Qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda Golis oo la abaal mariyey [Sawiro]

September 20, 2012   //   Warar Somaali

Shirkadda isgaarsiinta ee Golis Talecom Somalia ayaa abaal marisay qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda,abaal marintaan ayaa shaqaalaha lagu gudoonsiiyey ka dib markii uu qabsoomay shirkii bilaha ahaa oo uu maamulka shirkadda la yeelan jirey dhammaan shaqaalaha shirkadda ee ka shaqeeya xafiiska Bosaaso.

Ugu horayntii shirka  waxaa madasha  ka hadley hogaanka maamulka iyo mashaariicda Abdirisaaq Cali Cilmi una sheegay shaqaalaha dhawrida waqtiga shaqada, isla markaana ay ku dadaalaan sidii  kor-u-qaadid loogu sameen lahaa waxqabadka shaqo.

 

Kalmada hogaanka maamulka ka dib,sidoo kale waxaa hadley maareeyaha guud ee shirkadda Golis Mudane/ Cali Xaaji Warsame oo amaan iyo bogaadin u soo jeediyey shaqaalaha shirkadda isagoo ku tilmaamiyey in ay yihiin shaqaale hufan oo karti leh.

Maareeyaha wuxuu hadalkiisa ku daray “mudadii aan joogay shaqada waxaan ogaadey in shaqaalaha shirkadda Golis ay yihiin Shaqaale aad u dhawrsoon, isla markaana jecel in waajibkooda shaqo ay u gutaan si fiican oo kor u qaadaysa sumcadda shirkadda”.

Maareeyuhu wuxuu shaqaalaha kula dardaarmey in ay laba laabaan shaqada ay shirkadda u hayaan.wuxuuna u sheegay in ay mas’uul ka yihiin hantida dad weynaha soomaaliyeed ee share-ka ka ah shirkadda loona baahanyahay in la xifdiyo hantidaas mas’uulka laga yahay.

Ugu danbeytii shirka ayaa xafiiska shaqada iyo shaqaalaha wuxuu abaal mariyey shaqaale ka shaqeeya waaxyada kala duwan ee shirkadda.

 

 

 

shaqaalahaas ayaa ah kuwaan hoos ku qoran:

Magaca Waaxda
Maxamed Maxamuud GaroonGaadidka iyo Matoorada
C/Rashiid Carab JaamacGaadidka iyo Matoorada
Yaasin Maxamed AadamGaadidka iyo Matoorada
C/Qaadir Cismaan CumarGaadidka iyo Matoorada
C/Rashiid Xasan MaxamedGaadidka iyo Matoorada
Isaaq Maxamed AadanGaadidka iyo Matoorada
C/Rixmaan Muumin SaalaxEngineering
C/Qaadir Maxamed JaamacEngineering
Zakariye C/laahi YuusufIT
C/Laahi Sh.C/Qaadir NuurIT

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply