Qaramada Midoobay oo go’aano quseeya xuquuqul insaanka Soomaaliya soo saartay
September 30, 2012 // Warar SomaaliGolaha Xuquuqul Insaanka ee QM ayaa ku soo gunaanaday fadhigiisii 21aad magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Soomaaliya ayaa si weyn looga hadlay waxaana lagu soo bandhigay laba warbixin oo ka kala hadlaya xaalada ugu dambeysay xuquuqul insaanka Soomaaliya iyo dambiyada aan la ciqaabin ee ka jira dalka gudahiisa.
Warbixinta QM ayaa ka hadashay tacadiyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka Soomaaliya iyo sii socashada tacadiyada xad dhaafka ah ee ka dhanka ah dadka maatida ah ee waxba aan galabsan. Sidoo kale waxaa warbixinnada lagu sheegay in Soomaaliya ay marayso xaalad muhiim ah oo u baahan in gacan laga siiyo maadaama ay kasoo baxday waqtigii ku meel gaarka ahaa.
Safiirka Soomaaliya ee QM iyo dalka Switzerland u fadhiya Yuusuf Max’ed Ismaaciil Bari Bari oo u hadlayay dowladda Soomaaliya ayaa ka jeediyay golaha xuquuqul insaanka QM khudbad aad iyo aad u dheer oo ku aadan xaalada kala guurka oo uu dalku marayo, dhamaashiyaha waqtiga KMG, xadgudubyada xuquuqul insaanka eek a dhacaya dalka iyo sida loo joojin karo xadgudubyadan ka jira dalka Soomaaliya.
Yuusuf Bari Bari waxaa uu sheegay in ay Soomaaliya ka baxday xiligii KMG ahaa oo ay maanta ku wajahan tahay sidii ay u adkeyn laheyd dhidibada dowladda federaalka ee hadda lasoo dhisay ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Max’uud.
Safiirka Soomaaliya Yusuf Max’ed Ismaaciil Bari Bari oo lagu tilmaamo in uu yahay safiir kasbaday kalsoonida dhamaan wakiilada dalalka xubnaha ka ah QM balse ku shaqeeyo xaalad aad u adag oo ay ugu wacan tahay dhaqaale darida safaadda Soomaaliya ee Geneva ayaa howl karnimadiisa waxaa ay u sahashay in qaraarkii sagaalaad ee quseeya sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dhinaca difaacitaanka iyo horumarinta xuquuqul insaanka uu golaha xuquuqul insaanka meel mariyo maalintii jimcaha oo ay taariikhdu aheyd 28ka bisha September.
Golaha QM ee Xuquuqul Insaanka ayaa waxaa uu si weyn u cambaareeyay dilalka is daba jooga ah ee loo geysanayo suxufiyiinta Soomaaliyeed. Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ka jira dalka iyo beesha caalamka ayaa loogu baaaqay in ay u tafaxeytaan difaacitaanka suxufiyiinta si looga hor tago musiibo aan weligeed la arag oo ka dhan ah bahda saxaafadda Soomaaliyeed.
Dalalka xubnaha ka ah golaha QM ee xuquuqul insaanka ayaa soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud ayagoo si wada jir ah u sheegay in ay tahay horumar siyaasadeed iyo biseel ay Soomaalida gaartay in ay si xor ah oo nabad ay ku jirto ay u doortaan madaxweyne muddo 44 sano ah kadib.
Go’aan kasoo baxay golaha xuquuqul insaanka ayaa sidoo kale waxaa uu amaan usoo jeediyay xukuumadda badbaado qaran ee Ra’iisul wasaare Cabdiweli Max’ed Cali oo ku dadaashay sidii ay dalka ugu saari laheyd xilliga KMG ah oo ay Soomaaliya kusoo jirtay muddo labo iyo toban sano.
QM iyo beesha caalamka ayaa loogu baaqay in ay taageero siiyaan dowladda federaalka, maamul goboleedyada, ururka qaranka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo suxufi kasta si loo badbaadiyo suxufiyiinta Soomaaliyeed ee sida joogtada ah loo khatar gelinaayo.
NUSOJ ayaa waxaa uu noqday ururkii ugu horeeyay ee ka tirsan bulshada rayidka oo so rasmi ah lagu xuso qaraar rasmi ah oo kasoo baxay QM taasoo muujineysa aqoonsiga aan caadiga aheyn ee uu ururku ku naaloonayo.
Fadhigan ayaa waxaa ka hadlay sidoo kale Cumar Faaruuq Cismaan oo ah Xoghayaha Guud ee NUSOJ asaga oo sheegay sida ay ugu murageysan yihiin dhibaatada aan kala joogsiga laheyn ee ka jirta dalkeena Soomaaliya.
Puntlandnews24
News Desk



Anigu Waxaan Faroole iyo inta Xaaraanta la Cunta kula Talinyaa Wakhtigiinii waa dhamadaay, Intaa Umadda lugooyn kartaana waad lugooyseen Dalkakii waa bur buriseen,Dadkii walaalaha ahaa waad kala qaaybiseen,Khaasatan Farooloow wakhti gaagii dhamaa,ma waxaad doonaaysaa sida Aabahaa Afwaayne inaad Caasimadda Naga Bur buriso,Ilaa dalka intiisii kaleeto waad soo bur burisaye, kaa yeeli maayno.Maalintii Aad Musuq Maasuqa Lagugu doortaay,waxaan tiri 2min mayeelayo haddaan laay dooran Adna lagaa yeelimaayo inaad burcadnimo Dalka ku haysato, Ee Fadlan sidii Afwaayne Caasimadda Hanaga bur burin,Xaaraan intaa urursan karto waad Urursate “Afwaliijoow Ma Naxdide waa laguu naxaa haddaa joojin madax Adaayga” walaal Aan kula taliyee iska naso kugu filan,intaa burcad badeed ka tacabtaay iyo Dekedda Boosaasood,Doqonimo yaay ku qaadin waad duqoowdaye Caruurunta intaay dhaceen ku filan.