Puntland oo soo bandhigtay 30-askari iyo sadex gaari oo kasoo goostay maamulka Khaatumo

August 22, 2012   //   Warar Somaali

Waxaa maanta lagu soo bandhigay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ciidamo iyo gaadiid la sheegay inay kasoo goosteen maamulka Khaatumo ee laga yagleelay degmada Taleex dhamaadkii sanadkii tagay ee 2011-kii.

Ciidamada soo goostay oo tiradoodu ahayd 30-askari islamarkaana ku hubaysnaa sadex ka mid gaadiidka dagaalka ayaa waxaa lagu soo dhoweeyey magaalada Garowe, iyadoona saraakiisha ciidamada hogaaminayay ay warbixiyeen sababtii ay usoo baxsadeen.

Sarkaalka ciidanka hogaaminayay oo lagu magacaabo Maxamed Cali Xirsi Afgaab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu ka mid ahaa ciidamadii ugu horeeyay xiligii la aasaasayay dowladda Puntland.

Waxaa uu sheegay inuu ka goostay ciidamada dowladda Puntland bishii afaraad sanadkii 2010-kii xiligaasi ayuu sheegay inuu ku biiray ciidamadii SSC oo uu tilmaamay inay ka waxqabad fiicnaayeen maamulka Khaatumo ee xiligaan jira.

waxaa uu tilmaamay SSC inay dagaal la gashay ciidamada Somaliland ee haystay gobolada Sool iyo Cayn qaybo badan oo ka mid ah, dhinaca maamulka Khaatumo ayuu ku sifeeyay inay sameeyeen rag uu ku tilmaamay xildoon ,maamulkana uu ku guul daraystay inuu wax ka qabto xaaladda siyaasadeed iyo midda bulsho ee gobolka kajira”sidaasi darteed ayaan uga soo baxay oo aan kusoo biiray dowlad goboleedka Puntland” ayuu yiri Maxamed Cali Xirsi Afgaab taliyaha ciidamada Khaatumo ee soo goostay hogaaminayay.

Wasiir kuxigeenka maaliyadda Puntland Cabdi Warsame Qowdhan oo isaguna ka halday ciidamada soo goostay ayaa xusay ciidamadan inay markoodii hore katirsanaayeen Puntland, balse tashwiish lagu furay sida uu hadalka u dhigay u maqnaa.

Wasiirka waxaa uu tilmaamay ciidamadu inay ogaadeen xaqiiqda”Qaar ka mid ah hogaamiyaashoodii iyagoo xillal haya ay tageen Hargaysa, kuwana Muqdisho ay xilal u doonteen ayay soo baxsadeen” ayuu yiri Cabdi Warsame Qowdhan wasiir kuxigeenka maaliyadda Puntland.

Maamulka Khaatumo ayaan weli ka hadlin ciidamada lagu soo bandhigay magaalada Garoowe ee sheegay inay kasoo goosteen.




COMMENTS

RSSComments (21)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Wiil Qardho says:

    Tolka aflagaadada halaga daayo oo yaan lagu talaxtagin rag siyaasin ah baa khalday oo xukundoon ah Dhulbahante Waa dad waanu wada dhalanay oo Saciid HARTI ah dhibkasta oo haysta Waa dhibkeena. IIDOOR baa kusoo duulay oo gardaro cad guryahoodii kuhaysta. Qofksta oo DAROOD ah siiba inta kumidowday Dhismihii Puntland sanadkii1998 Waxaa waajib in uu kaqayb qaato sidii looxorayn lahaa gobolada ay jabhada SNM qabsatay oo layska ilaawo waxyaabaha dhexdeena ah ee yaryar.

    Waxan rajaynayaa in inta dhiban ee ciidamada ah ay kusobiiraan dowlada Puntland. Dowladana waxan kulatalinayaa in waajibka saaran ay kasoo baxdo oo ah in ay ilaaliso midnimada iyo sharafta shacabka Puntland meelkasta oo ay joogan.

  2. imran says:

    Kan xunee asago cabsan melaha ka caytama oo wax mataraha ah asaga hoyga ka saray fatalka galyayr hadana xamar ka so jeestay mida kale wa reer aan is qaban karin siyasad lahayn kuwa, la, is laha ayaga indha garad u ah wa kuwi sida la arkay u hadlayay. Maxayse dad walahooda daba dhigay waxna ma qabsan karan iskuma fila kama go.i karaan, iidoor na ha gumaysto raali bay ku yihin qoraxdas bayna ka fadhiyaan wadankoodi wuxu intay tashadan, may dantooda ka fakaraan nimankooda habrahoda siyaasigooda wa isku caqli isma dhaanto mj bay meel walba la tagan yihin, ma arkan iidoorka marqansan ee duliga ku haya, duli wa duliye, magacas ay ila watan ba idhiba iyo tolkood say u arkan iyo caqliga ku jira, haday so goostaan iyo haday maqan yihin wa isku mid waxba yan lagu mashquulin umadas!!!

  3. imran says:

    @ kazi wange I agreed with u 100% lakin dadka ha iska nac nacleyan meelna ma garayso walidooda mj ba madaxa ka galay

  4. asc waxan leeyahay ciidamadu haday yimaaden p/and soo dhawada waxan kaloo u sheegaya dadka caytamaya inaydan caayin khaatumo iyo dhulos tona ee xanunka idin haya meelahas ku nefisan waxaa kaloo nasib daro ah idinko iska dhigaya rer pl inaad dhulos wax kashegta dhulos p/and ayagaa leh ayagaana dhistay marka haday kun sano kamaqnaadan maantay kuugu yimaadan marti kagama ahan marka waxan ku boorinaya ismada p/and iyo madaxda pl ba in midnimada dadka walalaha ah laraadsho oo waxii khaldamay la saxo oo faroolana khaladkiiisa lasaaran cali khalif na khaladkisa la saara waxan ku boorinaya isimada khaatumo iyo pl ogaada waxad isimada aad u tihin waa dadkad kala fogeyneysan marka hala kala saaro khaladaadka iyo dhalashada waana in garab iyo hiilba loo sameeya shacabka ssc haday nabad rabaana lala garab galaa haday colaad rabaana lagarab istaaga

  5. garoowe says:

    Ciidankani waa waa ciidan aan la isku halayn karin dhulmahantena waa dhurwaa dhurwaana ma rabaayadoowo markaa nimankani yaan laisku daalin dhulmahanena waa prebaid card marka lacag lagu shubtana wuu shaqeynayaa marka ayka dhamaatana wuu kaa baxsanayaa oo somaliland iyo xamar buu galayaa markaa yaanuu lacagta yarta ah ee dakada ka soo baxda naga cunin dhurwaagan soo goostay waxba yaan la soo dhawayn gaadiidkana halagala hadho iyagana hala fasaxo dhulmahante abaal malaha waxaa khalday cali khaniis galaydh ka sarkhaanka aha ee siduu khamriga u cabayay dibintu cadaatay intuu dagaal galiyay ka baxsaday ileen awalba waxuu rabay inuu salaan ka dhigto uu ku koro kursiga somaliya.

  6. kazi wenge says:

    blah blah blah all of you sound like lamb. baah baah baah baaaaaaaaaaaaa sida idaha ayeey somalida oo dhan u ciyaan mana yaqaanin sida loo hadlo.fak the dhulbahante,isak,hawiye and darod bcze they dont like majerten and we are the only pple in somalia who respect everyone and welcomes bcze we are nasab pple and the best pple in somalia.so let the dhulbahante pple come and use them. waa in lagu difaaco majerten land:) wixii danbi ah ama aflagaado ah astaqfurala.

  7. rer khatumo seeg maalina waa soocadan maalina waa siisacdan ee dolwalada puntlanda waxaan ka cananeynaatinakada laga xeereyo ciidan kna midba meel lootuuro waayo dadkan waa dad waalan sharaf iyo tolnimo midna xeerineyn shalay bay ahayd xagla toosiye markuu yimid puntland oo hor jooge u ahaaa khatumo seeg ilaahow tolkey miyikoodii u sooceli

  8. USTAADKA says:

    ANIGU REER TOLKEY DHULBAHANTE
    WAXAAN KULA TALIN LAHAA HILIBKA
    DAWACADA. HA CUMAAN SEYNTEEDANA
    JEEBKA HA KU QAATAAN WAAYO DACAWGU
    WAA KA CAQLI BADAN YAHAY XAYAWAANKA
    KALE. KKKKKKKKKKKKKK
    BAL CULIMADA WEYDIIYA IN HILIBKA
    DAWACADA XALAAL YAHAY

  9. mursal says:

    reer khaatumo seeg , cilmi la’aan iyo caqli xumo……….sii soco , soo soco , waar ummadan yaa yidhaahda meeluun raaca

