Ra’isulwasaarihii Xukuumadii Badbaado Qaran Oo Caawa Ku Hoyanaya Qardho
November 1, 2012 // Warar SomaaliWaxaa caawa ku hoyanaya magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar Raisulwasaarihii hore ee xukuumadii KMG ahayd Xildhibaan Abdiwali Maxamed Cali, oo maal mahan safaro ku marayey magaalooyiin ka tirsan gobollada Puntland.
Xildhibaanka oo ay wehliyaan wafdi ballaaran oo kasii raacay magaalada Boosaaso ayaa caawa kula hoyanaya magaalada Qardho, sidoo kale kulamo kale oo qabyo kasii ahaa ayuu sii dhameystiri doonaa, ayuu yiri mid kamida raga safarka ku wehlinaya.
Xildhibaan Abdiwali Maxamed Cali ayaa mar kale kala kulmay soo dhoweyn ballaaran dadweynaha iyo waxgaradka degmada Qardho, iyagoo si diirran ugu soo dhoweeyey duleedka magaalada, wuxuun Qardho ku sii negaan doonaa teer iyo maalinta berito ah gelinka dambe.
Safarka Xidlhibaanka intii uu joogay Boosaso waxaa caqabad ku noqday xukuumada Puntland, isagoo habeenkii u horeeysay ee uu ku hoydo Boosaaso la dul dhigay ciidamo loo carbiyey cabsi gelinta iyo caga jugleynta [Saracen]
Maalin ka horna barasaabka gobolka Bari ayaa fariin laga soo amray xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe u gudbiyey Raisulwasaarihii hore, nuxurka fariintaas oo ahayn inuu joojiyo kulamada , soona afmeero booqashada uu ku joogo Boosaso. PN24 oo la hadashay mid kamida shaqaalaha Xildhibaan Abdiwali ayaa u sheegay inaysan u hogaasamin amarka dowlada Puntland, balse ay si guul iyo wanaag ah ugu soo dhamaatay booqasho 3 maalin ah oo ay Boosaaso ku joogeen haatana ay dib ugu noqon doonaan safar ku dhamaan doona magaalada Gaalkacyo.
Cambaareyn iyo baaqyo isdaba joog ah ayey dad badani soo gaarsiiyeen PN24, iyagoo ka xun go,aanka dowlada Puntland ay ku dhaqaaqday ee ahaa goa,aan lagu macneeyey QAR-ISKAXOORNIMO oo magaalada Boosaso looga masaafurinayo muwaadin reer Puntland ah, oo xil sare kasoo qabtay Somalia, hadana ah xildhibaan Soomaliyeed.
Mahdi Xasan
Puntland News-24
Qardho, Puntland



Ninkan waxaa la quman inuu shaqadiisii ku laabto waa haday wali aqbalayaan. Dhibaato intii ku filan somali waa u gaystay, dadka durbaanka u tumaayo, maahan dad wax yaqaan, mana loo baahna in wadanka fidno la dhex keeno. Aniga, waxaan qabaa in ama wadanka laga saaro, ama xabsiga Eyl loo dhaadhacsho. Midaas kale, ninka horta awal Puntland maa madax ka dhigtay, waa maya, hadii laga adkaaday, muu meel joogo. Puntland, Madaxweyne Faroole ayaa joogo, isagaana dhisay, fidno, iyo reer hebal baa i wata, waa in aan la yeelin, ninkaa meel walba qabiil uu ku soo gubay, xataa madaxweynaha qaranka waa iska soo cayrshay, waayo waa khaain, aan caqli badnayn. dadka ma arkaan, ninkaa awal saaxiibkiis uu khayaamay Farmaajo, hadana madaxweynihii cayimay Sharif uu khayaamay, hadda wuxuu rabaa Faroole inuu meesha ka saaro. Saaxib PL waxaas kama shaqeeyaan, hadaad rabto lacagta aad soo xaday inaad fidno ku galiso, ma kaa yeelayno. Faroole, isagaa masuul ka ah, dhibka ninkaasi wadanka u keeno, intaas naago iyo caruur uu la shiraa, afara doqon oo reerkiisa ah aad daba socdaan, waxaan waa laga xishoonaaye, in gacan la saaro lama huri doono.
