Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Kulamo Kula Qaatay Garoonka Diyaaradaha Wafuud Caalami Ah

September 16, 2012   //   Warar Somaali

(Muqdisho, September 16, 2012) Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan Golihiisa wasiirada ayaa ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaarahada ee Adan Cade masuuliyiin kala duwan kuwaas oo u yimid sidii ay ugu qayb gali lahayeen xaflada Caleema Saarka Madaxweynaha Soomaaliya prof. Xassan Sheekh Maxamuud.

Xaflada waxaa ka soo qayb galay wafuud kala duwan oo ka kala yimid Ururo Caalami ah iyo Dowlado waxaana ka mid ahaa, Madaxweynaha Jabouti, Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Ra’iisul wasaare kuxigeenka Turkiga, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Ugandha, Wasiiru dowlaha arimaha dibada ee Qadar, Lataliyaha madaxweyanah Suudan, Gudoomiyaha Midowga Africa, Wakiilka Qaramada Midoobaye ee Soomaaliya, Wakiilka Jaamacada Carabta, Ururka Islaamka, Ururka IGAD, Midowga Yurub iyo marti sharaf kala duwan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Madaxweynaha Jabuuti Mudane: Ismaciil Cumar Geele, Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Atto; Hailamriam Desalegn, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga Mudane: Bakir Bosdaq, Gudoomiyaha Ururka Midowga Africa Mudane; Jean Ping, iyo masuulinyiin kale iyagoona salaan sharaf ka qaatay Ciidanka Baambayda iyo cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kulumo kula qaatay qaybta VIP ee Garoonka Diyaaradaha masuuliyiinta u timid ka qaybgalka xaflada waxayana ka wada hadleen marxalada dalka uu marayo iyo sidii iskaashi loola samayn lahaa dowlada cusub ee Soomaaliya si ay cagaheeda isugu taagto.

COMMENTS

RSSComments (7)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Wiil-waal says:

    Waaciye waan ku qosley wallaahi wuxuu qorey. Ari boowe adigaa weli ku nool 1960. Ragga aad tilmaameysid waxay ku nool yihiin 2912. waqtigeyna la hayaamayaan. Boowe tooshka aad ifineysid beterigaa ka dhacsan ee beteri fiican soo gasho si aad ifkiisa wax ugu aragto

  2. warwaxaas wa ceeb ee iska d aaya reer hebelkaad sheegaysa ee afka ad ku dhufanaysaan waxaad ku hadlaysaa afkii qabqablayaasha bku beerlaxawsan jiray mahamuud saleebaan iyo waxyaalo nocaas ah run ahaan tii anaa ah nama matalaan qabwablayaasha ku qaraabta qabyaalada waad mahad san tihiin waxaad ogataan mahamuud saleebaan waa dad ama reer waxkasta leh ee ha laga daayo cayda toloooooooooooow waad mahad san tihiin

  3. diriryare@hotmail.com says:

    asc waan idin salamay waxan idin dhihi lahaa dadka meesha isku yimidoow waxaad ku hadlaysaan waa ceeb qabyaalada waa ceeb waxaa ka fiican reer puntland inaad ku hadashaan teeda kale mahamuud saleebaan waa laf kamid ah kuwa puntland wax ka daga ee wax gaar ah oo ay dadka dheeryihiin ma jiraan iyo xaquuq gaar ah oo ay leyihiin waxaa ku hadla dadka siyaasada fuusha xun ee kursi raadiska ah baa dhaha waxaan nahay mahamuud saleebaan lakiin maahan dadxun tan labaad wixii qof u dhashay puntland ku fashilmo waxaan qabaa in ay dhabar jab ku noqonayso dhamaan reer puntland waayo waa dad qaraba ah is dhalay wada dhshay marka iska daaya waxa qabwablayaashu ku qaraabtaan oo ay ku magacabaan reer hebel cid ay wax taraan ma jirto ciyaalkooda iyo naftooda unbay wax taraan taas hala ogado

  4. faarax says:

    midkaan wato waaciye boy waxaad ku waalatey maxamuud saleebaan amaad laan gaab aad tahay dadka ciishan oo aan waxba qabsan karin ayaa tahay marka riyo ayaad ku jirtaa waxaan ku leeyahay madaxweynaha xamar joogo oo ku dhax jiro taangi amisow wax uu yahay ayaa iska yar haduu diido madaxweyno faroole warkiisa meesha waa lagu kala tagayaa puntlnd aayeheeda ayey ka tashaneysaa

  5. caqlileey says:

    waaciye ha ceebeyn tuulad yar ee aad meesha ku qortay ninku kuma boobin dadbaa doortay cayna waa ceeb am doqonimo iska sug xilaga u hartay haddii aad neceb tahay dad jecel baa jira oo ku qancsan xaishood iyo aqlaaq la imow..wa bilahi Towfiiq

