Qardho: Xiisad ka dhalatay dad diiday dastuurka cusub ee Puntland iyo Bandow lasoo rogay

March 26, 2012   //   Warar Somaali

Shaqaaqo kooban ayaa ka dhacday magaalada Qardho, kadib markii lagu dhaawacay magaalada 3 dhalinyaro ah, kuwaas oo ciidamada Booliska ay iska hor-yimaadeen.

Dhalinyaradan ayaa lagu eedeeyey inay weerarareen halkii ay ka dhacaysay dooda dastuurka la damacsan yahay in laga hirgaliyo gobollada Puntland.

Bandow ayaa caawa magaalada Qardho lagu soo rogay, iyadoo dadka loogu digayo inay dhaqdhaqaaqa yareeyaan, waxaana habeenkii u horeeysay caawa magaalada saaran bandow, balse aan dhaqan gelin.

Sarkaal ka tirsan ciidamo cusub oo maalmahan ka howlgalayey magaalada ayaa ku eedeeyey in dhalinyaradu jeexjeexeen waraaqo ay ku qoran yihiin dastuurka Puntland, hase yeeshee wuxuu wax laga xumaado iyo masuuliyad darro ku tilmamaamay in dhaawac loo geysto shacabkan, maadaama arrinta si kale loo xalin karay, wuxuuna intaas ku daray inay baari doonaan ciddii falkaas fulisay.

Goob jooge arkayey sida ay wax u dhaceen ayaa sheegaya in dhalinyaradan aysan weerarin meelna wax shuqul ahna aysan ku lahayn arrimaha lagu eedeeyey, laakiin magaalada ay hub ku dhex siteen.

Maalinimadii shalayna waxaa dad caraysani ay ku qamaameen Halkii ay ka socoto dooda ku saabsan dastuurka, iyadoo kadibna lagu kala tagay.

Ciidamo tira badan oo maalmahan ku sugnaa magaalada ayaa taagan wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Qardho kuwaasoo dadka ay ku arkaan qoryaha qabanaya, hubkana baaraya, ciidamada ayaa waxaa wato sarkaal lagu magacaabo Muxiyadiin.

Saxafi kala oo ku sugan deegaanka Dhuudo ayaa noo xaqiijiyey in wafdi kale oo baahinayey howlaha dastuurka Puntland laga soo celiyey deegaamada hoos taga Bandar/Beyla iyo Dhuudo.

Xiisada ka dhalatay arrimahan ayaa waxaa safar deg deg ah isla maanta Gaalkacyo kaga soo ambabaxay waxgarad iyo issimo, iyo sidoo kale duqa degmada Qardho, si ay u dajiyaan xaalada magaalada ka taagan labadii casho ee u dambaysay.

Siyaasiyiin iyo waxgarad kor u dhaafaya boqol ayaa labadii casho ee u dambaysay ku sugnaa magaalada Gaalkacyo si ay uga qayb galaan AHN marxuum C/laahi Yusuf oo Aas qaran shalay loogu sameeyey magaalada Gaalkacyo, waxayna haatan soo afjareen booqashadii tacsida ahayd ee ay Gaalkacyo ku joogeen.

Horay waxaa howlaha ka doodida dastuurka cusub looga diiday qaybo kamida gobolka Sanaag, iyadoo la xasuusan yahay in maalinimadii Jimcahana waxgarad reer Gaalkacyood ah ay si weyn u cambaareeyeen gudiga doorashada Puntland iyo dastuurkaba kuna baaqeen in la iska diido.

Isku soo duuboo dadweynaha Puntland qaarkood ayaa qaba wel-wel ku saabsan in dastuurka Puntland aan lagu deg-degin maadaama  mustaqbalka iyo masiirka Puntland aan si sahlan dad gaar ah go,aan uga gaari karin.

Xasan Abdirahman [Jabka]

Qardho, Somalia

Puntland News-24

 

 

 

COMMENTS

RSSComments (11)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Geedi said says:

    fdqlan xilka kadeg waqtigaagii dhamaa.

  2. abdirizak jokar says:

    asc dhamaan dhalinta rer puntland meelkasta ay joogaa dastuurka cusub ma waxaa larabaa in laga dhaqan geliyo punland keli ah oo lagu kaladaadiyo shacabka rer puntland ee nabada jecel aniga waxan qabaaa gudoomiyada barlamanka punland in uu iilaasho axdiga iyo xeerka uyeel mamulkan puntland ee uusan ku xad gubin bulshada iyo xilka u hayo waxan ka codsaneynaa hadii aaan nahay bulsha weeynta rer puntlandi xakumada dr c/raxman maxud maxed farole xilka wareejiyo marka wakhtigiisa dhamado balantii maalintii uu qaaday maalintii xilka loo dhaarshey puntland uu meel mariyo w/b/towfiiq

  3. Qaraweyne says:

    Faroole ummaddu way nacday xataa Garowe lagama rabo asna waa ogyahay doorasho hadduu galona inuu tagayo waa caddahay. cidyeelaysa inuu ku darsadona ma jirto xaalkiisu waa cir kaa dheer iyo dhulkaa dheer, doorasho hadduu diidana cid asaga u dagaalamysa ma haysto, waxaa asaga u roonaan lahayd xiligiisa goortuu dhammaado inuu sida Cadde Muse sharaftiisa inuu ilaashado iyo sumcadiisa oo doorashada wax ka galo haduu helana nasiib haduu waayana doorasho waa la waayi jiray haddii kale dhibaato iyo sharaf xumo ayaa hubaal ah inuu ku dameynayo.