  10. sayid says:

    haa macna malahan beri bay laabanayaan waxwayn yaan loo arag,

  11. Reerkan waxaas ceebtoda mahee wa cadadooda inlacg lagu shubto waxeyna ku magac dheer yihiin reer dhunta lagu dhufey kuligoodna dintoodu wa maheysa lacag oo maso gosanaa

  12. Tolkeen anaa aqoon u leh says:

    Wari reerkan waxan ceebtooda mahane ee wa cadadoda in lacag lagu shubto waxeyna ku caanbaxeen reer dhunta lagu dhufey diintodu waa maheysaa oo ma sogoostaa marka halayaabina wa balo lobahan yahee

  13. puntland says:

    Aflagaadadu waa ay reebantahay oo dhulbahante hadii ay yimaadaan iyo hadii ay tagaanba meesha ay hada kusoo laabteen waa gurigooda waa dhulkooda iyo dadkooda walaala hooda ayey usoo laabteen waxayna mudan yihiin in bilad sharaf geesinimo leh lagu sharfo oo mooshaaraad kooda iyo wax kasta oo lagu soo dhaweyn karo lagu soo dhaweeyo …

    qolooyinka caytamayo waxaan filayaa in ay kaxun yihiin kusoo laabashada ay kusoo laabteen deegaankooda .kuwaas waxaan oran lahaa haka nixinee kufarxa oo noogu duceeya midnimada soomaaliyeed ee yaan laga shaqeynin xaasidad iyo xiqdi iyo xumaan tusaale inoogu filan 22sano baanu xirnay oo dagaal sokeeye iyo qabiil iyo qurun in uu ina dumiyo mooyee aan wanaag la arag ee duliga sida kaliya loogu bixikaraa waa umada islamka ah walaallaha ah laga daayo munaafaqada iyo isku diryada Allen lootoobad keenaa.

  14. Fadlan lacak igu shubo. Dhulbahante wa lacak ku shubo mar majerteen mar isaaq mar hawiye hada hos galen wale wa rerka somalia ugu caqliga xunn oo ugu xolesaan waligay rerkasokale manan arag wale wa un dad lacak kushaqeyaaan cirole iyo carurba wa isku caqli ala inmaqan wale faroole dan inmuhayo ogada

  15. MIYIRQABE says:

    Khaladka ugu weyn waxuu yimid markii nimankii sameeyey mashruucaan ay si toos ah u aflagaadeeyeen xafidullaah Caaqil Maxamuud xaaji Cumar “camey” iyo Boqor Dabagooye.

    Nimankaasi waxay ka shaqaynayeen in ay dagaal dhex mariyaan dadka walaaha ah ee MJ iyo Dhulbahante waana ina garaad Cali iyo ina adeerkiis Cali khaliif oo labaduba aan qarsan colaada MJ.

  16. yusuf says:

    qofku haduu wareero lagu tiiqsado waa denbe diinta islaamka, walaalheen dhulbahante wax walba way leeyihiin, waaa nimjan geesiyiin ah xagga dagaalka laakiin waxaad ku badan tuug xaaraan cun yahan ahay sida cali khaliif galaydh

  17. dhafoor says:

    mashaa allah warain fican waa inlaso dhoweeyaa waxay ahaayen iidankii puntilaan oo sohawagadistay hadana udiyaar ah in aydalka dadka difaacan cid idinkale majirto lakiin waxdanbee ooad qadaysaan majirto siisoco sosoco bad nagudisheen halkina imaansada

  18. landergirl says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk tolow reer kastuumo yaa u miyir qaba walaahi aniga riwaayad bayba ii noqdeen reer kastuumo ha bas bas leyeen

  19. ggarraadd says:

    Somali waa ugu garaad xumaa nimakii sameeyey khatumo waayo is may weydiin khatumo maxay hagajinaysa iyo ma xay kharibaysa waa laab la kacay lugana kuma taagin.war dhulbahante wuxuu ahaa ninkii laga rabay inuu isku xidho soomaali oo dhan oo somaliland iyo putnland iyo somali inteeda kale intuu xidhiidhiyo nabada ka shaqeen lahaa. alxamdulilaah hady imika adyaraadyar toosayaan dadkii la qalday.

  20. ahmedpunt-------------- says:

    maashaa allah waa arin soodhaweyn mudan, oo dawladda madaxweynaha puntland loogabaahanyahay in fursaddaa dahabigaa aanan ladayacin oo ciidamadaas lasiiyo soodhaweyn iyo abaalmarin ..scww

Leave a Reply