Puntland XAL bay u baahan tahaye XIISAD uma baahna!. Qeybta 2-aad
December 19, 2012 // Sports, Warar SomaaliQeybtii hore ee maqaalkan waxaan kaga hadlay waxyaabaha is-diidan iyo xaaladda is-qabqabsiga ah ee Puntland ka jirta waqtigan. Qeybtan waxaan kaga hadli doonaa sida ay iigu muuqato in xalka Puntland uu ku jiro, anigoo qodobeyn doona.
Afeef: fikradahani waa XAL ee XAQ ma aha! Waa fikirkeyga shakhsiga ah, yaan loo qaadan in aan ujeeddo gooni ah ka leeyahay. Rabbi talo ku filan.
Marka arrimahan oo kale yimaadaan, habka ugu wanaagsan ee la isla qiray waa in Alle loo noqdo SWT, la iskana jiro wax kugu hoggaamin kara in aad fal dambi ah noocuu doono ha ahaadee aad gasho. Haddiiba qabyaalad aydan ka dhammaaneyn ugu yaraan waa in la wada hadlo. Matalan labada qolaba waa in ay isa soo hor fariistaan, la is-weydiiyaa waa maxay dooddaadu? Sharciga xaggee kaga jirtaa? La gorfeeyaa arinta dabadeedna la isla meel dhigaa. Sida igula habboona waa sidan:
1) In dowladdu wada-hadal ugu yeerto mucaaradka & shakhsiyaadka kale ee ka soo horjeeda muddo kordhinta, kana quusan u yeeristooda. Waana waajib dowladda saaran, kana tarjumaya hoggaan wanaagga.
2) Dowladda waxaan la soconnaa in ay ku doodeyso sharcigaa ii banneynaya muddo kordhinta. Waa in ay caddeymaheeda la timaaddo. Sidoo kale Mucaaradkuna waa in ay keenaan qodobo qeexaya in aysan sharci aheyn. Markaa dabadeed laga doodo iyada oo loo marayo waxa sharcigu ka qabo arrintan. Dad sharciga aqoon u lehna lala kaashado, isimaduna goob-joog ka ahaadaan wada hadalka.
3) Haddii mucaaradku la iman waayaan wax xoojinaya doodooda. Dowladda markaa waa in loogu daro muddada sanadka ah ee ay sheeganeyso, mucaaradkuna tanasulaad sameeyaan.
4) Wey qurux badnaan laheyd in dowladdu tanasusho, laakiin si sharcigu faraha uga bixin, mustaqbalkana u noqon waddo la-iska maro waxaa wanaagsan in sharciga lagu kala baxo.
5) In dowladda shuruudo adag lagu xiro, laguna koontaroolo sida: in muddadaa sanadka ah howlaha dhimman ay kusoo dhameystirto, si uusan is-qabqabsi dambe u dhicin.
6) In dowladdu tusto kalsooni mucaaradka iyo shakhsiyaadka kale, si isu soo dhawaansho loo muujiyo.
7) In la doorto guddi cusub oo doorashooyinka qaabilsan mucaarad & muxaafidba raali kawada yihiin.
8) In mucaaradku is-bahaysi mucaarad oo xooggan sameeyaan (coalition), kaas oo u babac dhigi kara dowladda haddii uu shaki kaga jiro in dowladdu doorashada kaga awood badineyso. Haddii kalena awoodooda ku xisaabtamaan iskuna kalsoonaadaan.
9) In waqtiga doorashada goob-joogayaal caalami ah waddanka la keeno, si ay ula socdaan in caddaalad daro xagga maamulka ah u dhicin.
10)In la joojiyo hanjabaadaha & hadalada wax kharibaya ee warbaahinta la isu marinayo, ciddii lagu arko-na meel looga soo wada jeesto.
11)Iyo ugu dambeyn in ciddii dhib ummadda shacabka u keenta ama usoo wadda lagu sifeeyo dagaal-ooge (warlord) iwm.
Haddii uu xalkaa shaqeyn waayo, waxaa markaa ila gudboon in si toos ah loola hadlo shakhsiyaadka horboodaya dowladda & Mucaaradka ee muranku ka dhaxeeyo, iyada oo lagu wargelinayo in talada waddanka aysan keligood laheyn, ummad kalena la wadaagto. Haddaan si kale u dhigo, waxaan ognahay in inta kursiga isku qabsata mar walba ee had & jeer khalkhalka siyaasadeed Puntland gelisa, marka qaabka qabaliga ah ee Puntland ku dhisan tahay la eego, hal beel kasoo wada jeedaan xooggoodu. Waxaa habboon in ay hoos isu eegaan, oo ay is-bedel la yimaadaan. Haddii laga waayo lagu war-geliyo in aan loo dul-qaadan karin, masiirka ummaddana sidii ay doonaan ka yeeli karin, tallaabo ku habboona laga qaado. Taas oo noqoneysa xalka kama dambeysta ah hoosna ku qoran:
1) In isimadu kaalintooda qaataan, talada waddanka la wareegaan.
2) In markaa kadib la doorto shakhsi ku haboon talada waddanka, kana soo jeeda beelaha aan talada madaxweynaha qaban sida: Madhibaan, Carab-Saalax, Awrtable, Dashiishle, Leelkase, Warsengeli, dhulbahante iyo kuwa kale ee aan halkan ku soo wada qori karin.
3) In sidoo kale la doorto baarlamaan KMG ah oo cusub oo kuwa hadda jooga la kala diro.
4) In lagu xukumo beelaha ay shakhsiyaadka talada diiday ka soojeedaan in shakhsi ka soo jeeda beeshooda uusan talada wadanka qaban karin muddo 5 sano ku siman. Haddii shakhsiga talada diiday uu ka soo jeedo beel aan hore madaxtinimo u qabanna in isaga keliya laga mamnuuco in uu talada waddanka wax ka qabto, laakiin beeshiisu aanay shaqo ku laheyn.
5) In shakhsiga la doortay uu soo dhiso dowlad talada waddanka heysa 3-da sano ee hore, haddii shaqada sidii la doonayay u qabtona loogu daro 2-da sano ee dhiman, haddii uu qeyb ka tago-na, 2-da sano ee hartay fursad loo siiyo shakhsi kale oo beelaha aan kor ku soo sheegay ka tirsan.
Waxyaabaha laga doonayo qofka la doorto in uu qabto waxaa ka mid ah:
a) In uu magacaabo dowlad tayo leh
b) In uu sugo ammaanka dalka & dadka
c) In uu soo celiyo gobolada gacanta dowladda ka maqan oo ay kuwii hore waxba ka qaban waayeen.
d) In uu dhameystiro hanaan dowladnimo oo adag, awoodda maxkamaduhuna ka madax-banaan tahay dowladda.
e) In uu dhiso Aqal kale ee baarlamaan kaas oo ah Golada Shuurada ama Guurtida oo Isimadu fadhiyaan, noqdana kan go’aanka kama dambaysta ah iska leh, illeyn qabiil ka dhammaan meynee.
f) In uu siyaasadda Puntland kor u sii qaado gudaha & dibeddaba
g) In isimada & shacabkuba la shaqeeyaan shakhsiga la doortay oo ciidan & caqliba lagu taageero si uu howshiisa si hufan ugu guto.
h) Iyo ugu dambeyn haddii uu shakhsigaasi howlaha loo igmaday wax kaqaban kari waayo uu dib talada dalka ugu soo celiyo isimada si shakhsi beelaha kale ka soo jeeda loogu badalo.
Xaggee laga keenayaa shakhsiga la doonayo?
