Ra’isul wasaare Cabdiweli oo maanta u dhoofay dalka Kenya [Sawiro]

June 19, 2012   //   Warar Somaali

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, ayaa maanta ka dhoofay garoonaka diyaaradaha ee Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho, Isagoona ku wajahan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo maalinta bari ah shir looga hadlayo Arrimaha Roadmap-ka ka furmi doono. waxaana Ra’iisul Wasaaraha socdaalkiisa ku wehlinayay qaar ka tirsan golahiisa Wasiiradda.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa warbixin ka bixiyay socdaalkii ku aadan Magaalada Nairobi, Wuxuuna sheegay in socdaalkiisu uu yahay shir maalinta bari ah kaga qeyb galayo saxiixayaashii Roadmap-ka ka furmi doono Magaalada Nairobi kaa oo lagaga hadlaya arrimaha gedi socodka nabada ee Roadmapka, iyo Dhameystirka iyo soo afjarida xilliga Kumeel gaarka ah.

Wuxuuna intaa ku daray in Roadmap-ka uu meel wanaagasan marayo hormar badana laga sameeyay islamarkaana xusay in waxyaabaha kale oo ka dhiman la dhameystiri doono, taana waa mida hadda uu socdaalkeyga ku wajahan yahay sidii loo dhameystiri lahaa waxyaabaha ka dhiman Roadmap-ka.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay shirka inuu socon doono mudo labo maalimood ah, wuxuuna xusay inuu rajeynayo iney ka soo baxaan wax Umadda Soomaaliyeed aayaheeda dan u ah, si wanaagsan oo guul ahna uu ku dhamaan doono.

Puntland News-24

Xigasho: OPM

 

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply