Raysulwasaare Saacid oo sheegay maamul usamaynta gobolada ay ku xiran tahay rabitaanka shacabka
October 20, 2012 // Warar SomaaliRa’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saacid ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumaddiisa ay maamul u sameeynta gobollada dalka ku saleeyn doonto rabitaanka dadweynaha,
Mudane Saacid ayaa sheegay in maamul u sameynta gobollada dalka ay ku xiran tahay hadba sida ay shacabku doonayaan, isagoo xusay inaysan dhacayn inay kor geeyaan dadka gobollada ku nool maamul, balse ay raacayaan hadba sida ay dadku u doonayaan cidda maamulaysa.
Waxa kale uu Ra’isulwasaaruhu ku boorriyey qurba joogta Soomaaliyeed iney ka qeyb qaataan dib u dhiska dalkooda.
Ra’isulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa hadalkaan ka sheegay khudbad uu xalay qadka Telefoonka uga jeediyey xaflad ka dhaceysay Magaalada Orebero ee dalka Sweden taasi oo ay Jaalliyadda Soomaaliyeed ee magaaladaasi deggan ku taageerayeen Dowladda.
Mudane Saacid ayaa ka hadlay doorka ay Jaaliyadaha ka qaadan karaan dib u dhiska iyo horumarka dalka, isagoo ku celceliyay sida lagama maarmaanka ay u tahay in la helo isku duubni Soomaaliyeed si loo wada shaqeeyo shacab iyo xukuumadba, isagoo hoosta ka xariiqay in xukuumaddiisu ay maamul u sameeynta gobollada ku saleeyndoonto rabitaansha shacabka.
Sidoo kale mudane Saacid wuxuuku nuuxnuuxsaday in uu hadda waqti siinayo wada tashiyo ku aadan xukuumadda uu soo dhisi doono, taas oo uu tilmaamay in ay noqondoonto mid tiro yar oo leh tayo wanaagsan, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in ay wax ka qabandoonto xaaladaha adage e dalka ka jira.




Salaan to all ofyou. Haddaan eegay xaalada soomaliya iyo midda Puntland waxaan oran lahaa Soomali waxay gashey 4 years oo Murugo ah, Puntland waxaa xukunkeedii ku waashey Oday Faroole la yiraahdo oo waqtigiisa sii liicayo.
Soomali iyadda halkaa is dhigdey waxaad diideen ruux cilmi leh waxaa idiin yimid kuwa ka daran Sh Sheriif. Midkaan isku sheegayaa R/Wasaaraha soomaliya umaleyn maayo inuu wax kabadli karo xaalada soomaliya maxaa wacey waa nin iska ah maqaar saar ah una adeega ninka hadeer xukunka soomaliya ku fadhiya kana been sheegay hhis education. Sida eeynu kawada maqalney VOA waxaa la keenay 10 nin oo saaxiib lahaa Madaxweynaha isku schoolna kasoo baxay waxa sheegeen ninkaan inuusan xataa heysan shahaadada Bachelorka ee 4 years uu kasoo baxay iskuulka tababarka ee ku yiil Muqdishu. Midka kale ee isagana laga dhigey r/wasaaraha waxaa uu ahaa Khaad wale, bal Alle idinku dhaarshey inttee lagu arkey waxaasoo kale inay umad hogaamiyaan. Walee ceeb baa soomali utimid. Madadxweyne intee lagu arkey qabiiliiste ah xataa aan xishooneyn kana yiri BBc gobolka hiiraan ha sameysta Maamul balse Kismaaya anigaa usamaynaya Maamul. Waxaas baa leh umad baan hogaamin. Haddan xagga Puntland usoo noqdana waxaa burburiyey Faroole oo wiilkiisa maxamed uyahay adviser bal intee lagu arkey nin weyn oo caruurtiisa ka dhinaya lataliye kaa baa leh umadda Puntland baa u ahay Preisdent. Waxaa ku waanin lahaa cuqaashii dhistey Puntland faroole hana dhaafo January 7-2013 yuusan nagusoo noqon waa nin madax kakan, caay badan, lacagtii Puntland xadey, garonkii boosaso wax kale iskadaa aan marin wadadii, xaqoodii duudsiiyey, dhex fadhiya garoowe. hala raadiya ruux ruug cada ah, educated ah , ehlu diin ah, shacabka isu keena, soo xira xuduudaha Puntland,dhaqaalaha dhisa, shaqo usameeya umada puntland, udulqaata cuqaasha kana dambeeya, dhageysta talada odayaasha iyo shacabkaba, kana ilaaliya cadoowga Puntland, Puntland waa dadaashey laakiinse waad ku qasaarteen dawladii aad dhisteen, laba mooryaan baa Muqdishu idiin fadhida cadoow ku ah Puntland, halagu dadaalo inay labadaa mooryaan Puntland soo gaarin, sida aan la socona madaxweynaha soomaliya waa cadoowga ugu weyn ee lee yihiin Puntland. That’s the facts il gaar ah ku eega hadalkeeyga waxaa dhici doonto inaad taraahdaan waanadaa waa diidney balse one day you will regreg. acs wr wb
waar ninkan qabiilada tirinayaa muxuu ahaa
inagodane ayaad ilowdey 4.5.
Wa arin wanagsaan balse gobolada juboyinka arin cakiran katagantahay mana umalenayo ine xasili donan ilaa dadka kuso dulay aykalabtaan juboyinka 9 beel aya dagto 1 bel oo qaas uleh majirto wa 2 gobol oo sher ah marka. Wain mamulka laga wada sima hadikale oo aysan cadalad dhicin de wa burbur horleh. Dolwladi. Siyad bare ba ku burburtay dacalad daro ay samesay. Marka raisalwasare arinkasa xoga saar oo 9 kas beel xaqoda u sima 1 ogaden 2 shiikhaal 3 marehan 4 galjecel 5 awro maleh 6 warday 7 jarerwayne 8 bajuun 9 biyomaal. Intas aya ilahay kuberay oo magalo ila tulo ku dadsan marka dadkas xaqoda yan la xaqirin wa hadiii dowladnimo larabo