  4. Wiil Geesi says:

    Waar Heedhe, Faroole waa la ogyahay Sida uu ku soo koray Kursiga, si khaldan ayuu ku yimid, oo waa Kii lagu eedeeyey in uu weeraray Parlamaanka Punt Land. Lakiin Hadii aan la kala roonaan Roob ma daó. 1 sanno waxba maaáhaa. Faroole waxaa uu Qalin kaga adkaaday Dowlad Ku sheega DKM. Garoowe ayuu iskugu keenay Dowlda Federalka & Ergeyga UN, iyo Safiirada Djabuuti, Kenya, Ethiopia iwm.
    Marka ha qabanina Cagahaa ee 1 sano iyo 2 sanoba waa la sugi karaa inta Dastuurka Qabyada ah ee DFK la hirgelinaayo suga, Inkaar aa qabtaane. Waa Tii oo kale aad Abdulahi Yusuf ku weerarteen isaga oo ay is heystaan Cabdi Qaasim & Iljeex

  5. ody qardho says:

    run aahnti farolle dalka qas ayuu o horsedaya lkn ani waxn leyahy ninkan ilahy sharkisa hanaga qabtoh mida kale dastuur malmo lago ansixinayoh aan laga firsan dhib wayn ayu gadaal ka kenya mida kale farolle dastuurka laba gary sa ma waxu raba ino nago mashqoliyo dastuur bal horta xilka ka dag dastuurka markas ka dib ayn arkayna anag labo asbuc aad waregty niyad nogo dhisi maysid inti xilka lago dorty ma hada ayad nays kentosaysa markad argty inu xilkaga dhmanayoh fadln hadadn donyn inad dhimatoh si raxe leh xilka uga dag dagal wiil kuma dhashoh ee wiil aya ku dhintah waxd cuni kartoh contay ee xilka iskaga tag wa farin nafsadyda ka sacotah

  6. Wiiil QARDHO says:

    FAROOLE HA OGAADO WIILKASTA OO DHAAWAC SOGAARAY IN KUWIISA UU DHALAY LOOGA ARAAYO KUU DILONA ISKABA DHAAF. FAROOLE WAXAN USHEEGAYNAA HADUU FIDNADA JOOJIN WAAYO IN UU MARAAYO WADADII CONEL QADAAFI UU MARAY ADEER ANAGA NABA QASBI KARTID WAX XARAAN AHNA HANOOLA IMAAN.

  7. All puntland says:

    tusaale inagu filan waanu haysanaa hadii caqligu shaqeynayo .nabada iyo midnimada waa in ladhowraa oo aan fowdo meesha lagadhalin. maamulka waain uu shicibkiisu dhageystaa shicibkuna waa in uu ugag dambeeyaa talada.caqligu waa in uu shaqeeyaa.

  8. ma xuma in dastuurka laga horyimaado laakiin waxaa fiicnaan lahayd in la caddeeyo sababta, loo diidayo,
    waxaan iyaduna meesha qaban in maalin walba dad ku baaba’aan ummadna lagu xasuuqo waxaan macne lahayn ama dano shakhsiyaad wataan,

    midda kale su’aashu waxay tahay, dastuurkii hore ee puntland ma lagu dhaqmaa inta aan mid cusub la gaarin? anigu waxaan arkaa inta waraaqaha meelaha lala dhahab dhahab leeyahay dadka wax ha loo qabto hana la caddeeyo hantidii xoolihii dadwaynaha sidii loo maareeyey iyo wixii lagu qabtay,

  9. yoonis says:

    shacabku uma joojinayaan xataa hadii laysku dayo in xabad lagu aamusiyo, shacabku xaq ayay u leeyihiin inay fakarkooda dhiibtaan, dastuurka qofkasto ayaa raba waa hadii sharci xalaala lagu meel marinayo laakiin, kan faroole doonayo inuu dadkooban oo uu isagu jeebkiisa kala soo baxo uu shacabka ku qasbo kaas WAAN DIIDNAY DIIDNAY DIIDNAY nimankii dhawacay dhalintana waa in sharciga lasoo taaga waa hadii wanaag la rabo

  10. WADANI says:

    DASTUUR KHASAB KU FAAFAYA MA JIREE , FAROOLE MAAD XAQIIQADA FAHANTO. XILKII DHAMAA WAX YAR AYAA HARAY WAXAA CUNTAY CUNTAY,WAXAA QASTAY QASTAY WAAN DULQAADANAY MAANTAY DULQAAD DHAMAA.

  11. Yuusuf says:

    Booliska iyo ciidanka shaqadoodu waa cidii amaanka ku ciyaarta inay shar ciga horkeenaan

Leave a Reply