RW: Saacid Oo Hambalyada Ciida U Diraya Shacabka Soomaaliyeed Iyo Kan Dunida Muslimka

October 25, 2012   //   Warar Somaali

Muqdisho, Khamiis, Oct, 25, 2012—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Dr. Cabdi Farax Shirdoon (Saacid) ayaa caawa ummaddaha Muslimiinta Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed hawada u marinaya dhambaal ku aadan farxada Ciidul Adxada.

Baaq ku wajahan Shacabka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha ayaa isaga oo ka faa’iideysanaya fursadan farxada Ciida wuxuu si gaar ah hambalyo ugu dirayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dunida dacaladeeda.

“Umadda Soomaaliyeed waxaan leeyahay kheyrkii bisha Dul-Xaj waa in la badiyo Alle ka Cabsiga, lays Cafiyo, lana walaaloobo iyo in umadda Soomaaliyeed ka shaqayso dib u heshiisiin dhab ah dalkeena ka hirgasha” ayuu yiri Dr. Cabdi Faarax Shire isagoo intaasi ku daray in wadanka maanta uu marayo marxalad cusb oo shacabka Soomaaliyeed ay heleen Dowlad Rasmi ah

“Anigoo ka faa’iideysanaya fursadan Ciida waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii ay u garab istagi lahayeen dowladooda,waxaadna ogaataan inaysan suurta gal ahayn inaan qaadno talaabo lagu xaqiijinayo horumarka dalka hadii aanaan gacan ka helin shacabka Soomaaliyeed sidaas daraadeed, waa inaan awoodiina iyo maskaxdiina isugu geeysaan sidii dalka loo samata bixin lahaa “

Marxaladda maanta dalku marayo.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliyeed Mudane Dr. Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka faidaysataan marxalada cusub ee dalku galay waxaana maanta ku faanaynaa in somaaliya leedahay dowlad rasmi ah dalkana intiisa badana laga xoreeyey Alshabaab, sidaas daraadeedna, dowladu tilaabooyinka ugu horaya oo ay qaadayso waa sidii loo xasilin lahaa gobolada dalka loona dhisi lahaa maamulo dadka degan deeganadaas ay raali ka yihiin, .

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu soo dhisayo xukuumad tayo leh taas oo dalka ka saarta meesha uu maanta marayo, waxaana ka rajaynayaa shacabka Soomaaliyeed inay igu garab siin doonaan aniga iyo Xukuumadayda cusub sidii aan u fulin lahayn waajibaadkeena shaqo.

 Ciid Mubarak, Kullu caam wa antum bikheyr.

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Warsame Khalaf says:

    Shacab Somaliyeed ma hay side maxaad haysaa.
    Waa dad la’aan, dal la’aan iyo tuugo cadaw ah oo somaaliya u heshiisay, dun dumisay, cuntay oo calaisay waxaad ag fadhidaa.
    War hagalin affar Dhoomood dexdood oo cariiriya ee la tasho Puntland, la tasho Ogadeen, la tasho waxii Somaali ah.
    Maalin ayaa will somali ah oo magaciisa Mahamed Siyaad Barre layiraahdo noo dhawaqay.
    Cadawna waa noo heshiiyey, Somaaliyana dhagaha ayey ka xiratay. Sidee dad la’aanta iyo dal la’aanta cadawgu somaliya galiyey uga baxnaa si wada jira maalin.
    Do not use the above email address.
    W.Kh.

Leave a Reply