R/wasaare Gaas oo Noqday Musharaxii Labaad oo Buuxiya Shurruudaha Musharaxnimada [Sawiro]

September 5, 2012   //   Warar Somaali

(Muqdisho, September, 05, 2012) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gudbiyay Arjigiisa Musharaxnimo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa buuxiyay dhamaan shuruudihii ay soo gudbiyeen Gudiga Doorashooyinka Madaxtinimo ee dalka.

Kadib markuu u gudbiyay Gudiga Doorashada Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa saxaafadda kula hadlay xarunta golaha shacabka oo aheyd xaruntii la geynayay Araajida Musharaxiinta.

Wuxuuna R’iisul Wasaaruhu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta gudbiyay arjigii musharaxnimo, isagoona intaasi ku daray iney guul u tahay shacabka Soomaaliyeed in Caasimada dalka ee Muqdisho lagu qabto doorashooyinka Madaxweynanimada markii ugu horaysay mudo 45 sano ah, kuwaas oo ka dhici jiray labaatankii sano ee lasoo dhaafay dalka dibadiisa.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in haddii uu ku guuleysto doorashooda uu waxbadani ka qaban doono Arrimaha Amniga,Dhaqaalaha, Waxbarashada, Shaqo la’aan, Caafimaadka, Dib u dhiska dalka, La dagaalanka musuq maasuqa, Kana shaqeyn doono sidii loo hormarin lahaa arimaha Cadaalada.

 

COMMENTS

RSSComments (4)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. taleex says:

    KUMA GULAYSANAYO QANJA WEYNE MA NINKA YIDHI CRISTANKU WAY KU NOLAAN KARAAN DADKUNA WAY RIDOOBI KARAAN WALEE WAA LAGA QABAN WADANKA CABDIWALI QANJA WAYNE:

  2. m. hilowle says:

    soomaaliya marinkii ay ku helilahayd madaxweyne shidada ay ku jirto ka saara ma soo dhowa waxaaana fogeeyey dadka soomaaliyeed dadka yiri anagaa metella una soo xulay ergada iyo baarlamaan ku sheegaan nin waliba waa iibsaday xubintiisa baarlamaanka. wuxuuna doonayaa madaxweyne uu ka sii iibiyo madaxweynaha iibsadahaan ka sii iibsanayaana muxuu doonayaa su ‘aashaa waxaan weydiiyey
    soomaali weyn jawaab baana ka sugayaa waxaana ku soo af meerayaa hal boolihi nirig xalaala ma dhasho ninki sugaayoow dawlad xalaala adigay ku jirtaa

  3. Warsame Khalaf says:

    A million of somali member families are missing either killed or lost their lives,foreign criminals are at large,
    criminals who dystroyed somalia are still living in somalia free, and managing further crimes day by day, foreign forces are allowed to participate the ruin of Somalia.
    Occupation of somali properties where their bones are only remaining from them still continues, Labanese criminals participating the destruction of somali families throughout the world, and managing Somali language upsidedown is obvious in every where. Despite all of these and the loss of somali nation and trick those occupying Mogadishu and kismayo are playing, I am seeing those who seeking just to say I am president, for whom for nothing, untill we known who is a real somali and invaded our country in past with their masters. When the Somali pain will stop, and real somalis take the responsibilities towards this country and the remaining of the ruins.

    W.Kh.

  4. cabdi says:

    Guuuuuuuuuuuuuuul, inshalah waa madaxwaynaha mustaqbalka, idinkana aamiin ii dhaha

Leave a Reply