Maxay tahay sabata aynaan u qaadan karin Federalism-ka? Haddaba Soomaaliya ma qaadan kartaa nadaamkaas Federalism-ka ? dabcan aniga aragtidayda waxaan qabaa inaysan Soomaaliya qaadan karin Nadaamka Federalism-ka ah sababaha Soo socda Dartood
1:Hab fakarka dadka Soomaaliyeed oo xambaarsan xanuunka Qabyaaladu waa midka diidaaya Federalism-ka
2: Soomaalidu waa dal leh Codoow soo jireen sida Ethiopia iyo Kenya oo haysta dhul Soomaaliyeed
3: Siyaasiyiinta Horboodaaya Siyaasada Soomaaliya oo ah kuwo aan Maslaxad Guud ka fakarayn
1:Hab fakarka dadka Soomaaliyeed oo xambaarsan xanuunka Qabyaaladu waa midka diidaaya Federalism-ka:
Federalism-ka Soomaaliya maanta lagu shegayaa waa kan kalifay in dalku yeesho in ka badan 20 State oo dagmo kasta la dhaho waa State Hebel haddaba akhristoow waxaad iswaydiisaa maxaa State-yadaan loo doonayaa ? dabcan waa dareen qabyaaladeed oo Siyaasi kasti waxa uu ka fakarayaa Koox odayeedkiisa ( Qabiilkiisa) waxa uuna u arkaa haddi uu State u sameeyo in koox odayeedkiisu( Qabiilkiisu) Muuqanayo isaguna uu ku meel marsanaayo danihiisa siyaasadeed ee shakhsiyaysan .
Dastuurkaan waxaa ku qoran waxaa noqon kara Dowlad Goboleed Laba Gobol iyo in ka badan , Goboladaasuna Yihiin kuwa 1991-di dalka ay kaga dhacday Dowladi dalka markaas ka jirtay , haddaba iswaydiintu waxay tahay Dastuurkaan waxa ku qoran yaa dhaqan galinaaya ? Ma waxaa dhaqan galinaaya oo KHasbaaya oo kii sax ahna Ok oranaaya kan kalena meesha ka saaraaya Ciidamo shisheeye ? State-yadaan cusub ee siyaasiyiintu magacowdeen isla markaasna dhaheen waxaan samaynay Gobollo cusub sidee dastuurku u qabanayaa? . Waxaan ognahay in dhamaan State-yada hadda Jira ay dadka Deeganaada ay ku magacaaban yihiin Tageersan Yihiin , Waxaan ognahay inaysan Jirin Siyaasiyiin danaha dadka iyo dalka ka turjumayaa sidaas darteedna uu ku adkaysanaayo siyaasi kastaa waxa uu samaysto .
Markaas dalku waxa uu noqonayaa oo inagga Federalism-ku inoo samaynayaa ugu yaraan 50 State madaama kuwo kalena soo socdaan waa sidaas saw ma ahan madaama aysan Koox odayeednimadu (Qabiilnimadu) ahayn wax meel ku istaaga saw markaas ma noqonayso Xaafad kasta oo ka mid ah Magaallo Soomaaliyeed Federalism-ku waxa uu Mustaqbalka ka dhigayaa State ,
Akhristoow haddaad Tiraahdo mayee Sharciga ayaa Dadka Hagaaya, inaysan Soomaali maanta sharci u hogaansanayn waynu ognahay marka saw noqon mayso Federalism-ka Ciidamada ajnabiga ah ayaa dadka ku qasbaaya inta aan Rabin !! Markaas ma waxaynu oranaynaa ilaa heerka aan ugu bislaanayno Dowladnimo ku dhisan Federalism waxa inalla joogaaya Ciidmada Shisheeye ,
Hadayse tahay waxay baxayaan Marka ay AL shabaab dalka ka wareejiyaan saw markaas dagmo walba waxa uu siyaasigeedu u sameeyay ku soo noqon mayso ilayn marki hore Amisom iyo Ethiopian ayaa dadka ku hayay Dowladnimadee , Dowladnimadu ma wax khasab ku yimaadaa ? dabcan waa maya ee waa talo la gorfeeyo iyo aragtiyo ay curiyaan indheergarad ka maran si hoose u fakarka meel hooskooda ka durugsana wax ka eegaaya ,Makula tahay inay Ciidamo ajnabiyi ku gaarsiinayaan Dowladnimo ? Dabcan aragtidayda waa maya wax aan Soomaaliyi dooran oo la gorfayn ma noqonayaan xal .
Akhristoow Federalism-ku waxa uu samaynayaa in Dagmooyin Gobol ka wada tirsani u kala qaybsamaan Dhowr State … Waxaad arkaysaa oo Soomaaliya maanta ka jira Magaalo ay ka wada Arimiyaan Sadex State oo ay xaafado kala joogaan
2: Soomaalidu waa dal leh Codoow soo jireen sida Ethiopia iyo Kenya oo haysta dhul Soomaaliyeed
Ethiopia waxa innaga dhaxeeya cadaawad soo jireen ah oo salka ku haysa in dhulka Soomaalidu yihiin dhul Ethiopia ka tirsan , sidoo kale ay jirtay Cadaawad Diimeed oo marka aad Taariikhda Dib u eegto Kaniisadaha Ethiopia waxay la dirirayeen Faafinta Diinta islaamka , Xiligaan la joogo Ethiopia waxay haysataa Dhul Soomaaliyeed Soomaaliya inay dawlad heshona waa mid ay ka soo horjeedo sababta oo ah Ethiopia waxay ku fakaraysaa haddii Soomaaliya dawlad yeelato mar uun inay dhacayso in ay talada dalka Soomaaliya qabtaan koox aminsan Soomaalida wayn oo halkaas Dagaal ka dhaco ama hab siyaasi ah lagu raadiyo Dhulka Soomaalida ee Ethiopia haysato , ma ahan Ethiopia Siyaasiyiinteedu kuwo ka fakaraaya xaafad iyo wax aan Hooskooda ka durugsanayn sida kuwa Soomaalida ee waa kuwo Mustaqbal dheer iyo Masaaliix Qowmi-nimo iyo qaran-nimo ku dhisan wax ku eegaaya.
Kenya Sidoo kale waxay haysataa Dhul Soomaaliyeed sinaba uma rabto in dalka Soomaaliya xal helo, Waa sababta diiday in dastuurkaan lagu xuso Xuduudaha dalka Soomaaliya, waxay cadaynaysaa in laga ilaalinaayo Dastuurkeena wax Ethiopia aan dani ugu jirin oo aan ilaalinayno Maslaxada Ethiopia iyo kenya .
Akhristoow Ma ahan Macnuhu kumana koobnaanaayo Federalism-ka waxaa Soomaaliya u diiday Cadaawada Dariska ee dariskaan cadowga ah Federalismku maxuu u sahlayaa weeye iswaydiintu… Dariska ayaa waxay oranayaan Xaafad kasta oo State ah waan Soo dhowaynaynaa , Hub iyo Taageerona waan siinaynaa iyaga oo u arka wadada burbur ku sii socoshada Soomaaliya oo ay dantoodu tahay in aan Soomaaliya dawlad yeelan , Marka ma waxaynu oranaynaa Xaafad kasti State ha noqoto Dastuur aan dhaqan galkiisa awoodeedi jirina aan yeelano.
Marka xalka laga fakaraaya waxyeelada ka imaanaysa dariska ayaa la qiimaynayaa Gobollaysi maxay innagu yeeli karaan kuwa dawladnimadeena necbi ? dhabaha ku kaalmaynta dhibkeena oo ay innagu kaalmeeyaan,dawlad midaysani saw ma ahan mid ka daldaloolo yaraanaysa halka cadowgu fiirsadaan ? Annigu waxaan qabaa Dowlad midaysani inay tahay mid xal ah …. Nadaam Federalism ahi qofka Soomaaliga ah waxa uu ula macne Yahay koox odayeed Hebel ayaad tahay (Qabiil hebel) Mise arinta ah mustaqbalka qabyaaladu dadka Soomaliyeed maka tirtirmi kartaa cidi isma waydiiso ? oo sidaas aan dunida waligeen ku ahaano miyaaa xaalku ? Dabcan qofka aragtidiisa ku cabira tagtada oo dugsada Caadifad iyo nacayb Waa qof aan Mustaqbalka waxba ka sawiran …. Si gaara siyaasiyiinta Tagtadi ku meel marsanaaya Siyaasadooda oo dadka nacayn uga sheekaynaaya ma ahan kuwo iswaydiiyay Mustaqbal dheer ……. Lehna aragti Fog
Innaga dhibkeenu waa mid aan innagu samaynay Balse in aan xusno ciddi innagu kaalmaysa dhibkeena waa mid lagama maarmaan ah , waxaynuna iswaydiinaynaa war dhibka maxay innoogu kaalmaynayaan? Markaas ayaad helaysaa jawaabta ah waa Cadoowgaaga .. Cadownimadu maxay tahay ayaad iswaydiinaysaa ? waa haysashada Dhul Soomaaliyeed , maxaa innaga doorkeene daryeelida dalkeena iyo dadkeenu noqonayaa ? in aan ka baxno isu arkida aan innagu cadow isu aragno .
3: Siyaasiyiinta Horboodaaya Siyaasada Soomaaliya oo ah kuwo aan Maslaxad Guud ka fakarayn
Siyaasiyiinta Horboodaaya Maanta Soomaaliya badankoodu waa kuwo ka fakaraaya sidee xil u qabataa , dabcan Hogaamiyuhu ma ahan qofka Madaxwayne ama wasiir ama Xildhibaan noqda ee Hogaamiyuhu waa midka Lagu daydo , Lehna Hab fakar meel fog wax ka eegaaya , Haddaba Nadaamka Federalism-ku waxa uu maanta Siyaasiga danihiisa ama kuwa koox odayeedkiisa ka duulaaya u sahlayaa inuu xaafadiisa iyo koox odayeedkiisa Maamul Goboleed u sameeyo si uu ula loolamo Midka xaafada kale jooga halkaasna ay ka imaanayso inay State-Yadu noqdaan kuwo Maalinba maalinta ka dambaysa samaysmaaya .
Siyaasigu ma waynaayo koox dad ah oo ay isku Koox odayeed Yihiin (Qabiil) oo taageerta , Maalin kasta waxaan arkaynaa State Hebel ayaa loo dabaal dagayaa ma kula tahay in State samayntaasu tahay aragti ah dadka Deegaanka ayaa wax loogu qabanayaa ma jiro State Soomaaliya ka jira oo danaha dadka ka fakaraa asal ahaana waxa uu ku dhisan yahay Fikir Qabyaaladeed , Wixi ku yimaada Fikir ay garwadeen u tahay qabyaaladu ma noqonaayo wax sax ah aragtidayda .
Sidaan Muqdisho ugu noqon karaa ?
Muqdisho waa caasumada Dalka Soomaaliya wixi ka dhacay 1991-di ma ahan wax aan laga heshiin karin , Dowlad Midaysani Muqdisho aad kuma oranayso ee Gobolkaaga / Dagmadaada ayaa joogi kartaa haddaad rabtona Gobol kale waad u guuraysaa. Mise waxaad rabtaa dagmadayda Caasumada halagu magacaabo ? Haday tahay Magaaladayda ayaan Caasumada u rabaa waxaa ku badashaa in Magaalo kasta oo Soomaaliyta ka mid ah aad adigu leedahay , Federalism-ka ma waxaad u rabtaa in uu kaa ilaaliyo dagitaanka Muqdisho haddi dawlad midaysani timaado ma waxaad ku qasban tahay Muqdisho in aad ku noolaato ,
Dabcan dal Masaaliixdiisa marka laga fakaraayo laguma cabiro waxaad adigu rabto , laguma cabiro magaaladaadu waxay u baahan tahay oo kaliya ee marka koowaad waxaa la eegaa tan guud ee ah Sharafta oo ah in dalkaagu Dawlad yeesho , markaad taas qiimayso ayaa waxaa kuu soo baxaaya in aad xaafada ka durugto oo aad isbadal samayso aadana ku xiraan wixi horay u dhacay , Dalkaaga adigu maxaad u qaban kartaa weeye iswaydiintu ma ahan maxuu ku siinayaa dalkaagu , waxaa ayaan daro wayn aan u arkaa anigu in Soomaaliya maanta Gobollada qaybtood in Khabiir ka Socda Eu ama Usa ama Xogdoon Ethiopian ahi uu tago oo ku dhaho siyaasiga xaafadaas ka arimiya Horumar ayaad samayseen ee halkaas ka sii wada , dabcan waa Soomaali kale midnimadiisa iska ilaali , sidaan ay hadda Soomaaliya tahayna si ka wanaagsan idin lama rabno … Shacabkana uu horjoogahaasu ku dhaho Waftigi inoo yimi waa ina bogaadiyeen ama uu dhaho Soomaalida kale waa ina Kuunyaysaa oo waa innagu xaasid … waxaa halkaas ka sii soconaaya isnacaybki iyo isu muuqashadi , arinta aan u baahanahay inay meesha ka baxdaana waa taas ah in dad Soomaaliyeed cadoow isu arkaan.
Road Map :
Tubta Khariirada la qaadaayo macnaheeda iyo waxyaabaha ku xusan waa kuwa aan sharci u muuqan , Balse waxaa qaladkiisu imaanayaa oo sharci ka dhigaaya qof ka hadlo Dastuurkan cusub waxa la oranayaa Road-Map-ka ayaa qabanaaya dabcan waa sharci markaas madaama uu yahay halka loo laabanaayo , Haddaba ma axdi qarameedki ku meel gaarka ahaabaa, ma Dastuurki 1961-kibaa , Maxuu yahay oo isaga sharci ka dhigaaya dabcan waa iswaydiin ? anniga aragtidayda waxaan qabaa in uu yahay wax Soomaaliya dhibkeeda Horay u sii qaadaaya Tusaale waxaa Shirarki lagu qabtay Muqdisho , Garoowe , London ka qayb galay oo Saxiixayaal la yiri Lix qof oo Soomaali ah marka Road-map-ku ma lixdaas danahooda ayuu xambaarsan yahay ? Ma xildaas ayaa ah kuwa taladu ka soo maaxato oo masiirka dalka matala ? Waxaan saas u leeyahay marka aad aragto qof ka soo horjeeda Road-map-ka waxaa la oranayaa waa qaswade ,
Baarlamaanki Xukuumada hadda Jirta Kalsoonida siiyay waxa la yiri looma baahna oo Afhayeenka Baarlamaanka kaliya ayaa Soomaaliya Baarlamaan u ah …. Hadde Baarlamaan kale oo Bisha 8-aad la soo dhiso saw isna ma ahan mid Afhayeenka kaliya laga rabo ilayn Waxaa la ina yiri Road-map-ka ayay kuwa hadda jiraa ka soo horjeedaan …. kuwa hadhoow imaanaaya ma kuwo Road-map-ka ku soconaaya inay yihiin ayaa la hubaa ….. Afhayeenka cusub ee Baarlamaanka Bisha 8-aad imaanaaya uu yeelanaayo Saw isna Road-Map ama Addis abeba Accord la imaan maayo ilayn Afhayeen Shariif xasan hadda waxa la ina yiri Kampala Accord ayaa diidaysa in Xilka uu ka dago , Ma Road-Map-kaa ah Sharciyada Ogolaatay inay Ciidmaada Dalalka Kenya iyo Ethiopia iska Soo galaan Soomaaliya ? Mise saxiixayaasha ayaa ogol oo mar haddi saxiixayaashu ogol yihiin cid kale wax la waydiin maayo? mise waa iska soo galeen oo maddaama ay arkeen in Baarlamaanki la laalay wax iswaydiinaaya soo gelidooda ma arkaan ? Road-Map-ku markaas Soomaalida danteeda ma ahane waa danta Lixdaas Qof saw ma oran karo iyagga oo ka fakaraaya danahooda Shakhsiyaysan.