Waxaa la helayaa dad badan oo aqoon leh, la garanayo waxa ay galaan & waxa ay gudaan, muwaadinimaduna dhuuxa kaga jirto, dalkana aan wax dambi ah ka gelin waxna tari lahaa. Laakiin shakhsigaasi uusan soo bixi karin maadaama aan fursad la siin ama qaab kale ee qabiil ama dhaqaale uu wax ku waayo iwm.
Waxaan ku soo gabagabeynayaa war dadyahow caqligiinu ha shaqeeyo, Puntland Xal (is-fahan) ayay u baahan tahaye in XIISAD la abuuro ubama baahna. Waan ogahay intiina meesha isku heysata caruurtiinu dibadaha ayay jiraan ama ugu yaraan baasabooro ajanabi ah ayaad wada heystaan oo maanta haddii meeshaa wax ka dhacaan diyaarad ayaad ka raaceysaan. Ummadda masaakiinta ah ee malaayiinta gaareysa ee haddii dhib dhaco meel ay u cararaan heysan ee markoodii hore meesha naf & nolol soo biday u tura, u tanasula, una naxariista. WAA IGA TALO.
Wabillaahi towfiiq.
Farah Warsame
Melbourne, Australia.



war kuwa isku sheegayo aqoonyahiniinta puntland ee soo qoray barnaamijka ka hadalaayo xiisad uma baana ee xal beey ubaahantahay waliba adaa wada xiisad wax yaahoow qaba cudurka maxmuud saleebaan war waxaatahay arca na faar uurka ka jiran waxaad sheegtona weeyday dee hadaad busaaradeestay oo jeebkii kaa maraaday afka ha ku soo taagin dadka sharaftaleh qurunyahoow qabiilka luda iyo lada ka galay waxaa sheegeeso id kaa qaadaneeyso maleh iska carar aamuskaa kuu dhaama ama hadal ama ha hadalin yaaba wax u og duqon yaheey iska cabaadeeso iska dhuus dhuus dhuusadaada cidna soo gaarimeeyseeh anigu waxaan ku leeyahay udhimo cudurka kuugu jira oo aha mxmuud slbn naceebka kuwa horaa udhinteeh
loowaayaad ku hadleesaan baac la yaaloow iska baac leeyah ileen wax kale ma awoodaaneeh waligeed baa la baac leenijiray waxna looga qaadi waayeeeh
Codka Aamusonoow,walaalkaay Xog ogaal runta ayuu kuu sheegay,ee u diyaar garoow one man one vote”ceebna kuma oran Xog Ogaal ee runta ayuu kuu sheegay” Codka Aamusanoow Qabiil inaad wax ka sheegto waa laga fiican yahay.intaa adigu wax qorto hadana dadka haku xanaaqin waa sidee saaxiib Sorry boby.
Xog ogaal qoraalkan uma qorin adiga oo kale ee waxaan u qoray dhammaan waxgaradka reer puntland mana u malaynayo xitaa in aad u dhalatey dadka la haysto iyo kuwa kale midna tan kale, Inkastoo aan jeclahey in walaalahey ay xoogaa ka nastaan sida tan soomaali wayn ay uga nasteen haddana kama xumi in nin maxamuud saleebaan ah oo caddaalad u horseeda waddanka si caddaalada ku sooo baxo. Laakiin waxaan loo dul qaadan karin in marwalba ninba ninka uu ka liito meesha la isugu baddalo. Taasna waxaan aaminsanahey in qof kasta oo waxgarad ah uu aaminsanyahey. Dad badan waxey ku doodaan in umaaduu na necebtahey aqoonta iyo horumarka darteed laakiin waa bilcaksi in muddo ah waan ka dhacsaneyn tubta toosan sabatoo ah Annaga dhedeenana wax isuma oggolin soomaali weyna waxna uma ogolin waxna la qaybsanwayney. Ujeedaydu waxey ahayd sadaqada gurigaaga lagu bilaaba, ee annagu aan horta bilowno wanaagga dhexdeenna ah ka dibna waxwalba way inoo hagaagayaan inshaAllah.
