Prof. Abdiwali Gaas oo siweyn loogu soo dhoweyey Bosaso [Sawiro]{Vidoe}

October 29, 2012   //   Warar Somaali


Ra’isal wasaarihii hore ee dowladii KMG-ka ahayd ee dalka Soomaaliya Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta soo gaaray magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Boqolaal ka mid ah dadwaynaha magaalada Bosaso oo watay caleemo qoyan ayaa ra’isul wasaaraha ugu hortagay goob banaan oo 5km u jirta magaalada Bosaso, iyadoo ay w ku dhowaaqayeen ereyo ay ka mid ahayd soo dhowow ra’isul wasaarre iyo hal ku dhigyo kalle oo ay ku muujinayaan taageerada ra’isul wasaaraha.

Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo hogaaminayay xubno uu ka mid yahay duqa magaalada Qardho ayaa kasoo ambabaxay degmada Qardho abaarre 6:00 subaxnimo ee saaka, waxaana uu kusoo hakaday degmada Carmo ee gobolka Bari isagoo kuliyadda ciidamada booliska ee degmada Carmo kula soo kulmay maamulka degmada iyo saraakiil booliska ah.

Gudoomiyaha gobolka Bari Bari C/samad Maxamed Gallan iyo duqa degmada Bosaso ayaa wafdiga ra’isal wasaaraha kusoo dhoweeyey kantoroolka magaalada Bosaso.

Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay inay maamul heer gobol ahaan ku faraxsanyihiin inuu Dr Cabdiwali Gaas uu kusoo laabto magaalada Bosaso iyo deegaanada Puntland ee uu kasoo jeedo.

 

Waxaa uu xusay shacabka gobolka Bari inay siwayn uga mahadcelinayaan dib usoo laabashada Dr Gaas ee magaalada Bosaso.

Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo isaguna hadal jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu yimaado caasimadda ganacsiga Puntland ee magaalada Bosaso.

Waxaa uu sheegay magaalada Bosaso horay inuu u yimid xilli uu ku mashquulsanaa soo afjaridda marxaladdii KMG ee dalka, xiligaas oo magaalada Garowe uu kaga soo qaybgalay shirarkii Garowe 1,2, iyo Garowe Princples.

Ra’sail wasaaraha ayaa sidoo kalle sheegay xukuumadda cusub ee dalka oo dowladiisa ay ku guulaysatay ka bixidda KMG inuu u rajaynayo magacaaabista wasiiro kooban oo tayo leh, kuna guulaysan kara dalka inay dhibaatada ka saaraan muddada afarta sanadood ee soo socota.

Xildhibaan Cabbdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa booqashadiisa Puntland ku micneeyay mid uu ugu kuurgalayo xaaladda Puntland, waxaana goobaha uu ilaa iyo hadda uu booqday ka mid ah degmooyinka Godogob, Gaalkacyo, Garowe, Qardho, Carmo iyo magaalada Bosaso oo xiligaan booqasho uu kusoo gaaray.



Xafiiska Bosaso.

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Xooshle says:

    Soo dhawaw islaaaan dhulkagi iyo dadkagi ayaad utimdid dhulgai iyo dadkagina wad katimid

Leave a Reply