Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo

October 27, 2012   //   Warar Somaali

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo goordhow ka dhacay Magaaladda Kismaayo ee gobolka Jubada hoose.

Qaraxan ayaa lasoo sheegaya inuu ahaa Bambo nooca dhulka lagu aaso ah, oo lala beegsaday maqaayad kutaal meel aan ka dheereyn xarunta maamulka ee Kismaayo.

Saraakiil katirsan ciidamada dowlada ayaa inoo xaqiijiyay in qaraxa uu ahaa mid aad uxoogan oo gaystay dhimasho iyo dhaawac.

Inta la ogyahay labo ruux ayaa geeriyootay labo kale oo dhaawac halis ahna waa uu ka dhashay qaraxaas.

Xaaladda ayaa ah wali mid kacsan, waxaana dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ku jira haweenkii maqaayada ka shaqeynayay.

Ciidamada dowlada iyo kuwa Raaskambooni ayaa holwgalo balaaran ka wada halka qaraxa uu ka dhacay.

 

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply