“Ragga gooddinaya ma qallaa ku jira mise naqtiin bay rabaan?!?!” (Xaashi Yaasiin C. Keenadiid)

December 17, 2012   //   Opinion, Warar Somaali

Ku: Waxgaradka & Isimada Puntland

Ku: Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland

Ku: Mucaaradka Puntland

Og: Qurbajoogta & Qaybaha kala duwan ee Bulshada Puntland

Og: Waxgaradka Soomaaliweyn

Indhowaalaba waxaa isoo gaarayay arrimo aanan maqalkooda jeclaysan oo ku saabsan Puntland. Waxaan in badan nafta ku qancin jiray in arrimahaasi aysan ahayn kuwo halkaas ka dhici kara. Qodobbo dhawr ah ayaa sal u ahaan jiray isqancintaydaas. Qodobbo runtii aan ku salaysnayn qiiro shakhsiyeed, faan indhola’ amaba burur iyo jidbo ka dhashay saarka rooxaanta.

Ugu horreyntiiba, waxaan qofna inkiri karin, dawrkii lafdhabarka ahaa ee wadaniyiintii goboladaasii, ay ka soo qaateen halgankii gobanimadoonka iyo dhalashadii qaranka Soomaaliyeed. Taas macnaheedu maahan inay soomaalida kale ka caqli badan yihiin ama ka waddanisan yihiin.

Intaan gumaysigu dalka imaan ,waxay gobollada Puntland (dhulkii udugga) lahaayeen maamullo Saldanooyin ahaa: dhul,dad,ciidammo, nidaam, xukun, calammo iyo shaabadaba. Markii gumaysigii fashiistada Talyaanigu uu saldanooyinkaas xoogga ku burburiyey (1924-25), ayay bilaabeen inay gadoodaan oo ay fallaago noqdaan, ugu dambaystiina ay hormuud ka noqdaan dhalashadii xisbigii SYL – ee waddaniyiintii soomaalidu intay ku midoobeen, xornimadii keenay.

Sooyaalka waddamada adduunka haddaan dib u jalleeco, halgamadii gumaysi-la-dirirku hadba gobol, degmo ama tuulo ayay ka bilaaban jireen, illaa dadkaas la haysto, badankood ay marka dambe isku aragti iyo mawqif ka noqon jireen iska dhicinta gumaysiga. Waddan walba waxaa ka jiri jiray kooxo ama qabiilooyin isticmaarku khaldi jiray – isagoo u tusi jiray in halgamayaashu ay rabaan inay dhulalka qabiilooyinka kale qabsadaan.

Taas markaan kasoo gudbo, waxaa jirtay in markuu bilawday soomaali-gariirkii (Somali quake) 1991kii, oo ay soomaalidu isku rafatay, in soomaaliweyn ay u qaybsantay wax dhintay,  dhoofay ama dhulkii ku haray iyagoo dhakafaarsan.

Haddaba, dhibaatooyin fara badan iyo oroddo dhaadheer (Marathons) keddib, waxay Puntland ku guulaysatay inay wada fariistaan oo ay samaystaan maamul, nidaam iyo kala dambayn ay ku sii sugaan inta qaranimadii Soomaaliya ay soo noqonayso.

Arrintaas oo runtii dadkii goboladaas iyo kuwii gobollada kaleba u noqotay badbaado. Marakan Rooxaanta soomaalida noocyadeeda kala duwan baa ku nool ama ka shaqaysta Puntland.

Maanta Puntland waxay soo gaartay inay kaalin wax-ku-ool ah ka qaadato diyaarinta dastuurka federaalka iyo Roadmap(yadii) Garoowe ee I & II. Waxay u jeensatay oo ka go’an inay ka gudubto ku dhaqanka Rooxaanta (alyacni :awooweyaasha iyo ayeeyooyinka lugu abtirsado) oo ay u gudubto nidaamka xisbiyada. Waxay tusaale ku dayasho mudan u noqotay gobollada kale ee Soomaaliya.

Haddaba arrimahaas farxadda iyo qiirada soomaalinimada ku gelinaya iyo guuxa hadda kasoo yeeraya baa isu kay qaban kari waayay!!!

Puntland waxaa soo maray maamullo kala duwan. Waxaa soo maray isku dhacyo,Isfahanla’aanno iyo isu tanaasulid la’aanno ka dhalan jiray markay dadka qaarkiis rooxaantu ku kacdo! Rooxaantu markay kugu kacdo, caqliga, garaadka, xiska iyo maankuba midna ma shaqayn karo!!!

Bal dib haloo xusuusto, inta dhallinyaro iyo rag ku naf waayay waagay Jaamac Cali Jaaamac iyo Cabdulaahi Yuusuf Axmed (AUN) rooxaantoodu isa shuuftay!!! Keddib, rooxaantu waa heshiisay, iyadoo laysku qancinayo maahmaahyadii kala ahaa – “Carrab iyo ilko…….” Iyo “Dagaal waa kaddare, rag is bartaase waa door”. Cid dib isu weydiisay dhallinyaradii ku le’atay ama ku naafowday ma jirin!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Puntland waxay leedahay cadow fara badan oo aan fahansanayn sababtay cadowga u yihiin! Malaha rooxaantaa ugu wacan amaba arrimo gelaya baabul-Xasad(ka). Waxaa jira dad intay tusaale ka dhigan lahaayeen ka door bidaya inay dhabarka ka jebiyaan iyo kuwo laamaha ay ku fadhiyaan faasas ku goynaya, iyagoo is leh geedka (jiritaanka Puntland) wax yeela.

Ragga gooddinaya ma waxay yihiin kuwo aan horay muruqyadooda usoo isticmaalin oo qalle ku jiro baa? Mise waa rag kasoo horjeeda nidaamka xisbiyada iyo dimoqraadiyada oo raba inay dagaaladii rooxaanta naqtiimaan?

Wadeeca Alla, rag weligii waa is qaban jiray waana heshiin jiray, waxaase weli iga degi la’ in ficillo iyo hadallo aan mandaqaddaas laga isticmaali jirin la adeegsaday!!! Xayawaankii baa siyaasadda lasoo geliyay. Dhaqan, anshax, xishood, xeer iyo Diin baa jira. Bal muxuu dhimay dameerku oo sidaas loogu galay? Mid dushiisa “No Faroole!” ku qora, mid xabisa iyo mid sawira!!! Hadday maanta ka warheli lahaayeen qolooyinka u dooda xuquuqda xayawaanku Qardho way xujoobi lahayd.

Ruuxa maanta dameer adeegsaday, sow ma garan karo in isna doofaar loo adeegsan karo!!!  Teeda kale, meeye xurmadii, sharaftii, iyo qiimayntii  ay madaxda iyo xukaamtu lahaan jireen?

Qardho xaal iyo raalligelin baa korkeeda ahaaday… bay aniga ila tahay.

Runtii hadafkaygu maahan inaan maamulka iyo mucaaradka midkoodna aan garta ama eedda siiyo. Sida wax kala yihiin iyo qaladaadka dhan walba ka jira waan u jeedaa.

Waxaan ku talinayaa oo keliya in :

  • Garaadku shaqeeyo oo aan rooxaanta laysku kicin
  • Dib loo xusuusto wixii soo dhacay
  • La eego xaalka hadda Puntland ku sugan tahay iyo halkay higsanayso
  • Maamulka iyo mucaaradku midkood tanaasulo, intii fawdo, burbur iyo dagaallo dhici lahaayeen.

Sidaas ayaa wanaagga, nabadda iyo badbaadadu ku jiraan.

Waxaan Eebbe ka baryayaa in  mirqaanka iyo bururka rooxaaneed ee ragga qaarkiis sida qandhada (Fever) u haya uu Eebbe ka jebiyo xaqana tuso… Aamiin

Waxaan baaqayga kusoo gunaanadayaa oraah ingiriis ah oo aan ugu tala galay inta ku hamminaysa in Puntland burburto:

“Puntland is too big to fail”

 Intaa iyo nabadgelyo

Xaashi Yaasiin C. Keenadiid

hashiyosman@hotmail.com

 

COMMENTS

RSSComments (16)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. abdi says:

    Xashi waan kusalaamay.
    waxaa iigu kaa dambaysay 1974
    waxba isma aad bedelin
    sheekadaan faroole,wiilashiisa,aaranjaan
    iyo dhalintaan yaryar oo ra’yigooda meeshaan
    ka dhiibta kuma fahmi karaan

  2. axmed says:

    asc dhamaan xaashi waa ku mahadsanyahay fikirkiisa xaqiiqda ku saleysan,aniguse reer qardhood waxaan weydiin lahaa maxaad ka faa’ideen wiilashaad ku layseen mucaaradkii c/laahi yusuf puntlandse maxay ka faa’idey?

  3. Qooraansey says:

    Odagu qurbuhuu ku wareeray war Faroole ku xiri mayee iska imow wadanka caanageel oo qarasta kaa buuxda dibada soo dhiga ayaan ku siinaynaa.
    Sharcidaradana garab ha siin.

  4. Laalood says:

    Wehay harka galay qabiilka wahey maxaa horta somali cirigeyga gashay wahey maxaa duulaan danqan damiirkiina ka dhintay dab iigudaray wahey maxaa duul Alle caradiisa ku habsatay heyb iigu daray ciil iyo caro weynaa Allow duulkani damiirkooda usoo celi oo ka yeel kuwa garowsada waxa dadnimadooda usoo celiya aamiin..

    WALAALA layaal noqda kuwa lashaqeeya taariiqdii inadhaafta noqda dad ku waana qaata wixii lasoo dhaafay ee aydan noqon dad waxa kudhacaya ee dhibaato ah indhaha ka laabta oo xumaan un utaagan in ay ka shaqeeyaan qabiil waa qaran dumise inaga daaya bilaahi caleykum .

    ogaada qurba joogey nabadaad hara neysaan waxay ku taagan tahay waa cadaalad iyo sinaan iyo kala dambeyn ayaa loo baahan yahay ee taa aanu kudadaalno.

  5. xaqiiqada says:

    Walaal waad ku mahadsantahey qoraalkaaga wanaagsan inta kugu taageerteyna aad ayey u mahadsanyihiin laakiin waxaan ku darsanlahaa in caddaaladda lagu daro sababtoo caddaalad laaan waxba ma hirgalaayaanwaxwalbana caddaalada ayaa u aas aas ah. Caddaaladdaana waxey u afduubantahey koox yar oo ka tirsan hal family oo marwalba ayagu ah kuwa kaliya oo xukunka Puntland wax laga waydiiyo. Bal taas waxgaradka, suladdammada dhallinyarada iyo culumada beeshaas ha is waydiiyaan.

  6. xaashi ad bad u mahadsanahay masha allah
    waa talo fiican oo dhaxal gal ah midda kale anigu faroole adeer buu yahay waan taageersanahay lkn kuma taagersani inuu dadka xasuuqo Gen.cadde muuse waaguu m/weynaha ahaa dameer baa manta ka hadlaysaa lkn wax ka xun ayaa rer garoowe qori jireen anaa ogaa, marka rer qardho waxkasta hadday qoraan xaq bay u leeyihiin lkn reer qardhood xaq uma laha inay dagaal iyo dhib abuuraan inaga dhan dhibku waa ina wada saamaynayaa rer qardhodow faroole dalka ma leh ciise maxamud maleh lkn dalka waynu wada leenahay nin iyo rer yaan dalka puntland loo dhibaatayn kala saara puntland iyo faroole marka ina dadku fikirkooda cabiraan wa xaq lkn yaan fidno la abuurin fidno ninna dan uma aha hawiye iyo reer koonfur ayaa doonaya inay ina qabsaday oo dowladda inaka bur buriyaan doonaya anigu waxa qabaa sanad wakhti maahan faroole waa istaahilaa sanad iyo wax ka badan lkn sanad waxa ka muhimsan sanad puntland

  7. Mohamed Nour says:

    Xashaa nin libin ka Xasda Xumihi waa yaabe ! aad iyo aad baad ugu mahadcelinaya Qoraaga Xaashi Cismaan xaqiiqdii dhowr jeer oo horena maqaladiisa waan Akhristay Soomaliduna wax ay dhehaan Nin wax qoray isagaa is Qoray , marka caqli iyo maskax saliim ah buu ka hadlay , waayo waxaan qoraaga iskaga fikir ka nahay in maantay Puntland aysan u bahanayn Rooxan cusub oo laysku kiciyo lagana hayaamo Caalimka Rooxaanta loona hayaamo Caalim ka barwaqad iyo wax wada qabsiga Guuleyso Qoraa Sare Allah yaxfadak Ilahay dadkeena ha tuso wadada iyo tubta horumarka aamin …

  8. xaqiiqada says:

    Waxaan u malaynaayey saydkaan in uu dhexdhexaad yahay oo u shaqeeyo si xor ah laakiin waxaan ogaadey in uu yahey mid ku dhissan qabiil oo ay sameeyen dad dantooda qaaska ah wata ee dzan aan puntland u heyn sababta oo ah waxa kaliya oo ay ka hadlaan ceebaha Madaxweynaha Puntland laakiin ma sheegaan ama ma soo gudbiyaan ceebaha kuwii ka horreeyey iyo kuwa hadda soo socda iyo ayadoo nasiib darro ah in hal qolo oo kooban marka loo eego bulsho weynta reer puntland ay taladii iyo xukunnkii dadka afduubin ayaga kaliyana ay marba isu badalaan talada taasoo keentey bur bur iyo is naceyb.

  9. Aaran Jaan says:

    Xaashi C.Keenadiidoow.Ma waxaad nagula talinaaysaa,inaanu ku sax sanaayn Xasuuqaan qardho ka Gaaysanaay Waa yaab?

  10. Muno says:

    Dhabtii taladani waxay u muuqata mid kasoo baxday Maskaxdii Puntland, waana ku mahadsantahay Mudane taladada wanaagsan.

  11. abdihalim jr. says:

    ku dal-jir.
    salaan badan kadib. inj. Aydaruus iyo Xaashi waa wiil iyo adeerkiis. inj Aydaruus waa nin fikirkiisa ku cabiri kara xaalada markaas jirta waliba sida u quruxda badan. hadiise aad ku Af-lagaadaysay Faroole Adm. buu mucaaraday
    ogoow sidaad Faroole Adm. caashaqa ugu tahay isagu uguma jacsana, xaqna waa u leeyhay inuu fikradiisa dhiibto. like everybody else.
    walaalkaa.

  12. Kkkk aduunka waxaa soo jiray nin way n waxtus waxse ha usheegin waad hadashay Xaashi hadal qiimo badan waadna mumahadsanthy xasuusta dheer lkn waxa layaaba inmaalintii waxlatabo oo kiliya lasooxaduusto dadki hore ee dagaalada ku dhibtay AMA ku naagoobay maxa waqtiga kle loosoo xasuusanwaayey dadkaas miyaanay xasuus mudneen waqtiga kle ee aan dhibtu dhicin waxa ayadana layaaba Reer qardhood xaalka waxay kumuteesteen
    Miyaanay dadku masiirkooda kahadli Karin moyaan XOR dadku u aheen inay fikirkooda dhiibtaan waxa kasiidaran dimuqraadiyadu ma waxay noosoohorseedeysay inay dadku ka hadlaan damiirkooda Mise waxay horseed u aheed inaa shacadbaka hadal qabateen lasaaro miyaanay dadku xaq ulaheen inay hadlaan miyaanay fikirkooda dhiibankarin madad shacaba oo mudaharad nabada wada hadi xabad Logu jawaabo maxaqbeey shacabku uleeyihiin .so hadal badani haan mabuuxshe dadkaan iska sheekeenayow oo midkasta hadal oo yaan lakabadin kujirow waxan idin dhihi laha waxa xaqiiqda ah kahadla AMA iska aamusa

    Wabilaahi Towfiiq

    Qormadii qardha mudan

  13. Boowe dadkii xabada lagu xasuuqay kama aadan hadlin qardho, mise dameerkaa ka qaalisan, waa adiga xusay dameer khad lagu dhigay oo xabsiga oolaga mayray, reer qardho iyagaa la xasuuqay markay mudaaharaad nabada ay dareenkooda muujiyeen, boowe raali gelin baa lagaa rabaa

  14. Hussein says:

    waaad ku mahadsantahay, allah ya cizak Mr. Hashi waad tustay shacabka Puntland odoyaasha rooxaanta ku kacday waa in la isku keeno oo fooxa lagu shido Boowayaal shidada naga daaya ee bariiskiina iyo maleeyga naba ku cuna, caruurta hurdada haka kicinina , ee ha isku mashquulina , meel kale ku mashquula inaan dhahno waaye Odayaasha.

  15. Asc walalayal reer puntland dhaman tiin salan kadib waxay ilatahay hadii hadal wax dheef leeyahay xaashi khayr alle hasiiyee dadka reer puntland wuu lahadlay isagoo runtii meelo badan waxka tusay oo xasuusiyeyna wax badan oo xaqiiq ah iyo dhacdooyin badan oo kuwo hore iyo kuwo dhowba leh marka anu waxkaleeto kuma darayo oo aan ka ahayn walalayalow bal intaydaan hoostiina eegin iyo dhexdiina waxa kujira bal hareeri hiina fiirsha oo waxaa nin laguyiri bal waxaas day suu waxa uu yiri idinku waxa kasokeeya daya marka waxaan leeyahay danta guud iyo midnimada iyo wada jirka iyo nabad galyada hala eego oo hala isu tanaasulo allena waxaan waydiisanaynaa inuu wanaaga iyo abshirta iyo maslaxada ina faafajiyo aamiin aamiin aamiin aamiin

  16. Dal-jir says:

    Xashi ilah waxan ka baryayaa in adigo kale dadka puntland ku abtirsada ilaah ka yeelo ,
    waxan u maleenayaa sidaa aad u fakaraysid in yar ayaa u fakaraysa. marka waxan ku soo dirayaa bugadin Reer kanadiid adna waad ka dhalatay CEYDARUUSNA C.Kandiidna waa ka dhashay marka labo qof ooo calool hooyo wada galay ayaan isku mid aheen adna sas ayaad u fakaraysa ceydruusna waad arkatay marka anigo magiciisa ugu mayeero ee waxan ugu yeera(wishy-washy)marka hadu caqli leeyahay
    waxuu garanlhaa dadka oo dabka iskugu dhiibayo,adigana waxaan ku bixinayaa(witty-man).

Leave a Reply