Qisaas Qardho ka dhacday {Dhagayso}

June 7, 2012   //   Warar Somaali

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Qardho saakay lagu qisaasay marxuum la oran jiray Qalwe Adan Ali Nuur. 

Ninkan dilka lagu fuliyey ayaa dhowr casho ka hor dil u geystay marxuum lagu magacaabi jiray Jimcaale Axmed Cismaan.

Ehelada marxuumka saakay la toogtay ayaa ku wareejiyey qoyska reerkii wax laga dilay, si waafaqsan sharciga diinta Islaamka.

Maamulka degmada iyo dadweyne faro badan ayaa goobta qisaasta maanta ka dhacday ka qayb galay, iyadoo dadweynihii goobta tagay ay sheegeen in ciddii wax disha hada kadib tiirka lasoo taago si dilka iyo dhibaatadu u yaraato.

Dhagayso Duqa degmada Qardho Maxamed Saciid Ciise Hogaama-laroor oo dilka ka hadlay

Play

Waa qisaastii kowaad ee Qardho ka dhacday muddo 5 sano ah, waxaana talaabadan lagu fasiray mid hoos u dhigeysa dilalka bilaa macnaha ah ee mar mar ka dhaca magaalada Qardho.

Dhanka kale jawiga guud ee magaalada ayaa degan iyadoo Qardho ay ka jirto nabad buuxda, xilli dadkii ugu badnaa ay sanadkan uga soo xagaa baxeen magaalada dekeda ah ee Boosaaso.

Puntland-News-24

Qardho, Somalia

COMMENTS

RSSComments (10)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. cabdulahi says:

    Allah ha u nazxariisto labada ninba ehelada iyo qaraabadana samir iyo iiman Eebe haka siiyo dhamaan.dabcan sidaas aya sharciga na faraya maslaxadana ku jirtaa, waayo marka sharciga sida uu nafarayo aan raacno oo wax ku xalino waxa imanaya is waafaqsanantas,nolol ama qof aan asagu waxba galabsan in aan layska dilin, nabada iyo xasilooni, iyo sidoo kale naxariista Eebe Adinka iyo Aakhiroba. mar kale Allah ha unaxariisto labada nin anagana samir iyo iiman Alle hayna ka siiyo.aamiin.

  2. allaha u naxariisto labada ninba geeriduna waa xaq laakiin ma aha in aad soo sawirtan puntlandnews24.com waayo ninkan eheladiisa iyo qof walo diirnaxaya aad ayu uga murugoonayaa inkana fadlan kasaara

  3. @ farah funny bad tahay web kan muxu ku dhimay wadan ki bu kaga so waramata sacad walba shaqo fican bay no hayan walalo qardho na wa meel puntland ka mid ah ri.hadi la so shega maca wa loo bahanyahay xitaa wax lagu mashquulo kkkkkk

  4. Alaha u naxariisto labadaba kolay ma banana dhiig muslin lakin shaecigu sas bu qaba ilahay u so dajiyay, wana lagu kala baqin . Qofki qof dila hali dilo!!! Dhibataduna wa taraan iyo qabyaalda insha.allah alaha naga yareeyo dilka bula macnaha noqday ee aan dhanayn

  5. Walaal Farax ducadu waa wax fiican ee labadaba u ducey.Midda kale nin gacan ku dhiigle ah marka qisaas lagu dilu dambigii dilku waa ka dhacayaa sida aan maqlay.Arrinta soo dhaweynta mudan baa wexey tahay qisaasta maanta ka dhacday Qardho,waxana aan filayaa haddii dadka caadeystey in ey dilaan naf Rabbi abuuray ogyihiin in inta lasoo qabto tiirka lasoo taagayo kuma eysan degdegeen jariimadda.Waxa aan ka codsanayaa reer Qardho in howshaas fiican oo ey maanta bilaabeen noqoto mid xeer ah oo lagu socdo weligeed maadaama Qur’aabnku ina farayo sidaa,Wabillaahi Towfiiq.

  6. Wiilkii-Raaska` says:

    Waxaan la fajacsanahay xanuunka haya Soomaali badankeed ee xumaan-jaceylka ah. Ragga falkan ku eegaaya caloosha xanuunsan ee ama ciidda qardho ka sheekeynaya ama ku sheekeynaya ereyada aanan habooneyn ee looma ooyaan, waxaa odhan lahaa walaalayaalo dhibaatadiina ka heysta mujtamaca. Soomaali waxaa dhib ugu filan inta heysata. Nin walbana gurigiisa waa uu gubanayaa. Qisaastu waa arin xaq ah oo Rabbi uu inooga waajib yeeley. Haddii dadkii ay shiddadu dhexmartey ay ku heshiiyeen sidaas, weliba iyaga oo ku taagan aayad quraan ah, billaahi caleykum maxaad ka heleysaan fitno sii socota.
    Tan kale Qardho waa magaalada keliya ee laga helayo nin wiilkiisii oo mooryaanoobey u toogtey qisaas. Sharaf ayay u tahay degmada iyo dadkeeda. Taariikhdana waa ay xusi doontaa wanaagga ay degmadana dheer tahay, weligeedna ay dheereed Soomaalida.

  7. qadar says:

    waan idin_salamay salan kadib,Ilaah cafiyo dan_bilaha la togtay,tan kale meeshan togashada ka dhacaday u malayn mayo inay Qardho tahay waayo Qardho caradan cad malaha hadaan magaloyinka xeebaha u dhow nin kan lagu togan ama carada la keenin Qardho.

  8. ahmedpunt--------------- says:

    waa arrin wanaagsan oo runtii dhalinkarta nabadgalyo taama oo qofkii wax dili lahaa aay u noqoto quus waayo qafku hadduu isleeyahay diyaa lagaa bixinaayaa si fudud buu wax u dilaayaa waayo cabsi kadambeeysa majirto oo waxuu qofku isku helleenayaa tolkaa baa magta bixinaaya shilin shilin maxaa kaa galay.marka waxaan leeyahay qofkii wax dilla yaan xoolo laga bixin oo dadka si cadaalada hallooqisaaso yeesan arintu noqonin looma ooyaan.anigu kollay u duceen maayo gacan kudhiigle la dilay.

  9. farax says:

    allaha u naxariisto marxuunka dhintey maanta iyo kuu horey u dilaeba. lkn waxaan rabaa inaan ogaado webkaan qardho hadey ri,ay ku dhimato wuu sheegayaa tolow ma qardhaa laga leeyahay.

  10. SAINAB says:

    well done! gacan ku dhiigle abaalkiis waa dil!!! Anagu in aan u ducayno weeye…eebe ha u naxariisto marxuumka la dilay iyo kan la qisaasay!!

Leave a Reply