Mahadsanid Farah Warsame, kheyr Allaha ku siiyo. Waan ogaa in dad wax-garad ah oo reer Puntland ah jiraan oo aad adigu ugu horreyso. Kuwa qabyaaladdu qaaday oo qeybtii hore & tan ba wax ku feegaaray meesha ha u bixin. Maqaaladaada aad baan u akhristaa halkaana ka sii wad wanaagga & horumarka aad dadkaaga(Puntland) la jeceshahay.
Anigu Beel ahaan waxaan u dhashay kuwa kursiga isku heysata, waxaana qabaa sida aad sheegtay in shakhsi beelihii hore talada u qabtay aan la dooran mar kale, oo ummadaha kale talada wax ka qabtaan. Laga yaabe in ayba nooga wanaagsanaadaan. Mahadsanid Farah mar kale…
One Vote One Man Nin walba Aawrkiisu ha qaado?Codka Aamusanoow One Vote One man What you think???????????????????????????????????
Faarax warsamoow”Nin fidmo loo dhalaay ayaad u eg’tahaay” Faarax warsamoow shalaay iyo maanta keebaad sax-san tahay,maxaa kuu runa” waa wax lala yaabo socod xumadaada?
Codka Aamusanoow “Awrkaagu haku qaado”Mandhoow maxaad filan xataa haddaay doorasho puntland ka dhacdo, Codka Aamusanoow armaa aamusku kuu fiican yahaay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Faarax warsamoowshalaay iyo maanta waa yaabe?
A/C, Qoraalkan hoosana waa mid aan Qeybta 2aad intaan arkin qorey oo u ahaa jawaab kuwo kale.:Waliba qeyr Allaha ku siiyo laakiin aniga waxaaban jeclaanlahaa in haddaba laga bilaabo taladaaada qeybta dambe oo ah haddaan si qabiil ahaana u tilmaamo dantaana keentey ceeb maaha in maxamuud saleebaan xilka haddaba iska wareejiyaan oo umadda kale laga doorto nin diin aqlaaq iyo aqoonba u leh hoggaaminta una horseeda umadda nidaam caddalada lagana helo ammaan reerkaas oo ayna u minjo xaabin qofkaas ama aysan ku fashilin ee ay garab istaagaan oo ku caawiyaan si waqtigaa laga bilaabo ummaddu ula qabsato nidaamka cadaaladda ku dhisan ee aan beelkaliya ku dhisneyn. Markaas ayaan runtii tusaale u noqonkarnaa ummadaha kale.: Qoraalkeygana waxuu ahaa sidan soo socota:
Waxaan aad uga xumahey in dad qabyaalad ka buuxdo ay ku doodaan magaca puntland oo haddana caqli xumidooda u maleeya in dadka fahamsaneyn. Ok, faroole waxuu layimid caddalad darro anigu waxaan dhihi lahaa markii horaba caddaalad kumma imaan kuwii ka horreeyeyna sidoo kale kuwa hadda qaylinayana way ka daranyihiin. Taas waxaa igala sii yaab badan dad badan oo wax gatrad sheeganaya oo ku doodaya in caddaalad darro lagu baddalo caddaalad darro kale. Mar walbana la soo taagan haddi waxeyga laqaadanwaayo Puntland loo kala gudbi maayo. Aawey bulsho wayntii kale ee puntland u nisbo sheeganeysey, Dadka qoraalada quruxda badan soo qorayoow ama ugaasyadow ama aqoonyahankoow iyo islaadoow am boqorrada sheeganayoow ma is waydiiseen arrimahaas iyo meesha wax qaldanyihiin? Anigu waxaan idin dhiihilahaa waxba ha ka cabaadina faroole ogaadana wixii xaqdarro ku heshiiya xaqqey ku kala tagaan, Marka ha ooyina caddalad darro caddaladarro bay dhashaaye iska adkeysta oo idinkuna markaad caddaalad daro ku heshaan sii wata hawlihiina. Inta ka horreysa raganaimaddeda yeesha.
