digg icon delicious icon

R.W. Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika (Sawiro)

February 8, 2012   //   Warar Somaali

Muqdisho, February 8, 2012—-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub Alexander Rondes oo ay la socdeen Madaxa EU ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale. Kulankan waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Difaaca Mudane Hussein Arab Isse, Wasiiru Dowlayaasha Arrimaha Dibedda iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horreyntii soo dhoweeyey Ergeyga gaarka ah ugana mahadcelinayey imaatinkiisa Muqdisho kana codsaday in EU ay labo jibaarto dadaalkooda ku aadan sidii Shacabka Soomaaliyeed loogu heli lahaa nabad iyo amni waara. Waxey kaloo si gaar ah uga hadleen qorshaha iyo istraatejiyada Dowladda Soomaaliya ee ku wajahan goobaha iyo gobolada laga xorreeyey Al-Shabaab si shacabkaas loo gaarsiiyo adeegyada bulshada iyo gar-gaarka bani’aadanimo, lagalana shaqeeyo sidii shacabkaas ay u sameysan lahaayeen guddiyo amni iyo maamul ay iyagu doorteen.

Kulankan waxaa sidoo kale looga hadlay shirka London iyo sidii ay beesha caalamka ay hal meel uga soo wada jeesan lahaayeen xal u helidda arrimaha Soomaaliya, oo kulanka aad looga qiray inay jirto fursad dahabi ah oo Xukuumadda ay ku guuleysatay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin amniga iyo xasilinta waddanka.

Ergeygan Gaarka ah ayaa dhowaan Midowga Yurub u magacaabeen inuu wakiil uga noqdo Geeska Afrika oo uu sheegay inuu mudnaanta siinayo Soomaaliya. Waxaa muuqata dadaal weyn oo ay caalamku ugu soo jeesteen arrimaha Soomaaliya ka dib markii Xukuumadda ay guulo waaweyn ka sameeyey dhan walbo sida amniga, dastuurka cusub, dib-u-habeynta baarlamaanka, xiriirka maamulada iyo Dowladda dhexe iyo maamul wanaaga.

—-Dhamaad—-

Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
             +252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

RSSComments (2)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. eng yariisow says:

    adeer adi lagu ma dhihin daka cay maxad karabtaa ninka

  2. Cigaal says:

    Raysal wasaaruhu waa waa fiican yahay laakiin waxan doqonka ah ee okiyaalaha xirin maxaa daba taagay yuu ka ilaalinayaa daka securitiga ah banaana in ay joogaan waaye war waxan okiyalaha qaba ka kaxeeya daka gadaashooda

Leave a Reply