Raysul wasaarihii hore Cabdiweli Gaas oo Gaalkacyo lagu soo dhoweeyey

October 19, 2012   //   Warar Somaali

Raysal wasaarihii hore ee dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya xildhibaan C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Xildhibaan C/weli Maxamed Cali “Gaas” oo safarka uu ku yimid magaalada Gaalkacyo ku wehliyeen issimo reer Puntland ah ayaa waxaa si wada jir ah magaalada Gaalkacyo soo dhoweyn ugu sameeyay shacabka iyo masuuliyiinta maamulada Puntland iyo Galmudug.

Madaxdii soo dhoweyntiisa ka qaybgahashay ayaa waxaa ka mid ahaa masuuliyiinta gobolka Mudug iyo degmada Galkacyo, madaxwaynaha maamulka Galmudug Cabdiqaybdiid iyo xubno maamulkiisa ka mid ah.

Dr Gaas ayaa hoygiisa ugu tagay oo kulan la qaatay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ka mid ah issimada maamuuska iyo magaca ku dhex leh shacabka Puntland.

Kulan uu la qaatay islaamka kadib ayaa isagoo la hadlayay saxaafadda waxaa uu mahadcelin u jeediyay shacabka Puntland iyo Galmudug ee magaalada Gaalkacyo kusoo dhoweeyey.

Waxaa uu sheegay inuu booqan doono meelo badan oo ka mid ah magaalada Gaalkacyo oo uu maanta fursad uhelin inuu booqdo, waxaana uu intaa raaciyay in shacabka uu uga warbixin xalaadda dalka uu marayo iyo waliba guulihii ay gaartay xukuumadiisa.

Shalay 18,10,2012, ayay ahayd markii xilka uu sirasmi ah ugu wareejiyay raysal wasaaraha cusub ee dalka loo magacaabay Cabdi Shirdoon Saacid.

Puntland-News24
Gaalkacyo.

COMMENTS

RSSComments (10)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. runsheeg says:

    Run sheeg, ilma faroole horta intaad dadka magaca ay wataan u deyso, adigu waxad noo sheegtaa faroole muxuu puntland u qabtey aan ka aheyn wuxuu beeshiisa ciisa riyoole u qabtey intuu qarkood aragii kasoo kaxeeyey?????????????

    adigase adigoo kamida ciisa riyooladii barre hiraale kismaayo kasoo cayriyey layaab malahan in qabyaaladii iyo qurunkii kismaayo Puntland latimaado adoo faroolahan wakhtigiisii dhamaaday qabyaalad iyo ciisa riyooluu wax ka dhigey ku taageeraya.

  2. labadii qof ee xaaraanta ku heshiiya xalaashay ku coloobaan (faroole iyo gaas )

  3. Run sheeg says:

    Ninkaan muxuu u danleeyahay? muxuu u qabtay puntland markuu xukunka hayey? yaan la idin qaldin ee ka fiirsada qofkaad dooraneysaan!!!!!!

  4. ahersi says:

    p/land waxaa eey u baahan tahay in laga bad-baadiyo burcad diimeedka hogaanka talada u qabtey kaasoo laayey umad ka badan lababoqol oo qof …iyagaana wax leynhayewy iyagaana wax baarahayey…taasi waa nasiib darro …midda kale burcad diimeeedka wahaabiyada saameeynta weyn ku yeelatey jf somalia sabab weyn waxaa u ahaa hogaanka hadda hayey talada ee faroole oo eey wahaabiyada dabada ka riixeeysey..kuwaasoo meel xun dhigay somalia iyo p/land inataba .

    P/land waxaa eey leedahay aqoon yahan ..iyo wadaniyiin aan lug ku laheyn burcad diimeedda magacyada badan..hogaankana u qaban kara ..kana bad baadin kara somalia iyo p/land-ba dhammaan b ujrcad diimeedka wahaabiyada ee wadanka sida xun useydhareysey.

    p/land waxaa eey u baahan tahay aqoon yahan daacad ah ooo dibadda gaar ahaan reer galbeedka iyo mareykanka wax laqabsan kara iyo wadamada dowladaha dariska ah…iskana dhicin kara kuwa sida xun ula dagaalama somalia ee eey ugu horeeyso dowladda qaddar iyo sacuudiga ee burcad diimeedka somalia haista ku ah ..saldhigayada u ah.(qaddar *sacudiga).

    gacmo furan baan kusoo dhaweyneynaa dhammaan aqoon yahanka somalia gaar ahaan kuwa reer p/land si loo bad baadiyo dalka guud ahaan. gaar ahaan p/land oo hurmuud u ah fedelaaka somalia iyo dowlad nimada intaba.

    waana arin muddo lagasoo shaqeeynhayey in gudaha eey isugu yimaadaan dhamaan aqoon yahanka p/land oo p/land laga bad baadiyo burcad diimeedka magacyada badan…!!

  5. osman mussa says:

    anigu waxan oran lahaa Gaas waa in uu isku soo sharaxaa puntland si loo badbadiyo madama ay joogto marxalad aad u xun maanta waxan jeclaan lahaa in nafta iyo maalka loo huro sidii puntland loo badbadiyo loona soo doorto nin muwadiin aan wadan xadeyn

  6. Wellcame hone Dr gaas ujeedoyinka gaas u yimid puntland waxaa ka mid ah siduu u dhameyn lahaa khilafka ka jira puntland ee ah mudo kordhinta xukumada faroole waxa una wada hadal toos ah la yelan doona isimada waxgaradka aqonyahanada shacabka puntland dhamantood ka dibna wuxu la kulmi doona xujumada faroole iyo barlamanka si u uga dha dhiciyo hadey wax fhcan qabten in ay doorasho adan si ay fursad u helan in mar kale laso doorto waa xukumada farole o jabweyn ku ah dadka talada hada haya ogow marna kama marna in Mudane Gaas u kala kulmay farole xiligii lagu jiray doorashada madaxweynaha somaliya 3 wareysi u kala siyay daacadaha VOA iyo BBC oo u ekaa kuwa lid kuwada ah Gaas taagero badan o doran laha halkas ku waayay by kamatage

  7. Mohamed says:

    Asc wr wb. Wlc Back Dr Gaas to your homeland Gaalkacya. Waxaa ku talin lahaa Dr Gaas inuu utartamo xukunka Puntland maxa wacey waa nin wadani ah, educated ah waxna uqaban kara puntland, degena, naxariis badan, dalkana gaarsiin kara horumarka, qaban shahaadada ugu sareysa dunida PHD of Economic. Waa nin ka bixin kara Puntland dhibaatada haddeer heysata, una horseedi kara Puntland. Waxaa kaloo kula talin ;laha Dr. Faroole your time is over thanks the good job you’ve done in Garoowe but you forgot the rest cities of Puntland including Bosaso, Gaalkacya, Qardho, sanaag, laascaanood. Utanaazul Dr Gaas bay ubaahan tahay Puntland today. asc wr wb.

  8. Aad iyo aad ayaan u taageersanahay imaanshihiisa iyo soodhawayn tiisaba

  9. Asc dhamaan shacabka iyo maamulka iyo masuuliyiinta puntland meel ay joogaanba bacdal salaan waxaan iyana halkaan uga gudbinayaa maamulka iyo shaqaalaha shabakada puntlandnews24.com waan idiinka mahad celinayna sida aad markasta ugu heelan tihiin usoo gudbinta dadkiina wararkii ugu danbeeyey iyo mar xaladaha ugu danbeeya xaalada dalku marayo haday tahay tan mandaqada iyo haday tahay tan guud ahaan dalka somaliya intaas kadib waxaan laqabnaa shacabka gobolka mudug iyo dareenka shucuubta gobolku kusoo dhaweeyeen raisal wasarihii hore ahna xildhimaan hada katirsan dowlada federaalka ah mr.cabdi wali maxamed cali gaas iyadoo aan hubo inay dhamaan shacabka puntland oo dhan ay soodhawayn doonaan socdaalkiisa ku wajahan ukuur galida dalkiisa iyo dagaankiisa iyo dadkiisa uuna ugu yimid xog iswariysi iyo isla socodsiin xaaladaha guud ee mar xalada dalku galay sidaas awgeed waxaan uga mahad celinayaa mr cabdiwali gaas socdaalkiisa
    uu ku yimid dhulkiisa iyo shacabkiisa reer puntland aad iyo aadbayna muhim ugu tahay dad ahaan iyo dagaan ahaan iyo dowlad ahaanba sida qiimaha iyo wax garadnimada ah ee aad ugoosatay inaad dadkaaga iyo dowladaadaba aad isaga xog waraysataan xaalada guud ee dalku marayo iyo kamaamul ahaan kaalinta kaga aadan in loo diyaar garoobo dowlada cusub ee dalku yeeshay iyo sidii loola jaan qaadi lahaa dhankasta

  10. Wadaadkii badanaa Isla naso adeer maalmo adiyo saaxiibkaa farmaajo baafalo shaaha ku wada caba kana sheekaysta waxqabadkiinii hadalkeenana mar walba ku soo dara roadmapka iyo ilka caddayn. Hadda intaad puntland joogtid buffalo waxba ha ka sheekayn waxba jawiga hadda jira ka badali maysee , midda kale maanta waxaad nasiib u yeelatay in aad ka sheekayn kartid halkii sano ee waalida ahayd

Leave a Reply