Shir Saxaafada lagu hormarinayo ayaa Qardho lagu qabtay

July 20, 2012   //   Warar Somaali

Shir ay isugu yimaadeen Saxaafadda Gobolka Karkaar ayaa looga hadlay Sidii loo hormarin lahaa saxaafadda ka jirta Gobolka.


Shir ay isugu yimaadeen Saxaafada ka howlgasha magaalada Qardho ayaa waxa ay ugu hadleen sidi loo hormarinlahaa saxaafadda ka jirta magalada Qardho.
Shirkaan oo ahaa mid qaatay waqtibadan ayaa lagu lafaguray sidii isbadal loogu sameynlahaa dhaknka warbaahinta magalada Qardho,waxa ayna isla garteen Saxaafadii ka qeybgashay kulankaani in ay waajib tahay sidii looga qeybqaadanlahaa in magalada Qardho laga hergaliyo FM ugaar magalada Qardho,waxaana kulankaan laga soo jeediyey in Jaaliyadda Reer Qardhoodka ku sugan dalka dibadiisa in la gaarsiiyo in magalada Qardo ay u baahntay idaacad FM ah oo u gaar ah.

Magalada Qardho ma lahan wax idaacad oo si gaar ah ugu hadla danaha dadka ku nool magalada Qardho,waxaana ka furan xarumo warbaahin oo goobo kale laga maamulo,waxa ayna shacabka ku qabaan dhib aad u weyn oo ku aadan in idaacadaacadahaas ay ka maqanyihiin Hawada mararka qaarna si cod hoose magalada loogu dhageysto.
Kulankaani ayaa sidoo kale looga hadlay in Shirkaddaa Isgaarsiinta ka jira Gobolka ay ka gaabiyeen taageerid la’aanta saxaafadda ka hanaqaatay gobolka oo u baahan in lagarab istaago ayaa taasi waxa ay keentay in shirarka iyo Tababarada ka dhaca deegaamada Puntland aan xitaa xisaabta lagu darsan in saxaafad ay ka jirto Magalada Qardho,waxa ayna soo saareen baaq ku aadan in lala xisaabtamo cidwalbo oo meel ugu dhacdo Saxaafadda ka hanaqaaday Magalada Qardho.

Shirkaan oo ahaa mid si weyn loogu hadalay arimo badan oo quseeyo hormarinta saxaafadda ka jirta magalada Qardho,ayaa si kulul looga hadlay in Jaaliyadda ka soo jeeda magalada Qardho ee ku sugan Dibadda in ay hilmaameen in ay wax ka qabtaan arimaha saxaafadda magalada Qardho.

Ugu danbeyntii waxaa la isku raacay in tabarwalbo oo lagu qabanayo Deegaamada Puntland oo ku saabsan dhanka saxaafadda in ay ka helaan miisaankooda hadii kale ay qaadi doonaan Talaabooyin ka dhan ah cid walbo oo soo agaasintay Tababarka noocaas oo kale.
Waxaana baaq loo diray Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland oo ma’ uul ka ah Saxaafadda ka jirta Deegaanada Puntland in ay la socdaan Sida ay gobolada ugu soo qeybgalayaan Saxaafadda ka jirta Gobolka walbo,kulan walbo oo loogu hadlayo danaha saxaafadda ka jirta Puntland.
Waxaana ka soo qeybgalay kulankaani saxaafadda ka howlgasha magalada Qardho.

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Kaarshe says:

    Waa arin fiican in idaacad loo helo qardho laakiin waa nasiib daro qardho maanta ineysan idaacad lahayn not only idaacad qardho waxay ubaahan tahay wax kasta oo magaalo ubaahan tahay waxay ghost town oo dayacan dadna aan lahayn hana qoto qurba joog AMA guda joog kuligood I mean reer qardhood waxay ku heshiiyeen magaaladooda inaysan waxba u qaban dadkooda tabaaleysan waxba u qaban,is dilaan,is nacaan,bakheylaan, is xasdaan,kala cararaan sida ii muuqata reer qardhood lama jaan qaasim karaan mujtamaca maanta kunool puntland iyo hareerahooda marka waxaa iga tala ah in qardho aynu ku wareejino dad jir naxa kuyaalo,kala dambeeya, is jecel waxna wada qabsanaya idinkuna u kala guura garoowe iyo bosaaso si aad u noolaataan hadii kale waad dabar go aysaan hadaad qardho sii fadhidaan waa iga talo wabilaahi tawfiiq

Leave a Reply