Ra’iisul Wasaaraha dowlada KMG oo u ambabaxay dalka Uganda

June 27, 2012   //   Warar Somaali

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta u ambabaxay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in socdaalkiisa uu ku wajahan yahay dalka Uganda, Isagoona kulamo la qaadan doono Madaxweynaha dalka Uganda Mudane,Yoweri Museveni.

Wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha oo saxaafadda kula hadlayay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in dowladda Uganda ay ka wada hadli doonaan sidii  kor loogu qaadi lahaa  xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda.

“Sida aad la socotaan dowladda Uganda waxaa inaga dhaxeeya xiriir Diplomacyadeed, marka waxaan ka wada hadleynaa sidii arrimahaasi kor loogu sii qaadi lahaa”.

 

Puntlandnews24

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply