Puntland XAL bay u baahan tahaye XIISAD uma baahna!

December 17, 2012   //   Announcement, Opinion, Warar Somaali

Qeybta 1-aad.

MG Puntland wuxuu ka aasaasmay ra’yi & talo ay isu geeyeen beelo wada dhashay oo daga dhulka ay Puntland ka kooban tahay. Maamulkan oo muddo 15 sano kabadan soo shaqeynayay ayaa malaayiin soomaali ah u noqday hooy ay dhibka Soomaaliya ka jira kaga nabad-galaan . Waxaase waayadan dambe soo baxayay khalkhal siyaasadeed ka dhex jira gudaha Puntland kaas oo u muuqda haddaan wax laga qaban in malaayiintaa & inta kale ee wanaagga Puntland jecel dhib u keento.

Cilladaha Puntland heysata waxaa ka mid ah in maamulkani yahay maamul lagu soo dhisay qaab beeleed, maamulada beeleysiga ku dhisanna aalaaba is-qabqabsi iyo kala shaki beelaha dhexdooda ah lagama waayo. Waxaana sahal ah in ay burburaan haddaan tanasulaad ballaaran iyo dulqaad badan la muujin.  Cillad kale ayaa ah hoggaanka qabaa’ilada Puntland oo ah isimada  bundhigna u ahaa nabadda ay Puntland maanta heysato ayaa dowladihii Puntland soo maray iska iloobeen iskana dhago tireen xaqii ay lahaayeen. Inkastoo ay u kala roonaayeen haddana xushmeyntii ay isimadu ku lahaayeen dowladda sida in ay talada dalka wax ku yeeshaan kama aysan helin, keliya waxay noqdeen kuwo lasoo xasuusto marka ay mushkiladi timaaddo oo xal looga baahdo.

Waana tan ay dowladahaasi fahmi waayeen in dad taladooda iyo xalkooda aan sinna looga maarmi karin in talada boos-ka ku habboon uga heli waayeen. Arrinta saddexaad ayaa ah dadkan reer Puntland ay yihiin dad lagu xanto dad wax abaabula, wax soo dhisa, laakiin wixii ay dhiseen markii uu meel fiican gaaro dib u kala furfura ama u burburiya.

Tusaalena waxaa kaaga filan dowladdii rayidka aheyd ee uu madaxda ka ahaa allaha u naxariistee C/rashiid Cali Sharmaarke oo dilkiisii ay ka dambeeyeen shakhsiyaad reer Puntland ah, waana bilowgii mushkiladda maanta Soomaalida heysata ee halkaa dhigtay. Iyo sidoo kale aasaasiddii SSDF & Dowladdii C/laahi Yuusuf ee rajo soo celinta Soomaaliya ay labadaba gacantooda ku curyaamiyeen.

Walwalka Puntland hadda iga haya halkaa ayuu ka imanayaa oo dadka aan ka dhashay ayaan si fiican u aqaan.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaan aad ula socday waxyaabaha ka socda gudaha Puntland. Faro isku tag-taag iyo haddalo aan wanaagsaneyn ayaa saxaafadda la isu marinayay. Waa SAX in qofku wax doono ama diido laakiin waxaa wanaagsan in uu garanayo wadada uu u marayo. Waxaad arkeysaa shakhsiyaad xisbiyo furtay haddana leh dowladdu  waa in aysan sanad ku darsan. Isma weydiinayo xisbiga aad furatay sharciyaddiisa xaggee kaaga imaaneysaa haddaad sanadkii diiday!

Waxaad arkeysaa shakhsi waddanka ku cusub oo ay hadda ugu horreyso oo suu u soo socdo labada qolo ee is heysata mid iska taageeraya. Xitaa hadduu waqti siin lahaa inta uu xaaladda kala qabsanayo ama siyaasadda waa la xeeladeeyaaye wax isku jiid-jiidi lahaa ama dhex-dhexaadnimo muujiyo waxbay ahaan laheyd. Waxaad arkeysaa shakhsi dowladdii uu ka tirsanaa markii uu xil ka waayo dacaayad ku abuuraya, ma oga eedeynta uu dowladdii uu ka tirsanaa u jeedinayo in uu wax ku leeyahay laguna qiimeynayo. Waxaad arkeysaa shakhsi markii uu boos ka waayo Puntland Muqdisho ka doonanaya, wixii uu markii hore aaminsanaana booska uu halkaa ka helay uga tanasulaya, ma oga in dadku isla markiiba u fahmayaan in uu wax uu boobo doonayay.

Waxaad arkeysaa dowladdii dhammeyd oo dadka iskala weyn, isuna heysata in ay heysato awooddii Hitler uu dunida ku qabsaday, ama ugu yaraan tii millitariga ee AUN Siyaad Barre. Ma oga waxa meesha yaallaa in uu yahay maamul-goboleed weliba qaab qabali ah ku dhisan oo in la toos-toosiyo mooyee aan is-giriirixis iyo jaala-buteyn u baahneyn. Dowladi waa tan dadkeeda qancisa, soo dhaweysa, la sheekeysata, ra’yigooda dhageysata,si loo wada shaqeeyo.

Markaad waxyaabahaa iyo kuwo la mid ah aragto ayaad is-weydiineysaa war dadkan maxaa ka khaldan? Waxaad sii yaabeysaa markaad ogaato in intooda badani waddamo nidaam & kala dambeyni ka jirto ku noolaayeen. Shalay markii ay waddamadaa joogeen, sharciga iyagaa kaaga horreeyay, kaaga sheekeynayay, kugu waaninayay in aad u hoggaasanto,kaaga walwal badnaa, kuwa Soomaaliya joogana ku sheegi jiray dad aan nidaam & kala dambeyn aqoon, sharciga & xuquuqda bani’aadamka ku tunta. Shakhsigaa isaga ah marka uu Soomaaliya tago kiiba ma aha! gacantiisuu talada & go’aanka ku qaadanayaa, ku burburinayaa, weliba waa isla gar-leeyahay. Waxaase ka sii daran mar hadduu is arko in TV-yada Soomaalida laga daawaday ama idaacadaha sida VOA & BBC midkood laga wareystay ama sawiradiisa website-yada soomaalida ka arko, waxaa galeysa awood dheeraad ah oo meel ay ka timid la aqoon.

Waxaan markaa is-weydiiyay suntan dadka saaqda markii ay Soomaaliya tagaan xaggee ka timid, awooddan dheeraadka ah xaggee ka timid? Ma xaaraantaa? Ma qabyaaladdaa? Ma dadka oo bartay baa? Mise dabeecadda waddankaa sidaa ah? Garan waayay!.

La soco qeybta labaad oo aan xalka xalka aan Puntland u hayo kusoo koobi doono.

Farah Warsame

Melbourne, Australia

bile1971@hotmail.com

 

COMMENTS

RSSComments (16)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. shucaayb bin Cali Guuleed says:

    TO;Wax ma’oge soomaaliyee,waxaan Filayaa Faraax waxaad ugu hiilin qabiil aaran jaana waxaad ku weerari qabiil,marka waxaad la baxdaay waaya arag armaad faarax ka sii rayi liidataa.waayo waxaaba laga dareemikarayaa ficilkaaga xun,oo aad nina ugu hiilinaays nina ka hiilinaay,marka taasna waa dhaqan xumad dadka reer muduga ah,kuwaas oo intooda bada dhiig iyo dhacmooyee aqoon wax kaleeto jooji hiilada qabiil,faarax wuxuu sameeyey isku dir dad badan ayaana ugu jawaabaay,aaran jaan waa ninkii ugu horeeyey oo uga jawaaba wixii edeb darana waa loo jawaabayaa Reer barina adiga iyo faarax iskuma dirikartaan Ee joojiya qabiilka qaawan Awrkiina haayni qaado,Reer bari waa idinka fog yihiin ee jooga ,oo dadka sharafta leh kadaaya caayda iyo isku dirka?

  2. Waayo-arag Soomaaliyeed says:

    @ Aaran Jaan
    Adiga ma xanuunsan tahay kaalay? Qof walba afka maa la galee? Xaggee reer Bari wax looga sheegay? Farah maqaal qiimo leh ayuu soo qoray, cidna kuma af-lagaadeyn. Marka Aaran Jinni baad tahaye ummadda sharafta leh afka kala bax. Farah waan naqaan waa shakhsi sharaf leh, weligiina asagoo dad aflagaadeynaya maan arag. Meel kale ayaad mindhaa kala dirirsan tahaye war xumo tashiilka jooji..

