Raisal wasaare kuxigeenka Soomaliya iyo wefdi uu hogaminayo oo Garowe u yimid xalinta mad-madow dastuurka ah

July 24, 2012   //   Warar Somaali

Raisal wasaare kuxigeenka ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumaddda Soomaaliya iyo wafdi wasiiro ah oo uu hogaaminayo ayaa galabta xilliga Geeska Afrika soo gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Wasiirada wefdiga raisal wasaare kuxigeenka ku wehliya ayaa kala ah wasiir kuxigeenka howlaha guud iyo gaadiidka Soomaliya Xareed Xasan Cali iyo wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo isaguna wafdiga kasoo raacay magaalada Muqdisho oo uu indhowaalle kusugnaa.

C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif raysul wasaare kuxigeenka ahna wasiirka ganacsiga Cabdiwahaab Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaardaha ee magaalada Garoowe waxaa uu sheegay inay u yimaadeen la kulanka madaxwayanha Puntland oo ay kala hadli doonaan arimaha dastuurka oo dhowaan ay soo baxasay inuu jiro khilaaf Puntland iyo dowladda dhexe ah ka aloosan oo salka ku hayay arimaha meel marinta.

Codka Dhagayso

Play

 

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply