Raysal wasaare Shirdoon iyo wefdi uu hogaaminayo oo gaaray Beledwayne
February 6, 2013 // Warar SomaaliRaysal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya C/faarax Shirdoon ayaa saaka gaaray magaalada Beledwayne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Wafdigiisa ayaa waxaa ka mid ah wasiirada arimaha gudaha, gaashaandhiga iyo xubno kale.
Waa safarkii ugu horeeyey ee uu ku tago Baladwayne, tani ayaa la sheegayaa inay qayb ka tahay dadaalka dowladda ay ugu jirto maamul ay dhistaan dadka dega gobolka Hiiraan sida uu horau uu ugu booriyay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud booqasho uu ku tagay Beledwayne bishii Oktoober ee sanadkii 2012.
R/wasaaraha ayaa tan iyo markii la magacaabay waxaa uu booqashooyin kale duwan uu ka sameeyey gobolka Shabeelada hoose.
Puntland-News24



Shirdoon goboladiisa hayskaga warwareego ileen shaqadiisa madaxweynahaa hayee, awalba waa ku ogeyn wixii meesha laguu keensaday……kkkkkkkkk.