  3. Aaran jaan says:

    Faarax warsamoow,maxaad tahay fidmo yar la ordaaya jecelna inaad reer bari dab isugu dhiibto,A/Rashid alle haaw naxariistee Ciddii Dishaay Maad garan kartid Cilmigeedana Maadlihd ee waxaa wanaagsan Inaad Joojisid Fidmadaa waddo Waxaad Dhahdaay waad i taqaan Soomaali waays wadataqaan,Qabiilka aad sheegtay Cid kaa badisaa maay jirto,Ee maandhoow waxaa wanaagsan oo aan kugula talinyaa inaad Ilaaliso Sharafta Awoowgaa,Reer bari iyo Reer Puntland kiiskaan qaayb ayaay ku leeyihiin mase Ogid Adigu “Haddaa Joogi waaydana wuu ku soo gelin”Balse maay wanaagsana waxaad Qoraalkaaga Saldhiga Uga dhigtaay,Puntland qoryo isuma haaysato,Adiguna Iskuma diri kartid reer Bari,Ee Aawrkaagu haku qaado?

  4. sayid bari says:

    asc dhaman waxan qabaa 3 arimod 1 p/land waa in labad baadshaa dhaman iyadoo sool tagtay sanaag tagtay mudug faraha ku taagantahay oo laga badbaadshaa faroole firkiisa aaranjan oo dhaqalihii laharay waxna qaatay 2 p/land waa in laga ilaasho cidii diyasbaro ah inay wax xilah kaqabtan sabab too ah waxay wadaraban gal deris la ahaa guri ulahaa oo 4000.000 $ qimihisu yahay inuu gato intuu ururinayana waqtigu waa kadhacayaa dadka iyo dalkuna waa baba ayaa sida hada oo kale marka kuwa joogay een kabixin kuna qanac san sadex magalo p/land ah inay 3 kadhistan oo ay ku baxayso min 70.000$ baa laqatay 3 waarun oo markay xataa dubay markay jogan sharciga cid kaga fiicni majirto laakin markay dalka tagan bay warabayal raq isku haysta noqdan waxana meesha ka maqan ciddii katagta xilka oon lala xisaab tamin hadayse laxisab tan dhaba oo kadan beya ogaan lahayen wax badan baan siday hader yihin ahaden gunanad waxad ogatan laga bilaabo kuwa hada jooga in lala xisaab tami doono way bi iyaan waxay xadan oo hanti ku muqsadan waxay dilan intaba wabilahi towfiiq

  5. Farah says:

    To Aaran-jaan
    Waxaan ahay shakhsiga maqaalkan qoray, ma jecleyn in aan comments-ka ka jawaabo, laakiin dad i garanaya oo is-qarinaya ayaa ii muuqday si . inkastoo aan maleynayo qofkaa qofka uu yahay, haddana waxaan kuu sheegi lahaa. Haddaadba dood ka qabto waxay aheyd qaab cilmiyeysan in aad wax u qorto matalan in aad soo quote-gareyso meesha khaladku kaga jiro qoraalka, magacaagana aadan qarin. Haddaadse rabto in aad is-qariso waxay aheyd in aadan isu key sheegin in aad i garaneyso, inkastoo aadan is-qarin karin.
    Tan aqoonta haddaan muddo 18 sano (12+4+1+1)ka badan wax baranayay ma garanayo waxa ii harsan ee aad iga dooneyso?
    Arrinta mucaaradka haddaan ka hadlo, shakhsi dadka iigu xiga ayaa mucaaradka ku jira weliba murashax ah. sidaa darteed qabyaaladda iska daa waa shay xun oo aakhiro & adduunba ku seejinaya. Maslaxadda Puntland ka hor mari tan qabiileed.. waa iga waano.

  6. Waayo-arag Soomaaliyeed says:

    Muni Allaa Yacizak, reer Bariyoow fudeydka iska daaya. Farah wax aan wanaag aheyn ma sheegin, ammaanta oo keliya wanaag ma aha, maalinwalba in la idin amaano maad rabtaan?. Dadku ammaan jeclaa, khaladka oo naloo sheegaa wanaagga kan ugu wanaagsan waaye. Dad xadaarad leh oo wax fahmaya noqda. maxaadse wax aan idin khuseyn dusha u saarataan? Mucaarad oo dhan ayuu ka hadlaye maxaa keligiin idinku koobay? Malaha waa shakhsigii ugu horreeyay oo Puntland ka soo jeeda oo khaladkeena noo sheega, xagxagashada joojiya.
    Faarax adigana waad mahadsan tahay, qoraal qiimo leh oo qofkii wax kala garanaya uu wax ku qaadan karo ayaad soo bandhigtay, halkaa kasii wad oo dadkan qabyaaladdu googoysay wax u sheeg.

  7. Aaran Jaan Melbourne Vic.Australia says:

    Xaqiiqda kan la baxayoow,waxaad iila muuqataa Nin wuxuu doona falaaya?

  8. war la hayaa xiiso maleh! says:

    Reer bari waxaan kula talinayaa in ay isku duubnaadaan oo iska ilaaliyaan khilaaf la dhexdhigo, waad aragtaan janbalka la idiin tuurayo iyo fidnada cusub oo la hurinayo.

    midnimadiina ilaashada oo qof aad ku kalsoontihiin doorta.

  9. xaqiiqada says:

    Waa in qofkasta xuuriyaddiiisa la ilaasho laakiin waa in aan qalad ka fahmin waxa la yiraahdo xorriyatul qawl oo qof walba suu rabo uu u dhaqmin oo dadka xorriyaadda u doodaya aysan xorriyadda kuwo kale ku xadgudbin. Anigu meeshaan waxaan ka arkaa dad xorriyad si gaar ah u raba ayaga oon dan kalaheyn xorriyadaha ummado badan oo ku nool Puntland. Waxaan ku darsanlahaa iintaas in haddii aad fikirkeyga soo gudbin waydaan si ay dadku uga faaideystaan aan qoraaladaan iyo kuwo lamid ah ku soo daabici doono warbaahinta xorta .

  10. Aaran Jaan Melbourne Vic.Australia says:

    Alla yarkii faarax ahaa wuxuu noqdaay Duqsi Fuudkulul ku dhacaay,Imisaan dhaahaay maandhoow joog waxaadan Aqoonteeda lahaayn.kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  11. Waxay ilatahay in lagu wareerayo waxaa uu qoray warsame, waxaaan u arkaa nin hada raba inuu ismuujiyo, waxaase roon waxuusan aqoon inuu ka hadlo maaha, puntland doorasho 8/1/13 bay u baahan tahay uma baahna nin ummada qori dable la wareegaya

  12. khaatumo says:

    tan bayaan lamadhaho baroor waaye kkkkkk

  13. Muni says:

    Rer bariyow malaha farta iyo meesha bukta is oge faarax wax ma dhimin dilki Allow naxarisaygana tusalu u so qataye mawducisa ma ahayn arinta manta puntland ka tagana nin fidmo ka hurinaya uma eke labada dhinac e mucaradka iyo muxafidkaba si dhexdhexadnimo ka muqatu ula hadlay.
    marka seef la bodkad isku shegten ha noqonine bal aynu ka dhur sugno qoralkisa danbe iyo xalka u ino hayo.

  14. war la hayaa xiiso maleh! says:

    Arrintan maxaad u dooratay inaad ka hadasho maanta oo soo qorto? malaha waxaad istiri reer bari waa seef laboode colaad ka dhex abuur oo ha is jareen markaas kadib reer mudug kursiga cidla haka qaateen oo ha isu soo sharrexeen, adeer intaas waanu ka caqli badannahay arrimaha aad ka hadashayna cilmi unaad lihid oo xaqiiqdeeda waanu haynaa ee yaan daadkula tegine caga dhigo.

  15. said says:

    War ninyahoow Mr. Farah Warsame waxaa ilaa hadda la cadeeyn Case kaas aad taabatay, Dilkii Allah Yaa Rahma President Sharmarke waxaa wanaagsan inaad weeydiiso, dadkii joogay waqtigaas. Waa Case Dowladii Bare ay qarisay ayadaana shirqoolka dhigtay, laakiin waxaa loo adeegsaday wax magarat ka soo jeedo Puntland. Koleey xaqiiqda rabaa og.

    Armaa laga fiicnaa waxaad sida udhigtay inaad kka fiirsato. Puntland dhul colaad taal maahan aniga ra’yi ahaan. Maxa yeelay meesha dhalin yaro ismaheesatee Odoyaal waqtigoodii soo qaatay baa isku heesto, armeey fiicnaan laheed in la dhaho. Kaalay ma waxaad na moodeen inaan 1991 lagu jiro maskaxdooda waa dambeesaa odayadaan isku dirka wadda, raboo amaanka noo siyaadi oo balaayada na dhaafsii aamiin

  16. Aaran Jaan says:

    Faarax Warsame Islaanoow,qoraalkaaga ka fiirso,Taariikh Aadan Aqoonteeda La haayna Haaysku gelin”Maandhoow Fidmo Haka Shaqaayn”Dr A/Rashiid dilkiisana wax kamaad Ogide Joog.

Leave a Reply