  6. waacyie boy says:

    WAA SALAAMANTIHIIN DHAMAANTIIN MEESHAAN WAXAAN FARTA UGU QORAAYAA NIMANKA MAXAMUUD SALEEBAAN EE KU GORGORTAMA PUNTLAND OO HAD IYO JEER SHEEGA PUNTLAND WAXAY AYSAN LA QABIN SIIYASADIINII WAA ARAGTAAN SOOMALI OO DHAN BAA IS RAACADY MASLAXADII SIIYADADA PUNTLAAND OO FAASHILA GOOB JOOG BAANU KA AYAAHN 60 WASIRO QARIBAN OO 4 SANO IYO SIYAADO WAX AY KEENEEN LA MA ARKO SACABKA FAROOLE BUU BAARLAMANKII KU SOO URURURAY MARKA SIYAASADII 1960 BAY WADAAN MAXAMUD SALBEENAKU MABA OGA IN LA JOOGO 2012 WAXAA TAASI KUU CADAYNAYSA KURAASTA BAARLAMAANKA MAANTA WAXAY HELEEN 6 KURSI MEESHA LEELKASE AY HAYSTAAN 3 WARSANGELI 5 MAREEXAAN 14 WAXAA XASUUSMUDAN 1960 BARDIR OO AH JILIB KA MIDA CISMAAN MAXUD WAXAY HAYSTEEN 15 KURI BAARLAMAANKA MARKA MAANTA WAXAAN KA DAAWANAY CEEBTII KU DHACDAY WIILKII YARAA EE XAMAR JOOGAY OO TOLKA WAAYEY ANAGA OOG IN DHAQAALAH PUNTLAND LA GEEEYO BANGIYO KU YAAL DUBAI ISGANA CIIL ALAA BADAY ILEEN DADKUU KA DHASHAY BAA AH FAROOLE IYO WAX LAMIDDA 30 COD BUU KU HELAY ILEEN WAABA ISKA DAYNLAHAA HADUU OGAAN LAHAAYE MEESHA DADKII LOO BAAHNAA MA JOOGAAN FERDERLKA IYO PUNTLANDBA MEESHAAD FAROOLOW GAARTO MIRO KA SOO GOOSO PUNTLAND GAROOWE BAAD KU LEEADAY ANAGAA KU CAASUMAYNA FEDERALKA INAY TIMAADO MEESHAAN HADII AAD AAMUSI WEYDONA AFKII WALIINJADAA LAGAAGA KAADINAAYAA ILEEN MAANAT WAX AAD NOO HAYSO MA JIRAAN SIYAASADII BANANKA WAA ARAGNAY TII GUDAHA PUNTLABNDA WAA ADIGII KA DHAMAN WAYAYA LABADADA WIIL IYO AARAN JAAN IYO WASIIRADII MEESHA AAD KU ILAASHAN KELYA JIRATAY OO AAD HADBA NOO KAL CASCASAYNAYSO CASHO GEELE OO AH QOFTA KELIAY EE TIRI LACAG BAAN U HAYAA PUNTLAND AY DADKEEDU LEEYIHIIN NA WAAD CAYRISAY MALAHA ADAA CEEBI KUGU SOOSOCOTAA WAR DEE MEESHA C/LAAHI MAALINKUU TEGAAEY QASNADA XOOLO LOOGIMA TEGIN CADENA SAASOO KALE UUU AHAA ADINA WAXAA LAGAA FILAAYAA INAAY RAGAASI KUU SAHLEEN DARIIQOODII HUFNAAA CAASHO TAARIIKH DAA XUSI DOONAT WAAYO 3DEXDA MADAXWEYNA ANIGI NOLOSHAYDA KAMA MAQALA DADKA PUNTLAND BAA WAXAAS LEH OO LOO HAYAAA TAASAYNA KU QAADANAYSAA HUFNAANTA AY KU WEYDAY BOOSAKEEDA ARINTA KALE ILAAM IS MA QABATAANE MAXUD SALEBAN WAXAD TIHIIN DADKU FASHILAMAY SIYAASAD SOMALIYA PUNTLAND MARKA DAAROOD DHEXDIISNA WAAD KALA FOGEEYSEEN MEESHAAD REERKA KU FURTAAN AAN ARAGNO WAANSE IDIN DHAWRAYNAA IANAT MEEL KA SOOD AHLalaysaan waxkasatan hinaasihiinii baaa ku lifaaqan

  7. CALI dhuux says:

    war khaladka aad dadka u soo qoraysaan joojiya waad inaad dhahdaan ra isla wasaari hore ee somali joojiya qabiilka aad nadaba wadaan adeerayaalow maxamud saleebaanow RAISAL WASAARI HII HORE DHAHA

Leave a Reply