Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay
August 13, 2012 // Warar SomaaliR/wasaarihii hore dowladda KMG ah ee Soomaaliya Dr Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta gaaray magaalada Muqdqisho, markii ugu horaysay tan iyo markii uu iska casilay xilka r/wasaaraha Soomaaliya 21,Sep,2010.
Waxaa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho siyaasiin iyo shacab isaga taageersan,hadal kooban uu siiyay saxaafadda waxaa uu ku sheegay ujeedada socdaalkiisa Muqdisho inuu mar kalle faahfaahin doono,mar uu ka hadlay xaaladda dalka uu marayo waxaa uu sheegay horumarka dowladda ay gaartay uu isaga markii hore uu bilaabay,xukuumadihii ka dambeeyana ay dhamaystireen dadaalkiisa.
Wararka ayaa sheegaya ujeedada Cumar Cabdirashiid uu u tagay Muqdisho inay tahay sidii uu uga qaybgali lahaa doorahsada madaxtinimada Soomaaliya oo 20-ka bishan ku beegan.
Puntland-News24
Muqdisho



waxaan aad ula yaabanahay dadka commontiga qoraya runtii waxaa fiican qofku marka uu hadlayo waa in uu yaqaan qaabka loo hadlo anigu waxa aan ahay muwaadin reer puntland ah marar waxa aan booqdaa webseedyada nimanka reer waqooyiga ah marka ay haylayaan ama ay fikirkooda cabirayaan aad iyo aad ayuu garaadkoodu uga sareeyaa dadkan reer puntland intooda badan marka walaalayaal ka taxadara qaabka aad wax u qoraysaan mida labaad qof waad mucaaradikartaa laakiin waa in aad qeexdaa waxa aad ku mucaaraday waxa kale oo xaaran ah in aad qofka shaqsiyadiisa aad wax ka sheegto sida hada ninka wata magaca puntland oo waliba leh cumar cabdirashiid iyo jaamac cali jaamac ma istaahilaan in wax loo dhiibo isku reerna waa nahay hadaba adeer u maleenmayo in aad isku reer tihiin maxaa yeelay wali ma arag qof soomaali ah oo caynaya nin ay isku reer yihiin xataa haddii u yahay kan dadka u liita waxa uu lee yahay ma hebel nin ka fiican ma leh hadaba anigu runtii aniga oo aan beenka sheegeen labadanin qabiil ma wadaagno laakiin tolguud ayaanu nahay haddii aan waxyar fikirkaayga ka hadlo waa niman leh hanaan siyaasadeed waa niman xishooda waa niman soomaali oo dhan u simantahay waa niman aan aqoon eex qabiil iyo kan baa kuxiga waa niman og hadalka ay ku hadlayaan iyo meesha uu munaasibka ku yahay dadku meel dhoow ayeey wax ka arkaan kuwo ayaan waxa ku iri jaamac cali jaamac maxa khalad ah oo aad ku maageeysaan runtii waliba waxay ahaayeen kuwo la qabiil ah markaasay waxay iigu jawaabeen barigii cabdulaahi yuusuf ayuu iska dhicin waayay aad ayaan ula yaabay waxaan ugu jawaabay adeerayaal cabdulaahi iyo jaamac aniga waa ay ii simanyihiin laakiin labada waxaa geesi ah jaamac maxaa yeelay waxaa geesi ah ninkii u tura dadkiisa iyo dalkiisa ogna aakhiro iyo aduun in uu midna ka faaideen dhiig umad islaam ah haddii aan u soo noqdo cumar runtii cumar waynu ognahay qoyska uu ka soo jeedo amaba aabihiis oo ahaa nin ilaahay yaqaan nin siyaasi ruug cadaa ah nin u madu u siman tahay nin markaas ka dhexmuuqday ragii ay isku wakhtiga ahaayeen amaba siyaasada iskula jireen hadaba waxaan qaba in cumar aabihiis cabdirashiid sifooyinkaas oo dhan karaacay waxaana markhaanti u ah habdhaqankiisa qof ahaaneed amaba midsiyaasadeedba sida uu u maareeyo waxaa markhaanti madoonta ah maanta miraha laguranayo ama cabdiwali iyo farmaajo ku faanayaan in uu cumarkeenay ninkasta oo siyaasada la socdaana wuu ogyahay ninka siyaasiga ahna waxaa lagu yaqaana habacsanaan iyo in ay dadku u siman yihiin haddii aad u fiirsato waxaa lagayaabaa amaba dhacday in xafiiska cumar cabdirashiid aan lagu arag halnin oo jifidiisa ah maantana cabdiwali ilaa qofka uhooseeya waa la jifi hadaba taas ayaa idiin cadeeyneeysa in aysan xaga siyaasada aysan lamakhaam aheey labadiinin oo xukunka uga dameeyay ee cabdiwali iyo farmaaajo labaduba laakiin mid ayaan markhaanti idiinka ahay oo waxa la shaqeenaya ma aha dad ay isla jaanqaadi karaan marka taas ayaa keeneeysa in wanaag badan oo aad sameesay aysan muuqan wabilaahi toowfiiq