Waxa la samaynaayo khasaaradooda iyo Faa,iiddadooda waa in la eegaa ku soo koobida arimaha Soomaaliya Lix qof oo saxiixayaal ahi waa mid xasaasiyad leh mana ahan wax wanaagsan sida hadda wax u socdaana waa Khasab iyo in la is caburiyo … Wax cadaadis ku yimaada ma ahan xal wado nabadeedna ma noqon karaan wax dadka lagu khasbaa .. ka baaraan dagin iyo u dad badsasho ayay arintu ku quman tahay … Dariiq aad u qatar badan ayay iila muuqataa anniga , Waa arin ka soo maaxatay aragtiyo si hoose iyo dano shakhsiyeed ka fakaraaya wax khayr ah oo Soomaaliya u soo codaana ma muuqdaan aragtidayda.
Gabagabo:
Waxan ugu dambayn oranayaa dadka Soomalaiyeed waa dad walaalo ah oo wax kasti ka dhaxeeyaan halna ah…. Tagtadeenu inay ahaato mid jiritaankeena eersata ….. Mid mesha ka saarta Rajada soo noqoshada dal Soomalaiyeed oo dawlad leh , dadka Soomalaiyeed waa inay iscifiyaan wax ay wadaagaana samaystaan isu muuqashada ay isu muuqdaana iska daayaan , cid kale oo cadow ahna inay leeyihiin waa inay ogoodaan .
Xalka marka la eegaayo dabcan dhinacyo daban in wax laga fiiriyaa waa mid muhiimad leh ku dagdagida wax kasti waxay keenaysaa in maalin kasta dhibaato sucubi soo ifbaxdo … ku dagdagidi xalki laga gaaray isqabsashadi Afhayeenka baarlamaanka iyo Xukuumado Farmaajo waxaynu ka dhaxalay … Lix qof oo saxiixayaal ah oo tallada dalku gacantooda gasho … Ciidamo shisheeye oo iska soo gala .. Ka kaaftoomida in aan Baarlamaan yeelano oo baarlamaanki lagu soo koobo saxiixa afhayeenka baarlamaanka , Akhristoow arimahaanu anniga waxay iila muuqdaan kuwo dhibaato badan leh xaalada dalkeenuna waxa uu maalin kasta ku sii soconayaa xaalad cakiran iyo dhibaato hor leh oo innoo soo hoyata waana ayaan daro wayn kuwa siyaasiyiinta innoo sheeganaaya ayaana horseed ka ah waxaas Taariikhda ayaana xusaysa ilayn taariikhdu waxba ma cafisee .
Tagtadeena oo aan ka cabir qaadanaa waxay noqonaysaa in qalad qalad lagu saxo Tusaale Nadaamka Somaliland ee ah aragtidi Jabhaddi SNM waxay shalayto ku andacoonaysay waxaan ka dhiidhinay caburinta i XKHS oo si gaara u dhibaataynaayay dadka Dagan Gobollada Togdheer iyo waqooyi Galbeed , Sanaag …. waxay hadda ciidamo Somaliland ahi ku duulaan Deegaano ay dadka dagani ka soo horjeedaan Nadaamka Somaliland haddaba waxaan iswaydiiyaa maxay tahay sababta SNM waxay shalay ka kaceen Maanta u samaynayaan , Dabcan jawaabtu waa Qabyaalada oo iyadu Siyaasada ay hogaamisaa aan sax iyo qalad kala garan ma ahan in aan si gaara u leeyahay Snm ayaa dalka si gaara u waxyeelaysay ma ahan in aan aminsanahay dadka Soomaaliyeed ayaa kala wanaagsan … waxaan qabaa dhamaan Soomaalidu inay tahay kuwa ka siman xanuunka dhimirka wax u dhima ee qabyaalada .
