartaa, Nin aan Weligiis soo noqon Guddomiye Degmo , hadii uu ku boodo Madaxweyne ama Raisul wasaare Dhibaatadeeda ayay leedahay. State of Punt Land waa in ay Mowqif Cad ka qaadataa, Wasiiro ku sheeka ay soo magacbaana xabsiga la dhigo hadii an yimaadaan Punt Land

  3. kkk @ p/and . Sifiican bay u hadashay hadan nahay shacabka pl inta aan caada qaataha ahayn ee hoonka beenta ah loo yeersho somalia waxan fadaraal ahayn oon qayb uga noqonayna majidho maxamar oo .hal. Beel. Ah joogtp baan . Marlabaad .ayagoo somali .hantidodi iyo caasumadi somali wada dhisatay haysta . Baan hadan marlabaad udhisa taas ma dhacayso marka dasturka qolyaha xamar waa laydin ku ansixiyey khuburaana ka shaqaysay meel aad ka diidi kartana ma jidho hadaad diidana . Diidmo diid may leedahay ..

  4. M.H.Buraleh says:

    Dalka Somalia hal madaxweyne buu leeyahay,qabiil kastaa degaankiisa oo keliya ayuu mas’uul ka yahay,faragelinta ha laga waantoobo,22 sano wixii shaqayn waayey yaan dib loogu noqon.
    Marka dastuurka cod shacab loo qaado oo lagu heshiiyo nidaamka la qaadan doono qabiil kastaa degaankiisa ha ku sugo. Qabiil kastaa badka ha soo dhigo waxa uu rabo inuu gaar u lahaado iyo waxa uu ummadda Soomaaliyeed heshiis kula noqon lahaa. Kibir,isla weyni,anaa idhi,anaa mudan,anaa geya,damiir iyo dadnimo noqon weydey.

  5. caqlileey says:

    Waaw waan sugaybay warkaas fiican oo nadiifka ah in kastoo ay dhib badan somalia ka soo gartay reer puntuland hadtidodii oo la dhacy dil iyo waliba fedaralka oo ay hormuud ka ahayd ama Roadmap balse waxaan u bahanay in wax cad oo lagula shaqeeyo ay la tiamado JFS hadii kale waa jug jgu meeshadii joog ..waana is naqaan taas ..oo dadka uguma liidano..wabilaahi towfiiq

  6. King K ooshin says:

    Rashid ka bax Qolka wax yahow Cuqdad Qaba, State of Punt Land , waa Dowlad Calan leh. Dowlada Federalka Iyo Road Map-ka waxa Sameeyey Dowlada Punt Land, haddana aniga ayaa kala noqon kara Aqoonsiga. Somalia maanta oo FederaL … Xubin iyo Xeeb waa Meel iska Cidla ah , waxa ka weyn Degmada Eyl. Gal Mudug na waa Baraxleey.

    State of Punt Land hore ay afka Ciida ugu gelisay Caydiid, Xasan Dahir iyo kuwa la mid ah.
    Khatumo adiga waxa tahay Tol Cuqdad Qaba, Horta Suaal Maxad u taagertaa Mareexaan oo aad u Mucaaradaa Majeerteen, Ileen Khatumo Dhuloos waa Harti ye ! Mise adigana Cuqdad ayaa ku haysa waa ka Daweeyaa !

  7. wadani says:

    NINKA MAGACIISA KU SHEEGAY RASHIDOW
    WAX YARBAAD KA OGTAHAY SOOMAALIYA PUNTLAND WAA JIRI DOONTAA WAANA JIRTAA HADII FADARAAL WAX LAGU WAAYANA
    PUNTLAND ISTICMAARKII BAY JIRTAY WAANA
    KA TASHANAYNAA DANAHEENA
    QOFLA WAYDIINAYAANA MAJIRO
    EE. XAMAR DANBE UMA SOCDO. MEESHAN
    DAGANAHAY WAA INAAN ISGARSIIN IYO CAAFIMAAF
    DHAQTARO KU HELAA OO WAX
    KASTA. OO XAMAR HESHO AAN HELAA
    SI AAN MARDANBE LAY BILILIQAYSAN

    OO AAN QOFNA GAF QOFKALE LEEEYAHAY U AG ISTAAGIN
    SAAN PUNTLAND U HOR MARIN LAHAYN TAAS SNAGA NOO DAA

  8. waan kufaraxsanahay qaabka ay m/g/puntlnad oo usodhaweyey ra aysalwasaraha somalia wana arin wnagsan in laguwadashaqeeyo distuurka iyo hishisyada m/g/p iyo d/f somalia ay kalasaxiixdeen waan loobahanayhay in wadanka lagahirgaliyo m/g sax ah sida punland oo kalle oo kakooban 2 gobol ama in kabadan iyo in laxaq dhawraha xoqooqda dadka ay uleeyhiin in ay katashadaan ayahooda sida m/g joga iyo gada land intaaz haddilahe oo sinaan dhankazta waxaa lahelikara dawlad wanag somalia kadhalata byee

  9. bal waxan eega khaatumo muxuu ugudariwaayay digil iyo milif laba waaka sheegay ye waayaab waar wakh tigaan cid wax kuwaydiinay saa majirto somaliya siyaasa deeda waa la ogaaday in aad daxa kajirantahay wasiirka qorshaynta xataa lguma siinayo khaatumo iyo mareexaan baa tliya waalagaa guulaystay guuuul khaatumo kkkkkkkkkkk

  10. rashid says:

    Soomalia waa LABO isu tagay federal wax la dhoho ma jira maamul goboleed wax la dhaho ma jiraan.Puntland,Galmudug, Xin iyo xeeb, qatumo mesha ey CALAN ka keeneen ha shegaano

Leave a Reply