A/C,Aad ayaan ugu faraxsanahey in markii ugu horreysey aan arko qof wax garad ah oo aad u fahmay dhibaatada nahaysata iyo habka ugu wanaagsan oo loo xallinkaro waana tallaabo geesinimo iyo caddaalad ay ka muuqato aad baana ugu mahadsantahey. hoosna ka aqriso qoraal inta aan kaaga aqrin aan u direy qoraa kale iyo rag u jawaabey iyo guud ahaan waxgaradka Puntland kuwa kalana oon horey ayagana u qorey waan kuu soo gudbindoonaa adiga iyo dad k kula midka ah ee xaqa iyo caddaaladda raba ee waxgaradka iyo odayaasha iyo dhallinyarada ka kooban.
A/C, Way wanaagsantahey in laga hadlo xaq darrada laakiin myeysan wanaagsaney in dadka loo iftiimiyo xaqdarrooyinkii hore iyo kuwa maantey taagan iyo kuwa hadda soo socda taasna waxaa la mid ah ayadoo wax hadala uusan uga bannaaneyn ummadaha tirada badan ee reer puntland illaa hal qoys maahane, qoyskaas oo ayagu isu bad bad badala talada iyo xukunka dadka qaarkoodna auy ku doodaan in reer puntland hal qoys yahey taasna ninka yiri Allah buu been u sheegey sababtoo ah halkii qoys waxaa boobey sub qoys oo ah maxamuud saleebaan beelaha kale oo harti ah ama daaroodka nala wadaaga ama carabsalah oo aad kulligood mudnaan u lehna warkoodaba daa. Runtii anigu ma u hadlayo qabiil ahaan laakiin waa xaqiiqada taagan sabatoo ah fiiri inta doodaysa oo xaqdarro amla xaq ka hadleysa liistadana uguma jiraan ummadaha kale ama majeerteen ha ahaadaan reer bari ama reer mudug. Allah baan idinku dhaarshey intiinna caqliga u saaxiibka ah oo ka dhalaetey maxamuud saleebaan ii sheega meesha aad caddaalad ku haysaan. Ogaadana soomaaliya waxey la bur burtey waa caddaalad darro. Marka waxaan aad ula yaabanahey dad u doodaya caddalad oo wadaddeedinna aan hayn.
ninka qoraaga ugu jawaabey in arrintu maxamuud saleebaan u dhaxayso oo asagana rermaxamuud ka yahey been ma sheegeen, runtii asagu qoladuu rabo ha haado ujeedada uu rabana hadalkaa ha ka lahaado laakiin hadal xaqiiq ah aniga kaliyana maaha ee wax dhab ah oo qofwalba uu u jeedo marka Bulshada kale ma xishoonayaan ma dulqaadanayaan ma baqayaan mise aniga ma fahmin sababta ay xaqooda u dhacsanlayihiin ama u fiirsanayaan dadka dulminaya oo yaga kaliya say doonaan iyo waqtigey doonaan ugu talinaya Puntland. Badanaa marka ay wax sameynayaan ama wax rabaan waxey dhahaan reer puntland laakiin mma dhahaan maxamuud saleebaan sida yurub ama mareykan ay ugu marmarsiyoodaan bulshada caalamka ayagoo ujeedo gooniya ku fushada magacaas.Hadlakeyga waxaan ku soo gabagabeynlahaa dadka hadda xaqdaarrada u doodayoow horta naftiina ka bilaaba oo ilaasha xuquuqda ummadaha kale oo ka si wada jir ah aan uga hortagno nidaam kasta oo faasidah iyo in aan fahano in dhammaanteen aan u wada baahaney ixtiraam iyo nolol sharafleh.