W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxajoog
waji xume, caqli xume ,maskaxxume
sidi afwaliinjo ,
jawaabtaadu waa intaa.
abdalla.
asc dhaman asxaabta dhiban ama laga tirada badanyahay ee saami kaweeydey haykalka siyaasadeed ee puntland oo weliba maqalda qaldan u soobadhig bulshada rer puntland ee nabada jecel fadlan maqaalada qaldan naga joojiya hadii kale talaabo shaciga waafaqsan ayaaaa laydimka qaadi asc
bismilaahi alraxmaani alraxiim.
ayadaha ilaahay ayuu qaar waxaa uu ku leeyahay in alaale iyo intii diiday risaaladi
iyo wanaagi loo sheegay oo idil in ay yihiin oo ay kasii xun yihiin.
DAANYEER SIDA NINKAN ISKU SHEEGAY KING, OO KASII XUN,
DAMEER AXMAQ AH OO AAN KALA GARAN KARIN WAXA FIICAN IYO WAXA XUN ,
OO KASII LIITA KHAANSIIR IYO EEY CALYADA DAADINAAYA ,
HADII AY CIDI WAXBARO AMA WAXBARASHO LAGU WAANINLAHAA WAXAAN KU WAANINAYAA NINKAAN IN UU WAX BARTO OO UU XITAA HABA YARAATEE UU BARTO HADALKA SIDA LOO HADLO AYADOON LUQADBA LA ISLA GAARIN ,WAAYO WAXAA UU KALA SOOCE LA YAHAY AQOON IYO GARASHO AMA GARASHO IYO LUQAD AMA WADANIYAD GUUD IYO WADANIYAD DEEGAAN AMA WAXAA UU KALA AQOON MAAMUL IYO QABIIL AMA MADAXWAYNE IYO INA ADEER,
WAXAANSE SOO WAYDIINAYAA BOQORKA HADII AY FIKIRKIISA SIDAA YAHAY DADKII BOQORKA UU U AHAA FIKIRKOODA SIDEEBUU YAHAY,
KA SUGI MAAYO JAWAABE ANAA U JAWAABAAYA OO LEH
WAA DAMEER IYO DHASHII BOOWE CIDII UU RABO HA AHAADO MEESHUURABANA HA JOOGO HADII UUSAN WAXBARANA SIDAA BUU WALIGII DAMEER DHAGA WAYN U AHAANAYAA
QORAHA MAQAALKA WAXAAN KU LEEYAHAY MAHADSANID QALINKAAGA YUUSAN QALALIN.
ABDALLA.
Waa Rayí Madhan , waxa aad ku hadashay, adiga & Idiris-ba waa In aad Ku mahadisaan Jaale Siyad, sababta oo ah isaga ayaa Qoray Af Somaliga, markaas ayay Naac Naac -Le kasta ku Hunqaacaa meeshaan.
Hadii aan La Qori´lahayn Af Somaliga , waxaa idin ku adkaan lahaa in aad wax ku Qortaan Af-ka English-ka ama Talyaaniga, markaas ayaad la aamusi lahaydeen Xikmad yaraanta aad meesha la timaateen. Waar Cuqdad ayaa kugu Jirta, Gobol kasta dadka u tiro Badan ayaa ka talinaaya waa sida ay qabto Democracy. Sababta oo ah Dadkaas ayaa ka difaacaya Mooryaanta kugu haysa Hujuunka, Marka waa in aad qaadataa sida laguugu taliyo.
Orda oo soo akhrista waxa loo yaqaan “Federalism” Wax Dowlad Dhexe la dhaho oo awood yeelaneysaa ma jirto, miskiin yahoow. Dalka waxa ka taliya Ragg ka aqoon badan, kaa geesisan, kaa karti badan, markaas ayaad Nac Nac-da meeshaan la imaneysaan. Intii aad Xamar lagugu bah dili lahaa ,, Bosaaso & Garoowe ayaad ku Khasban tahay, hadii kale afka ayaa lagaa tooganayaa, hadii aad sheego Xamar meesha la timaatid. Waar Xamar annagii ku dhalanay ayaa dhaheynaa waa Meel Qudhmuun oo Dulmi ka Dhacay, miskiin ayaad tahee, waad ku khasban tahay Dadka Xukuma Dalka, Amarka Qaata, mise Hawiye in aad amar ka Qaadato ayaad u bax baxsaneysaa !
