Qorshaha Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland [Faallo]
October 17, 2012 // Warar SomaaliXildhibaanadda golaha Wakiilada Puntland oo ka kooban sharci ahaan 66 xildhibaan ah ayaa waxaa si rasmi ah loo ansixiyey 09/12/2008, markii Madaxweynihii hore Gen. Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde Muuse) uu ansixiyey ka dib markuu arkey Lifaaqa Labaad ee Dastuurka Puntland ee mududa ku meel gaarka ah ee 28/10/2008.
Markuu arkay kala saarida dowladaha, hubiyeyna qoraalada asalka ah ee ugu dambeyntii soo saxiixeen Issimada & Cuqaasha Beelaha, ayaa waxaa lagu ansixiyey Xildhibaanadda golaha wakiiladda Puntland ee ka koobnaa 66 xildhibaan.
Puntland ayaa waxa ay u qeybsadeen xildhibaanadda Golaha wakiiladda 7 Gobol, inkastoo goboladaasi qaar ka mid ah Maamulka hadda jira uusan ka talin isla markaana uu ku guuldareysay in uu soo celiyo, hasse yeeshe wakhtigii doorshadda ka mid aheyd balanqaadyadii lagu doortay soo celinta Laasacaanood.
1. Bari iyo Karkaar 21
2. Sool iyo Cayn 15
3. Sanaag 11
4. Mudug 10
5. Nugaal 9
2 Jan 2, 2009 ayaa waxa ay si rasmi ah u doorteen in Gudoomiyaha Golaha wakiiladda Noqdo Mudane. Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo ka soo jeeda Gobolka Mudug.
Xildhibaanadda ayaa loo dhaariyey in ay xilka hayaan mudo afar sanno ah, balse arintaasi oo dhan waxaa shaki geliyey Gudoomiyaha baarlamaanka oo sheegay in 5 sanno la doortay, taasina ay keentay in khilaafyo ka dhashay baarlamaanka laga saaro xildhibaano ka soo jeeda Gobolka Sool.
Golaha wakiiladda waxa ay xilka joogaan mudo ku dhow afar sanno oo ay uga harsan tahay dhowr cisho keliya, iyadda oo arintaasi ay jirto ayaa waxaa soo baxaya wararka sheegaya in 66 Xildhibaan qaar ka mid ah oo ka soo jeeda goboladda Puntland ay damacsan yihiin in ay 30-october-2012 ay ku dhawaaqan in wakhtigii ka dhammaaday.
Liiska xildhibanadda waxaa ku jirin Xildhibaano qaarkood la dilay,kuwa dalka isaga cararay,kuwa xilkii laga qaaday wallow aanu jecelnahay in aanu isku dayno in aan idin soo gudbino dhammaantood..
17/04/2010 waxaa Garowe lagu dilay Ibraahim Cilmi Warsame oo ka soo jeeday beesha “Nuux Jibraahiil” cidii dishay illa iyo hadda sharciga lama keenin, wallow rag loo qabtay la sii daayey.
27 Jan 2012 waxaa degmadda Bargaal ee gobolka Bari lagu dilay Bille Maxamuud Yuusuf oo ka soo jeeday Beesha “Sawaaq Roon” kaas oo illa iyo hadda aan cidna loo hayn dilkiisa.
Janaayo 5, 2010 waxaa lagu dilay Bosaso Cabdullaahi Cali Cusmaan oo ka soo jeeday beesha “Dashiishe” cidna looma qaban illa iyo hadda.
6 Aug 2012 waxaa gudaha Caasimadda lagu dilay C/salaan Shiikh Maxamuud oo ka soo jeeday Beesha “Cali saleemaan” cidna dilkiisa looma hayo illa iyo hadda.
16 Oct 2012 waxaa lagu dilay Galkacyo C/raxmaan Axmed Xaaji oo ka soo jeeday Beesha “Meheri” cidna looma hayo dilkiisa illa iyo hadda..
Guuxa Xildhibaanadda
Magaalooyinka waa weyn ee Puntland waxa ay ka wadaan guux weyn wallow ay jiraan xildhibaano ka helay balan qaad Madaxweyne Faroole kuwaas oo ka codsaday in aysan is casilin, dhawaan ayeey aheyd markii qaar ka mid ah xildhibaanadda ka soo jeeda Gobolka Bari ay ka baxsadeen Garowe, ka dib markii la sheegay in hanjabaad ay uga timi Madaxtooyadda.
Xildhibaanadda ka cararay Garowe ayaa u sheegay Saxaafadda in ay naftooda la cabsadeen, wallow qaarkood wararka aanu helayno ay sheegaan in ay dalka isaga baxeen. Halkan ka akhriso.
Xildhibaan C/wali Muuse Shire oo ka soo jeeda Gobolka Mudug ayaa dhawaan waxa uu sheegay in ay tahay nasiib daro in Xildhibaanadda ay ku doodaan 5 sanno ayaa kursiga joogeynaa, isaga oo taasi ku tilmaamay in ay tahay mid lagu tumanayo Sharciga. Halkan ka akhriso.