Gaas guul buu gaaray aad u wayn faroolena qoolbuu ku riday run ahaantii gaas wuxuu bislaystay madaxwaynaha mustaqbalka ee puntland waana loo istaambeeyay Ok ugu danbaysana Qardho iyo boqortooyada ayuu kawataa cid u baahanyahay male ilaah mooyee waana madaxwaynaha mustaqbal 2013 warkaas waa mid cad.
faroolow wax aadan ahyn ayaad ismooday c /wali baan boosaaso ku qash qashaadayaa aniguna bosaao iyo qardho iyo galaakacyaan wareegayaa qali mahane magowaad qol ku xirnaan mise ogtahay adigoo goroowe jooga in aan raga noocaga oo kale ah aan habeen barkii ku car casan jinay goroowe
anigu waxaan u arkaa arinkaas ay samaysay xukuumada puntland wax fiican waayo waayo gaas colboxs xamar laga soo diray cida soo dirtayna waa ognahay hadaan nahay dadka reer puntland anigu waxaan ahy hadaan runta ka hadlo nin ay isku jifi yihiin lkn ku taageri maayo ina adeerkay burburinta puntland ku raaci maayo marka dacaayada halaga daayo qoladiina wepka dowlada puntland
as c
ku webstkan
pls so aal ayaan qabaa oo din ka codsan inaa iga so jawabtan ma xuma in aad wax mucaradan oo waxii qalad dawladu gasho in aad bulshada usoo gudbisan ( laakin so ashayda waxay tahay maxaa inta wanaagsan
isuu gudbin waysen iyo horumarka ka jira wadanki ? ) runti wax yaalo badan oo aay qabatay dawladu waa jiraan iyo wax dhiman marka isku wada oo noqda mucaarad iyo mu ayiid yacni ka noqda dhex dhexaad fadlan si cadalad ku jirto noogu adeega hadan nahay bulshada somaliyed gaar ahaan kuwa gobalka puntland
ma ahan in aan fikirkina ama adeegina aan ka soo horjeedo laakin so aal iyo waxay iga tahay talo iyo codsi wada socda waxan jeclahay ama aan idinka rajan in aad adeeg wanaagsan oo bulshada is jeclaysiiya aan ku faraxno aad noo so gudbisan bahda webka pl. 24
cafwan waxii khalad ah ama aad dhibsatan pls cafwan as c
bosaso cida leh baa ku hsireysa beesha cismaan maxamud cidna uga danbeyn meeyso bosaso inay iyagu yihiin reerka looga amar qaate maahane dr gaas iyagu marti u ahaa howshisa waa dhamaystay waana soo noqonayaa isla bishaan gudaheed bosaso
arintani waxay cadayn u tahay dhamaadka maamul ku sheega aaran jaan,Dr c/wali haduu ka xishooday faroole falkiisa kana sariigtay inuu sabab noqdo isqab qabsi iyo fidno waa arin fiican laakiin kuwa aan intaas midna xeerinayn oo laga ashahatay ayaa growe ugu tegidoona waan ognahay faroole wuxuu bahdilad ku sameeyay qabaa ilka reer bariga kana hor istaagay inay shirar yeeshaan balse waxaa yaab ah beel kamid ah beelahaas inay shirarkooda si joogto ah u wataan maamulkuna uusan juuq u dhihin ilaa ay beeshaasi shiriso beelihii loo diiday inay shiraan! waxaa iswaydiin mudan faroole muxuu u joojinwaayay shirarka ka socda mudug shirarka ka socda karkaar shirka ku dhamaaday sunajiif shirarka beesha qardho ay ku qabsadaan bosas! maxaa lagu maagay reer bariga! mise waa tun jileecsi waayaab waxaad cad faroole in haruubkiis buuxsamay.
Yaan la idin khiyaamin ninkani wuxuu bislaysanayaa inuu ku dhawaaqo inuu madaxtinimo u cararayo oo uu shacabka kalsoonidooda hanto, markasta waa in laga fiirsado qofka lasoo dooran doono.
Qardho yaan shaaha laga cabbin ee ina dhaafsiiya meeshaa lama istaago’e ma waxaa ka danbeysey in iyada lagu soo cararo oo naf lasoo bido waa nabsi weyn ee mudane Gaas halla weydiiyo wuxuu u diidi jirey in qardho baabuurta uu lasocdaa shaah ama kaadi u istaagto.
runta hadii an ka hadlo anigaa oo aad u cambaraynaya falkaas foosha xun ee caburinta ah iyo xornimo la aanta loo gestay abtigay A/WELI MHD ALI GAAS WAA HADII UU RUN YAHAY WALOW AAN WEBST YAADA KU ARKAYE ARIN KA DUWAN TAN AAD WADAAN HADAA TIHIN PL 24 IYO WEB IYO KALE OO IDIN LA MIDA KUWA SHEEKADAS BEENIYANA AAN ARKAY OO WELIBA EHEL U AH PR A/WELI ANIGA MAR WALBO WAXAN KA SOO HOR JEDAA MUWAADIN KASTA OO SOMALIYED AMA REER PUNTLAND in fikirkisa iyo hadafkisa iyo sharaftisaba wax loogu dhimo dalkisa hooyo iyo gobalkisa in taba ma ahn hadii aay dawladu mucaarad yeelato in la afgambiyo oo dadka ama wax garadka laga dhigo kuwa aan fikir koda
waa is ka cadahay in uu uhogaansamay amarka dowlada shalay waxaa lahadal hayey in uu tagaayo meelo kamid ah bari iyo sanaag waa iska cadahay in safar kiisa ay soo gabagabaysay dowlada puntland hadana meeshii uu kayimid buu kunoqonayaa