“Qorshaha hadda iguma jirto inaan isku soo sharaxo xilka madaxtinimo ee Puntland”Ra’isal wasaarihii hore Dr Gaas
October 24, 2012 // Warar SomaaliRa’isal wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr C/welli Maxamed Cali Gaas oo dhowaan soo gaaray deegaanada Puntland, kadib markii xilka uu ku wareejiyay ra’isal wasaare Shirdoon ayaa ka hadlay imaatinkiisa Puntland.
Isagoo la hadlayay warbaahinta gudaha ee Puntland ayaa waxaa uu ka hadlay soo dhoweyn balaaran inuu kala kulmay magaalada Gaalkacyo iyo deegaano katirsan gobolka Mudug oo booqashooyin kalle duwan uu ku maray, isagoo la kulmay shacabka iyo qaybaha kalle duwan ee maamulka iyo bulshada.
Dr. Gaas ayaa xusay degmada Goldogob ee gobolka Mudug inay ka mid tahay goobaha uu booqday, isagoo la kulmay shacabka iyo maamulka degmada uu kala hadlay horumarinta deegaanka iyo ka qaybqaadashada horumarka gobolka Mudug.
Mar la waydiiyay hadal hayn ka jirtay gudaha Puntland oo ahayd inuu Puntland u yimid sidii uu isu sharaxi lahaa doorashada madaxwaynaha Puntland ee soo socota ayaa waxaa uu yiri.
“Aniga gobolkaygi ayaan imid maxaa su’aashaas keenaya anigu la igama maqal musharax baan ahay, meel aan ka iraahday ma jirto, gobolkaygi ayaan imid dadkayga iyo dalkayga ayaan dhexmarayaa farxad bayna ii tahay inaan kusoo laabtay wax la qaybsado waxa ay ku noolyihiina aan ogaado dhul badan baana mari doonaa oo gobolka katirsan, su’aashaas aad hadda ka dhawaajisayna qorshaha hadda aniga iguma jirto” ayuu yiri Dr Gaas.
Mar la waydiiyay khilaafka sharciga ah ee ka dhex aloonsan siyaasiyiinta Puntland iyo musharixiinta xilka madaxwaynaha Puntland sida uu u arko ayaa waxaa uu yiri.
“Barnaamijkaasi wax anigu hadda si gaar ah ii quseeya ma’ aha, dadka Puntland bay u taalaa iyageena u taalaa nabadooda inay ilaashadaan oo ay ka fogaadaan wax walba oo khilaaf iyo dhibaato keeni kara” .
Ra’isal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas hadana ah xildhibaan katirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli uu dhowaan soo gaaray Puntland isagoo soo dhoweyn aad u wayn kala kulmay shacabka Puntland ee gobolka Mudug.
PN24
Garoowe.



the most valuable resourse that any nation has is its people,
puntland waxaan aad u jeclahay inaan dhib iman oo si fudud wadada laysugu baneeyo meshana nabadeeda la dhowro puntland hormar wayn kama muuqdo dhanka degaanka iyo astaamihii mamulnimo dowladana mawada gaarin dhulkaas marka laga reebo garowe bosaso galkacyo iyo qardho dadkuna ma ukala mudna kiihogaan unoqda ee nabada baa uga muhima ah