Shakiga kale ee weyn ayaa ah in Gudoomiye ku xigeenadda gudoomiyaha Baarlamaanka ay qeyb ka yihiin Xildhibaanadda la filayo in ay ku dhawaaqaan in wakhtigii ka dhammaaday, taasina waxa ay meesha ka saareysaa rajadii aheyd in Xukumadda ay kursiga ku sii fadhiso 1 sanno oo dheeraad ah.
Guuxa Xidhibaanadda ayaa sidoo kale waxaa laga dareemayaa iyagga oo beelaha ay ka soo jeedaan u gudbiyey qoraal ah in ay booska keenaan dadkii bedeli lahaa Xildhibaanadda hadda jooga.
waxaa odayaasha iyo waxgaradka Qardho ay bilaabeen in ay soo xulaan xildhibaanadii bedeli lahaa kuwa hadda ku jira golaha wakiiladda, wallow ay horey ragaasi u gudbiyeen qoraal ah in ay odayasha soo gudbiyaan. Halkan ka akhriso
Shirarka Beelaha
Waxaa ka furmay magaalooyinka qaar ee Puntland shirar ay leeyihiin beelaha oo ay ku doonayaan in ay ku soo gudbiyaan xildhibaanadda golaha wakiiladda iyo weliba sidii ay u muujin lahaayeen in Puntland ay u baahan tahay badbaadin iyo in doorshooyinka aan dib looga dhigin 8-January-2013.
Shir maantay ka furmay Degmadda Dangoranyo oo ka tirsan Gobolka Nugaal, ayaa waxaa si rasmi ah loo shaaciyey in shirka uu beri guda geli doono ka hadalka arimaha cakiran ee dalka ka taagaan.
Shirkaas ayaa waxaa leh beel ka mid ah Beesha Ciise Maxamuud ee uu ka soo jeedo Madaxweynaha Puntland ee hadda Dr. Faroole wallow booqsho uu ku tagay Degmadda EYL dadka degaankaasi ay u sheegeen in aysan raali ka aheyn in uu mudo kororsi sameeyo.
Shacabka ayaa taasi sababta uga dhigay in Madaxweynaha oo ku dhashay Degmadda EYL kuna soo barbaaray aysan jirin wax uu ka qabtay marka laga reebo in uu ka hirgeliyey Idaacadda FM ah dowlada Federaalka Somalia Puntland ugu deeqday, laakiin la taliyaha dhanka saxaafada madaxweynaha ayaa u weeciyey EYL, laakiin idaacadaasi oo markii dambe is xirtay. Shirka Dangoranyo Halkan ka akhriso.
Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Qardho 20-October-2012 ee aanu ku jirno uu ka furmo shir ay yeelanayaan Waxgaradka Beesha Cismaan Maxamuud kaas oo looga hadli doono sida wararka aanu ka helayno Qardho ay sheegaan arimo badan oo la xiriira Siyaasadda Soomaaliya iyo gaar ahaan tan Puntland.
Waxaa halkaasi gaaray in badan oo ka mid wafdiga shirka ka qeyb gali lahaa kuwaas oo sida gudiga shirka ay noo sheegeen ka kala yimid goboladda dalka iyo dibaddaha , wallow qeyb kalena la sugayo inay halkaasi gaaraan. Halkan ka akhriso Shirka Qardho.
Hadii mar beelaha ay leeyihiin shirar oo ay ku doonayaan in lagu bad baadiyo Puntland maxaa la gudboon Gudoonka baarlamaanka iyo weliba Xildhibaanadda kale ee siyaasad ahaan aaminsan in wakhtiga loo kordhiyo.
Qeybta 2aad la soco oo aanu kaga hadli doono Arimo badan.
Yuusuf Xaaji
Puntlandnews24
Editorial



adeer ninka xayir la baxayow adeer waxba ha is wareerin meeshaan wax dagaalamaya ma jirane xaalkagu waa sagaaradii bada ku kadidey naceeda bay warisey kkk waxad jeceshay uun baa sheegtaye ee waxba dadka halkaa degan ku yeeli meysid dadksina waa dad waxaas mar hore ka gudbey alla anaga koriyey ee adeer is daji caqli xumo baahsan ayaa ku haysee adaa heleya waxa aad la jeceshay umad nabdoon oo horumar gaartay hadii aad la jeclaatey dhib iyo dagaal waa wax aad adigu heleysid
Haddaan meesha dhagar iyo khiyaamo ku jirin MP seejada uu sheeganayo SNM ka taliso maxaa PL u haysataa.
Faroole,Indhaha wax kama arko,Ee dhegaha Ayuu wax ka maqlaa,Sidaan og nahay Puntland waxa ka fayoow Caasomadda intii kale Farihiisa waxaay ka baxdaay,ma wuxuu Doonayaa inuu Caasimadda ku Dagaalamo,Sidii Aabihiis Afwaayne,oo 17 Gobol intuu soo bur buriyey,Caasimadda ku Dagaalamaay,Mise sida Muqdisho ayuu Doonayaa in Caasimad kaleeto Reer Puntland Samaaystaan.Waa laga khasban yahay haddii Beeshiisu ku raacdo,Garowana Faroole haka maamulo Burcad Badeediisa ,Afka xabad haaw Geliyeene,Markii Caalamku Cunaqabateeyo??