Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo Hambalyada 1da luuliyo u diraya umadda Soomaaliyeed
June 30, 2012 // Warar SomaaliWaxaan umadda Soomaaliyeed u dirayaa hambalyo ku aaddan maalinta qiimaha weyn u leh ee 1-da luuliyo.
Waxaa sharaf ii ah inaan qofkasta oo Soomaali ah, meel kasta oo uu ku nool yahay, la qaybsado caawa faraxadda munaasabadda 1-da Luuliyo.
1-da luuliyo oo ah maalintii ay gobolada koonfureed qaateen xorriyadda, waxay ka mid tahay maalmaha qiimaha weyn ugu fadhiya umadda soomaaliyeed.
Waxaan u rajaynayaa umadda Soomaaliyeed inay caawa ila qaybsadaan faraxadda maalinta xorriyadda
Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu Soomaaliya ka qaado dhibta haysata
Soomaaliya ha noolaato… Soomaaliya ha israacdo…..Soomaaliya ha midowdo
Ra’sul wasaaraha Soomaaliya
Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas
O1/07/2012



Waxa caado u noqotay qaar badan oo ka soo horjeeda la soo noqoshadii gobanimada reer Somaliland in ay taariikhda ka been sheegaan oo sida ay doonaan u fasirtaan.
Majoro habaabinta taariikhda waxa ka mid ah kolka laga sheekeynayo halgankii gobonamidoonka ahaa ee ka horeeyey 1960 waxa aad loo buunbuuniyaa Ina Cabdalla Xasan, oo ujeedooyin gaar ah isagu watay, iyo xisbigii SYL. Waxa xisbigaa SYL reer Somalia ka dhigaan xisbiga qudha ee mudnaanta koowaad leh kicintii labadii Isticmaar ee Britain iyo Italy. Waxa aan lasoo qaadin taariikhda hodanka ah ee xisbiyadii ka jiray British Somaliland iyo dhaqdhaqaaqyadii gobonimadoonka ahaa oo intuba ka fac weynaa SYL. Waxa la aasaa xarakadii Al KHEYRIYA, Xisbigii SNC ee kolkii dambe isu badalay SNL waxa aan la soo qaadin labadii xisbi ee kale USP iyo NUF. Waxa hoos loo dhigaa in 1960 xisbiga SYL, ee shaadhka weyn loo galiyaa, aanu hal kursi ka hellin baarlamaankii 1960 ee State of Somaliland
Dadkaasu iyaagoo oo muujinayaa nacaybka ay u qabaan erayga Somaliland waxay ku andacoodaan oo yidhaahdaan: “1960 waxaa baab’ay wax la yidhaa Somaliland” iyagoo islamarkaana xayeysiinaya kalmada dadka qaar ku wardiyaan oo taariikhda Somalida ku cusub xambaarsana astaan qabiil.
Taariihkda 1960 maaha mid fog oo muran geli karta ama koox ibtilaysani bedeli karto.
Hadii aan bal balaadhiyo: 1dii July 1960 waxaa meesha ka baxay magacyada: State of SOMALILAND (xor ahayd) iyo Italian SOMALIA ( oo maalintii Xor noqonaysay), isla markaana ku midowday magac cusub oo ay ku heshiiyeen in la baxaan kaas oo ahaa JAMHUURIYADA SOOMAALIYEED ( maa aha Jamhuuriyada Soomaaliya) ama SOMALI REPUBLIC (ma aha Somalia Republic).
Sidaa darteed waajib ma ahayn in magaca Somaliland oo keliya meesha ka baxo ee waxay ahayd in magaca Somalia isna meesha ka baxo. Laakin reer Somalia ISKAMAYDAYN in jamhuuriyadii cusbayd ugu yidhaan Somalia, reer Somalilandna MABA AY DHIBSAN bacdamaa ay gaadheen ujeedadii ka weynayd ee ahayd midnimada.
Sidaas ayey ku dhacday in illa maalinkan maanta ah dad badani u haystaan in wadankii burburay la isku udhan jiray SOMALIA.Waxaad maqlaysa dad leh DALKII LA ISKU ODHAN JIRAY SOMALIA, waxaad maqlaysa dada ku leh KOONFURTA SOMALIA iwm,
Dad badanina waxay u haystaan in magaca SOMALIA yahay af Somali. Laakin maaha af Somali . Sida ay Somaliland u tahay kalmad af ingriisi ah oo macnaheedu yahay Dhulkii Somalida ayey Somalia na u tahay kalmad af Talyaani ah oo micnaheedu yahay dhulkii Somalida. Sidaa la wada ogsoonyahay magaca Somalia Talyaniga ayaa 1956 u bixiyey mustacmaradiisi. Markaasaana ugu horaysay taariikhda in la maqlo Somalia, waxaanu magacaasi socday illa iyo 1da July 1960 maalintaas oo ahayd inuu baaba’o.laakin mu baab’in ee wuxuu liqay magacii Somaliland sida ay SYL u liqday xisbiyadii SNL, USP, iyo NUF. Sida wax badan oo kale oo reer Somaliland lahaayeen loo liqay.
Waxa dhici karta in dadaka qaar afkoodu iska bartay illayn waa wax 30 sanadood la innagu akhriyaaye eh, laakin waxaan kula talinaya Siyaasiyiinta iyo Saxafiyiinta in ay iska ilaaliyaan sida qaldan ee u isticmaalaan magacyada
waxaan salaan uu diraya shacab soomaaliyeed oo dhan meel walba joogan waxaan leyahay sanadkan sanadkiisa ilahay hanagu garsiyo cimbi dheer iyo cibado subaan , iyo nabd galiyo wanagsan inshalaha
Ana waxaan salaan wacan u dirayaa dadka Somaliyeed oo dhan, meel kasta oo ay joogaan.
Hambalyo BLUULE CALANKEENA IYO DADKA LEH!
mansha allaah waan kula qadaanay farxada kowda juli