Nabadiino
Idris waa nin si ku filan u fahansan waxa uu soo jeediyay una samyeeyay tixraax iyo tusaale..waxuuna sheegay inuu ra’yigaa qabo.
haddii hadal qof ka dhiibanyo waxa haboon inuu waxuu ogyhay ama ka qabo arintaa uu a hadlay qoraagu wax a dhaho.
lakiin sida ninka king wax uga soo celiyay waa ci’yid aan cidana wax u siyaadinayn cidana wax u dhimayn ee isagaa uun bay ku tilmaantay inuu maran yahay.
Sida idirs u dhigay ummadan mid dhaw iyo mid dheerba waa laga shaqeeyay sidii loo kala fogayn lahaa..
Dadku waa isdilaa waana heshiiyaan ,hadaanay iyagu heshiin karin waa la heshiisiiyaa.
hadaba iyna heshiin waaye cid u kacda oo wanaageeda ka shaqaysa oo heshiisiisana waa diiday…ilaa markii danbe ay galeen af nibiri.
Maanta ummadii afnibiray ku jirtaa waxaa loo baahan yahay ciddii u istaagi lahayd ee ka saari lahayd.
Soomaaliyi waxay tirahdaa ”nin buka boqoli u talisay”
qabiil iyo 4.5 eeday..Shabaab iyo wadaad eersatay
qabqable iyo warlord ku soo hoogtay…maxaa dawo u ah?
Fedaraal ,oo yaa yiri waa sax…fedraal maamulo lagu dhistay oo lagu tijaabiyay yaa jira waa Soomaalilnd iyo Puntland.
Labdaba qayla ka taagan ..Soomalialnd qolaa isku xaydaantay taldii dalkii ,dabcan dheetiisiin intaa yar baa la aamustay.Puntlandna waa lamid oo dadkii wada dhistay waaba ku kala carareen iyagoo ka cabanaya nin toocsi.
Waxaa la diidan yahay waa dawladaa dhexe ee xooga leh oo qolya u arkaan inaanay ka mid noqon karin oo ay wax ku waaya yaan sidan iyo qabyaaldana ay ugu badiso,Federaalkiina aragany oo qolyaa raba inay iygu ka noqdaan goboldaa horjoogahooda …dadku caqligiisa waa qabaa haddii federaal la aadayo tuulo walbaa inay iskeed u madax banaanto ayay u diyaar tahay..Soomaali waa tii oran jirtay ”haddii aan waayay ali ha beesaysto”danta dalka iyo dadka nina uma soo jeedo.
Qarnigaa laqaawan yahay ee aanay waxba qarsoonayn nina qalin iyo hadal,, ildabis, afmarooris midan layskuma xadi karee maxaa inoo dana!
Yaab badanaa , Waar PuntLandnews, ma waxaad u shaqeysaan Canasiirta Dowlad diidka ah.
Ninkaan Meesha iskaga Nac Nacleynaaya Maad Ka qabataan. Wax uu Federalism Ka Ogyahay Ma jirto.
Miskiin Idiris, Malaha Dagaaladii ka dhacay Xamar, waxaad ku Noleed Gobollada Baadiyaha ah, oo waxaad tahay WAX JIRA- MOOG.
Maskiin ayaad tahay Dad ayaa lagu hor laayay Waalidkood walaalahood, Marka Hadii aadan Fahmin waxa loo yaqaan Federalism , orod oo School Tag oo soo baro.
Hadii kale Nac Nacda Kala tag meesha, wax Qiima leh ma aadan sheegin. Dowladii Siyad Barre ayaa dhibtaan Noogu wacan, oo Qortay Af Somaliga , Mid kasta Wuu xuu Soo Qoraa Hunqaaco (Mantag) , Hadii Aan Af Somaliga la Qori Lahayn, Way Ku adkaan lahayn idiris oo kale in uu soo Qoro Maqaal.
Nadadino
King