Ninkaan shaati weyne marbaa Latinas Iyar marxalada hada wadanku marayo nin lajaan qaadi Kara maaha wadan dagan oo wax walba u dhanyihiin buu kufiicanyahay marka kolay waa aqoonyahan waqtigiisii aan joogin anigu waxaan kutalinlahaa somali haduu waxtarayo arimaha bulshada ka saacid adoo aqoon taada kaashanaya
ku hogaamo walal anigo an jecleyn qof comments kisa in an ku mashqulo hadan wax ka irahdo waxa an ku tagersanhey cumar cabdirashid waxa yalha lagu xasuusto waxa ka mid ahaa 1- in xarumaha ladagalnka burcad badeda laga dhiso puntland iyado awal ey jabuti rabtey in ey isku ekeysisiso mashruca nin ino keney isagu ahaa 2- in puntland logu daro 2xubnood mark kasta oo haydaha ama dowladaha deqaha bixiya calmka ey dowlda kumelgarka cid udirsaneyso in logu daro puntland 2xunood ninki keney isagu ahaa 3-besha harti weyne 7wasiir bey kulahayn xilaga uu mudane cumar risul wasaraha ah mantana mid umelyn mayo hada in an kulenehey cumar geesi bu aha wad xasusata odaysha qabyaladu jar jartey ee xaad key dahan ugu horeyo waxa uu kaga yersiyey oo youtube hada ka egto ah ka heli daroodow hartiyow majereteenew kalaya naga ka xeysta ninkan marka jil jilecui xagee ujoga kuma so kobi karo gesinimada iyo waqabadaka mudane cumar halkan waxana rajeynaya in uu kuso bixi dono lkn yaan la xaqirin aniga cumar qarabo hose ma wadango magaca harti an wadagna lkn ma xaqirayo waxa uyahey wana so dahweyneyna halyeey cumara
wa nin aan aamini karno oo na hogaamin kara daacadna ah
cumar cabdirashiid waanin dhaama faroolahan washay ee odhanaya hadii obama ila tashan waayo punland goaankaa way diiday hadii gboqorada ingiriisku howlaha qasrigeeda ka socda ila socodsiin waydo maamulka puntland way ka soo hor jeedaa hadii dawlada somalia iyo dawlada somaliland wada hadlaan waa inay puntland la ogaysiiyaa cabdirashiid cali sharmaarke waa nin dadka iyo dalka ka ab ka ab taariikhku leh maaha ninkan bilaa taariikhdaa ee ayuutadii australia habraha u ururinjiray ha iskaga noqdo meeshan siyaasad baa la dheelayaa .
cumar waa nin aqootiisa lagu qasaaray oo aan istaahilin in uu xildambe qabto maxaa yeelay waa nin kufiican sidaan qabo in uu shaqaale aan waliba meel sare ahayn un kufiican oo aan muuqan isaga iyo jaamac cali jaamac oo isaguna lamida marka anigu walaahi waan soomanahay beesha ay ka dhasheen ayaan kasoo jeedaa marka 2dooduba walaahi xil inaan udhiibteen waa 2 shaqshi oo daman oo aan kufiicnayn masrixiyada somaliyeed . marka walaalaha amaanta uhayo aad baan uga mahad celinayaa laakiin anigu waxaan ka hadlayo waa malaheyga hadii la i oran lahaa xil umagacawna meelna uma dhiibteen.
ayaan daro daahir iyo waciye
mantaa hadii aad cumar ku sheegteen qof wax qaban karaa ilalhay uga toobada keena hortaa. runtii cumar waa nin u dhalay qofkii somaliya ugu qiima badanaa lakiin ma raciin abihii oo wuxu siyaasad u qabaa iney been tahay, ilalhayna wax nooguma dhiibo kaas,insh allaha wasiir ma mudana in laga dhigo xitaa
Dr Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke,waa aqoonyahan,qonyar socoda ah,waxa uu ahaa mas’ulkii ku dadaalay in ay Somalia,ku meelgaarka ka baxdo. intii uu maamulka hayey,
wax musuqmaasuq ah,ma samayn.
Jaalle qoka Somalilander la baxay,mabdaiino
waa in aysan somalia guulaysan,marka madaama aad u ololaynayso, in somalia la kala gooyo
waxaa cudur kuu ah in somalia ay nabad iyo midnimo,hesho.cidina dunida,waxaan somalia ahayn,oo ay yaqaanaan,ma jirto ee inta ay goori goor tahay dadkiina dhinaca ka soo raaca.
cumar cabdirashid cali sharmake waa nin aqoon yahan ah oo macqula wana nin muwadinimada puntland ku dhertahey waa nin waya araga oo laso shaqeyey haydaha in badana laso shaqeynayey wa nin shrci yaqana lehna so jidasho international coomunity xagodha runti waxan oarankara waa shakhsiga kaliya ee istahila in lo magacabo jagada madaxweynaha somaliya madama u leyehy mamuski iyo sharafti marxum cabdirashid cali sharmake anigu shakhsi ahaan isagan doran laha hadi awoda somliaya ama an xildiban matalya beshia ahan laha waxana filaya in uu kuso bixi dono jagada madaxweynaha hadu ale idhmo guuleyso mudana cumar