Qabashada araajida musharaxiinta oo maanta bilaabatay

September 3, 2012   //   Warar Somaali

Gudiga doorashada ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ay bilaabay qabashada araajida musharaixiinta u taagan doorashada madaxwaynaha ee 10-ka bishaan ka dhici doonto Muqdisho.

Afhayeenka Guddiga doorashada Cismaan Libaax Ibraahim ayaa u sheegay warbaahinta inay socon doonto qabashada araajida musharixiinta ilaa lixda bishaan, waxaa uu sheegay saaka oo kaliya inay qabteen toban musharax.

Sideeda ilaa iyo sagaalka bishaan ayaa waxaa bilaaban doona dhagaysiga khudbadaha musharaxiinta u taagan doorashada madaxwaynaha dalka.

 

Xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay ansixiyay shuruudaha musharaxiinta u ordi doonta doorashada madaxwaynaha oo ka koobnaa sagaal qodob oo kala ah:

  1. In musharraxa madaxweynaha uu yahay muwaaddin Soomaaliyeed oo Muslim ah
  2. In da’diisu aaneyn ka yareyn 40 sano
  3. Inuu leeyahay aqoon ama waayo-aragnimo u qalanta xilkaas
  4. Inuu dhimirkiisu dhan yahay
  5. Inuusan gelin dambi culus oo ay maxkamad xukuntay
  6. Inuu bixiyo lacag dhan 10 kun oo doollar oo ah diiwaan-gelin
  7. Inuu soo gudbiyo taariikh nololeedkiisa (CV)
  8. Inuu soo gudbiyo labo sawir oo midab leh
  9. Inuu soo gudbiyo codsi musharraxnimo oo labo nuqul ah.

Puntland-News24

Muqdisho.

 

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply