Ra’isul wasaaraha DKMG Soomalia oo xalay si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada London [sawiro]
February 22, 2012 // Warar SomaaliR/wasaaraha xukuumada KMG Soomalia Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa xalay fiidkii kasoo degay magaalada London, ee dalka Britain isagoo maalmihii u dambeeyey booqanayey magaalada Brussels.
Dadweyne ka tirsan jaaliyada Soomalida Britain ayaa R/wasaaraha kaga hortagay garoonka, wuxuuna ka mahad celiyey sida diiran ee loo soo dhoweeyey.

Qaar ka tirsan jaaliyada Soomlida UK ayaa la hadlay PN24 iyagoo uga waramaya sida ay ugu riyaaqsan yihiin soo dhoweynta R/wasaaraha Somalia, oo ah markii koowaad ee uu booqasho ku soo gaaro Britain, sidii loogu magacaabay R/wasaaraha Somalia sanadkii hore.
Dr. Gaas oo isaguna u waraysi kooban siiyey PN24 ayaa u mahad celiyey dadkii soo dhoweeyey, isagoo sheegay inay faraxad u tahay imaanshihiisa London, oo ay ku nool yihiin Soomalida ugu tira badan qaarada Yurub.



R’isulwasaaraha Soomalia ayaa lagu wadaa inuu ka qayb galo shirka London ka dhici doona, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyey in wax wanaagsan oo dan u ah shacabka Soomaaliyeed ay kasoo bixi doonaan.
Ali Aar
London, Britain





waxaa mahad leh Allaah subxaamo wa tacaalaa, waxaan jeclahay in aan taageeradeeyda siiyo shirarkii Garoowe 1 &2, waxaan taageeradda kale siinaayo RW DR Cabdiwali Moh’ed Ali Gaas sida uu ugu duubtay soo celinta magacii Soomaaliya ugu soo celiyay masraxa siyaasadeed ee dunida maalinta, oo mannta keentay in dowlad waba eey rabto in eey Soomaaliya wax ku yeelato iyo waliba siyaasadda furfuran ee uu ku soo daray masrixiyadda siyaasadeed ee our home land.
Ha noolaado RW cabdi wali , Somaliana Ha noolaato.