Qardho: Daawo Sawirada Mudaharaad Looga Soo Horjeedo Maamulka Puntland

September 21, 2012   //   Warar Somaali

Mudaaharaad si weyn ay u soo abaabuleen dadweynaha ku nool magaalada
Qardho laguna diidanaa in dowladda Puntland ay halsano ku darsato ayaa
maanta waxa uu is qabsaday wadooyinka waaweyn ee magaalada,iyo goobaha
inta badan ay shacabka isugu yimaadaan,waxaana wadooyinka magaalada
lagu gubay shaagaga gawarida,halka derbiyada lagu qoray erayo ka dhan
ah xukuumada waqtigeeda dhamaadka yahay ee damacsan in ay halsano ku
darsato.

Dadweynaha ayaa sitay boorar ay ku qoranyihiin halkudhigyo ka dhan ah
dowladda Puntland,waxana ku qornaa Puntland waxa ay u baahantahay
Badbaado uma baahno kursi jeceel iyo kaligiistalis,waxa ay ku
dhawaaqayeen in ay ka soo horjeedaan xisbiyada danaha gaarka laga
leeyahay oo ay ku sheegeen in dowladda ay dooneyso in ay sanad ku
darsato dadkana ku mashquuliso xisbiyo aan diyaar hadda shacabka reer
puntland u aheyn.

Mudaaharaadkaan oo ahaa kii ugu weynaa ee ka dhaca magaalada Qardho
ayaa shacabka waxa ay si cad u sheegeen in dowladda ay diyaar u noqoto
in ay dhacaan doorashooyin xalaal ah,waxa ayna siyaasiyinta reer
Puntland ugu baaqeen in ay la socdaan shirqoolada ay malegeyso
dowladda Waqtigeeda sii dhamaanayo oo damac ugu jiro in ay halsano ku
darsato.

Magaalada Qardho ayaa waxaa soo gaaray  gudoomiyaha gudiga
doorashooyinka Puntland Maxamed Xasaan Barre waxaana magaalada Halmar
isla kacay intabadan shacabka ku nool waxa ayna ugu baaqeen in uu si
deg deg ah isaga baxo magaalada hadii kale ay dhici doonaan wax yaabo
aan horey loo arag,waxa ayna shacabka wacad ku mareen in waqtiga
doorashda aysan ka dibdhici karin xiliga loogu talagalay 08/01/2013

Maalinta berito ayaa magaalada waxaa lagu wadaa in uu ka dhaco
mudaharaadkii ugu weynaa,kaas oo laga cabsi qabo in uu sameyn ku
yeesho magaalooyinka Bosaso iyo Gaalkacyo oo xiisato kuwaan la mid ah
ay ka jiraan.

COMMENTS

RSSComments (19)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. caraseedo says:

    To:Ahmedey kan wata iyo kuwiina kaleba badankoodba:beelo gubeyaal ayaad tihiin ee ummadda ha isku dirinina,waar adiga calankaaga la’gubye,waar Qardho been baad ka sheegtay oo baahi mataalo,ee adaa baahi iyo bugtaba qaba,iimaan laaweyahoow ka fariiso ummadda.
    Qardho waa barwaaqo oo beelo ladan ayaa dega,
    ee beentiyo bugtiineer,kala bayra beledkaas.
    Reer Qardhood hal baan iri:mudaaharaadka joojiya,nabaddana ilaaliya,oo danahiina raadsada.

  2. kariye says:

    When will Somalis know fairness and rule of law? There is something called constitution in this document there should be limitation for the presidents term simple.
    No one should be above the rule. This guys from qardho are hundred percent right to express their rights. This is what is called democracy at work.
    Siyad bare ruled Somalia till his was sent out the a poor dog hence the destruction of the country.
    This should have been an eye opener for all future Somali leaders but unfortunately still they didn’t open their eyes yet but they will open them once they face what siyad bare faced.
    Stupid and arrogance aint going to move a country forward. When certain group of the citizenry cab systems like 4.5 and to their best think they should rule the rest as long us they want aint going to move the country forward but to its destruction,
    Good example is Somaliland. Alot of people still don’t want to crasp or intentionally are in denial or have no respect at all to what was done to them simple because they want to be on the side of their tribal kin who committed the crimes against them therefore they feel the best thing to do is to deny.
    While this divided our country and if at all we don’t change our thinking then we are going to be divided into several tiny geographical territories believe me guys.
    Finally lets all joint hand and get rid of this old men who are destroying our country and minds. Qardho guys job.

  3. puntland reer qardho ayaa wax ugu hor fahma

  4. waaye says:

    xishood
    jirinimo
    looma baahna

  5. Hersi says:

    waa bilaabatey dabeyshii sunnaamiga ee isbadal doonka …waa tan bariga dhaxe kasoo bilaabatey hadana maamulka ilma faroole beey kusoo habsatey ..geeddiga wada oo yaan lakala joojin mudaaharaadka isbadal doon …waana in eey ku fiddaa dhamaan deeganada p/land oo dhan ……guuleeysta

  6. garwade says:

    waxaan kula talin lahaa ddaka dabada ka wada caruurta yar yar ina ka waan tooban oo aysan umada u horseedin dagaal iyo bur bur waa la ogaa wixii horay u dhacay wxii laga dhaxlay cuqaasha sharaftalee ee qardho waxaan ka codsanayna inay dadka danaha gaar ka ah wata inay ka qabta bulshada by shaxda karkaar

  7. Gocoso says:

    waxaan aad u soo dhoweenayaa shacabka sharafta iyo karaamada mudan ee reer qardho aniga oo awalba ogaa in ay ahaayeen dadkii hormoodka ka ahaa isbadal kasta oo ka dhaca puntlan karti iyo awoodna u leh wixii ka hor imanaya masiirkooda amaba masiirka dadka iyo dalka reer puntlan hadaba iniga oo taas u kuurgalaya ayaan waxa aan la sheekeeystay ragqurbaha ku nool oo dhalasho ahaan ka soo jeeda magaalada qardho waxa aana ku iri nimanyohow wixiinu ma oowr ku kacsibaa mise danta guud ayaad wadaan ragaas oo kuli ahaa rag ikhyaar ah lagana qadariyo magaalada aan ku noolnahay waxaa ay iigu jawaabeen anaga waxaa naga go an isbadal in uu dhaco haddii uu is sharaxo qof qardho ka soo jeedana ma jiro sharci u diidi kara maxaa yeelay waa muwaadil xaq ayuuna u leeyahay hadd elana wuuba helay haddii uu waayana halkaas ayuu ka baxayaa waxaa kale oo anigu aanan ogeeyn oo ay ii sheegeen in ragka tirsan maamulkii cade muuse in ay soo jeediyeen in sida hada oo kale in ay sameeyaan mudo korarsi arinkaas markii aan maqalnayna in aan ganafka ku dhufanay in kasta oo cade awalba uu san isagu raali ka aheen taladayadiina si fiican noola qaatay hadaba maanta iyo maalin kalaba ma lagayaabo in arimahaas oo kale ay dhacdo faroolana riyo ayuu ku jiraa hadaba soo lama oran karo guusha iyo isbadalkasta oo ka dhaca puntlan waxaa hormood u ah reer qardho runtii anigu ma ahii reer qardho laakiin markasta waxaan xushmad iyo sharaf u haya sida ay iga duwan yihiijn dadka iyo magaalooyinka kale marka aad la sheekeeysato raga siyaasiyiinta ah oo aan reer qardho aheeyn waxa ay ku leeyihiin niyohow meesha puntlan laga xukumo waa qardho maxaa yeelay cida isbadalkeeni karta waa iyaga marka soo ma mudna in inteeyna kale aynu jalasi ku noqon oo aynu ku taageerno kuna dayano maxaa yeelay danta masiirka ay u doodayaan ma aha mid iyaga kaliya ay leeyihiin waad mahadsantihiin

  8. maxamed yare says:

    asw waxaan salaamayayaa dhamaan bulshada reer puntland meel walba aad joogtaan, waxaa horumar lagu garaa in layas maqlo oo la tix galiyo dowlada hada jirta ee puntland sababtoo ah waxaa nagu soo socda iyaa noogu daran ee is dajiya hana gubinan dowladiin hada jirta, soomalidu waxay ku mahamaad biyo sacabadaad looga dhargaa, aan ka faa’iidaysaon warwaaqdada hada taal hadii kale waxaan noqonaynaa sida koonfuta soomaalia oo kale inshalaha waxaa joogga wadanka culimo aqoon u leh cilmiga dowlada iyo odayaasha kaabiqaabilad. La tashada dadka wax gartakah anigu waxaan qurbaha aan daganahay mudo 30 sano ah hadan waxaan rabaa in aan Puntland wax ka dhiso si nabada oo ilahay nabaray iyo sunada nabgiga, ka faa’iidaysta qayraadka wadanka ASW.

  9. faarax says:

    waxaan lee yahay shacabka qardho is dajiya oo sabra puntland waa dhul nabad oo ay ku nool yihiin dad caqli badan waxaan leeyahay dowlada puntland maxaa airport boosaaso wado loo marsiin waayey waxaa la yiri airport boosaaso waa dhameystiran yahay waxaa kaliya uu ubaahan yahay waa wado lamarsiiyo dawlada taas baan ku dhaliilayaa waa inay dadkeeda wax uqabto mida kale waxaan lee yahay is daji nabad gelyada hala ilaaliyo yeynu noqonin sida koonfurta oo kale oo ilaahey wuxuu nasiiyey nabad

  10. ufayn says:

    waa arin wanaagsan in ay qardho mudahaarad samayso oo ay ku samayaa MAAMULKA FAROOLE ,

    waxa leeyahay waa in latageero

  11. Puntlander says:

    waa soodhowaynayanaa Banaabaxa Reer qardhoodka waxaan leeyahay waa in ay ku daydaan deegaanada kale ee Puntland intooda aan ka bixin sida Khaatumo iyo Raascasayr , waa in Puntland la badbaadiyaa isimaddu waa in ay isu yimaadaan oo shirwayne la qabtaa dibna aan u aragnaa Puntlandti hore balse hadda burburku ku yimi uuma keenay ninkaan Faroole ee macangaga ah wiilashiina taladi gacanta u galiyay , annigu waxaan qabaa in markaan Madaxwayne lasiiyo dhulbahante ,kuxigeena Majeerteen waliba Beesha Siwaaqroon , haddi arintaasu dhacdo oo laba nin oolabadaas beelood ka soo jeeda loo dhiibo Puntland isbadal ayaa dhacaaya waxaan arkaynaa wax badan oo aan jecelahay oo ay u horayso in aan mar kale Muqdisho ku dayacmin oo la inakala jiidan hawiyena qaybi oo xakun innagu samayn .
    Midnimada Puntland waa arinta koowaad ee muhiimada leh deegaan ayaa waxloo qaban wayaya cashuur ayaa la qaatay waxaas waa ka muhiimsan midnimada ee Khaatumo iyo Raascasayr xilalka haloodhiibo dibna aan u aragno Puntland 1998

  12. farhan says:

    as w w waxaan iddin sheegayaa in puntland qofkii yimada oo qurbaha ku soo wareeraaba u yimaado in uu caruurtiisa dhaxal xaarana u helo marka kii ka horeeyey ee rer qardho ahaa waa ka darnaa oo waxa uu u shaqaynaayey oo yaqaaney ninkii meesha keensaday oo ahaa c/laahi yusuf iyo jifidiisa oo qardho ah laakiin waxa uu ahaa nin dadka xushmeeya oo family fiican ka soo jeeda laakiin kan waxa uu yaqaan maxaan qaataa iyo caruurtiisii oo madaxweynayaal gooni ah iyo kooxo aad moodo in uu qabiilkasta reerka ugu yar ka xulanaayo iyo weliba uu tixgelintii ka qaaday isimadii soo jireenka ahaa oo uu sameeyey isimo la yiraahdo(XAAD GROUP) oo aaminay in ay yihiin sax
    laakin rabshada in markasta reer qardho abuuraan maaha iyagoo wax qabad kooda la arakay
    jooga dadka ka mid ahaada

  13. qanciye says:

    Dabhuris ma fiicna ee hala isdajiyo dad WALAALa layahay ee CADAWAGU yuu nagu farxin.

  14. guure gaaf ganey says:

    marka hore salaan salaan kadid qardho waxay ku muda haraaday madax waynaha faroole waxaan shacabka reer puntland ku boorinaaya in faroole puntlan waxba uu san uqaban tusaale magaalada qardho waxay xaq u leedahay in la dhiso waxba uma qaban faroole laamigu waa jajabay wadooyin waaweyn oo bilic leh uma samayn waxaan ka codsanaaya shacabka reer qardhood iyo reer bosaso in cuna qabateen la saaro ileen waxaba uma gudbaayaan badii baan ka hor joognaa shacabkii buu isku dhuftay dad iyo duunyo waa leefay ilaahay baa u dhexeeya faroole iyo shacabka waxaan lee nahay anagoo ah shacabka reer puntland oo qurbaha ku nool NO FAROOLE FOR 5 YEAR NO NO NO RAALI KAMA NIHIN

  15. Hadraal says:

    Dadku caqli waa qabaan ay magaaladooda ku ilaashadaan, waana dadkii ay weligood ku dheceesey culeeska Puntland, u dhintey u denbaabey u rafaadey si loo saxo, laakiin mar walba iyada oo loo soo maraayo kuwo u dhashey baa kaadi iyo xaar loogu abaal gudaa. Waxaas uu sameynayo shimbiralaaye, eeddeeda qardho baa qaadeysa, nafaceedana faroole iyo caruurtiisa yaa helaaya. Yaa dabaaloo duurka loo diraa

  16. xaaji yusuf says:

    AAWAY GAALKACYO, AWAAYE BOSASSO NO FIVE YEARS
    HALAGU DEYDO SHACBKA QARDHO , HA BAQINA EE GAALKACYO HA LAGU XIJIYO IYO BOSASSO,
    KA HADLA ASIIRKS UMADA IYO DADKA
    XAQ IYO WAAJIB INA WADA SAARAN WEEYE

  17. Bari says:

    Wixii koonfurta ka dhacay ha dalbanina ee rabshada joojiya oo ragga wax la qaybsada si wadahadal ah.

  18. caaqil says:

    asc shacabka yaan la walin maxa yelay tuug ba ka degaaya tuug kala qabsana maxa shacabka dan ah oo ugu jirah war shacabka yaan la walin oo la marin habaabin waxas waxa kuso dhuumanaya al shabaab dadkena waxay u horseedaysa qaraxyo iyo waxan laga aqoon magaalada aniga ra yigayga gaagaab iyo cabdilaahi said samantar waxa dhama faroole aderayaal xal kale raadiya oo ilahay ka baqa gaagaab waa nin gurigisi gubanayo oo isagu gubaya reer qardhod waxan idinka digaya fidmada galkacayo iyo bosaaso iyo garoowe taal wan ka badbadnay xal kale wax ku raadiya magaalada waa magaalo nabadeed siyasad degan iyo wanaag lagu yaqaan faroole waa iska tagaya 3 bilod ba u haray lkn yaan dhinaca xun laydin adeegsan mida kale kuwa afka dubanaya oo baqaya oo ciyaalka adegsanaya oo sawirada ka muqda ma uurki hoyadood ba lagu cilay halka waxa iiga cadatay in ay meesha ku jiraal fidmo walayaal reer qardho wan is naqana dadka fidmada bilaba markay xabadu bilabatay duuntan dadka walaalaha ah iyo dadka martida ah oo qardho ku nool waxan uga digaya in aan fidmo la hurun faroole hadu ka dego cabdilaahi said samanter ama gagaab maxa dan ah oo idinku jira ila kuwasa imanaya faroole waxan kula talinaya inu uga dego si nabad ah ciidan dad laguma caburin karo magaalada qardho waa magaalo diin iyo sharaf taal ciyaalka iyo dumarka ha lagu wacyi galiyo inaysan wax rabsho ah samen oo aaysan ku adeegan dad dano gaara leh

  19. Ahmedey says:

    Dadweynaha Qardho qutul Yowmkii ayey waayeen, Faroole iyo dhashiisa noloshii ayey dadka ku cadaabeen, contracts dalka iyagaa qaatay ama cid ay share kula leeyihiin. Dadkan danta ayaa u geysay inay banaabaxaan afkii iyo gacantii ayey isla waayeen canshuurtii dalka waa la daldashay, dhaqaalihi dalka waa burburay jeebab khaas ah ayey lacagta gashaa iyo hal magaalo Qardho inay dadkeeda kacaan waxaa u geeyey noloshii oo lagu ciqaabay magaalo aan hal wasaarad joogin hay’ad shaqaynaysa jirin canshuurtii oo baabuur lagu daabulanayo hortooda habeen walba marayso, marka dalka waa gaajo iyo dhibaato ayuu maamulka ku hayaa waliba waxaa fiican in calanka beenta ah ee faroole sameestay la gudbo isagana waqooyi bari iyo nugaal iyo mudug loo kala baxo,

Leave a Reply