Reer Puntland faro badan oo Muqdisho ku qul-qulmaya [warbixin]

June 27, 2012   //   Warar Somaali

Siyaasiyiin, waxgarad iyo shakhsiyaad kaleba oo kasoo jeeda deegaamada Puntland ayaa maalmihii u dambeeyey ku qul-qulmayey magaalada Muqdisho caasimada dalka Somalia.

Sanadkan wuxuu noqday sanadkii ugu badnaa oo dad kasoo jeeda gobollada Puntland oo qaarkood aan waligood ka ambabixin Puntland ay haatan u bakhoolaan caasimada Somalia.

Inkastoo duruufo kala gedisan ay dadkan u socdaalayaan, hadana waxay isugu jiraan dad sheeganaya inay baxsad yihiin kadib markii ay xamili kari waayeen caburin iyo shirqoolo iyaga ka dhan ah, halka dadka qaarkiisna ay bari-taarayaan inay hoos galaan dowlad dhexe ee Somalia oo aan la kala xigin.

Todobaadkii hore oo kaliya waxaa Muqdisho kula kulmay dad ka badan 48 qof oo laba todobaad ka yar Muqdisho ku yimid iyagoo kasoo safray magaalooyinka waaweyn ee Puntland gaar ahaan Boosaso iyo Gaalkacyo.

Sidoo kale waxaan Muqdisho kula kulmay aqoon yahano reer Puntland oo qurbaha ka soo safray, kuwaas oo ii sheegay inay kulaalayaan arrimaha siyaasada dalka oo haatan marxalad xasaasi ah maraya.

Xaalada caasimada oo haatan soo hagaageysa waxaa kaloo Muqdisho ku sugan siyaasiyiin, issimo iyo aqoon yahano kasoo jeeda Puntland oo dhamaantood Muqdisho u tagay arrimo u badan dhanka siyaasada iyo xiliga kala guurka.

Mid kamida dadkii aan kula kulmay Muqdisho oo isagu kasoo jeeda gobolka Bari ayaa iisheegay inuu u soo guuray Muqdisho, kadib markii uu dayac tir ku sameeyey gurigiisa oo ku yaala nawaaxiga Via Liberia.

Todobaadkan waxaan si kedis ah Muqdisho ugula kulmay Gudoomiyaha isbedel doonka Puntland Muuse Cali Jaamac oo isagu ku dhashay magaalada Muqdisho, waxna kusoo bartay caasimada ilaa sanadihii 70-aadkii.

Muuse ayaan weydiiyey sababta uu haatan Muqdisho u yimid, isagoo ii sheegay inuu u yimid inuu ka qayb galo howlaha samata bixinta dalka iyo soo celinta qaranimada Somalia, maadaama uu yahay nin siyaasi ah oo wax badan kala socda arrimaha Somalia.

Muuse Cali Jaamac waxaa uu iisheegay inuu Muqdisho ay ugu dambeysay 1990-kii, haatan uu ku faraxsan yahay sida ay Muqdisho u soo kabanayso, isagoo xusay in Muqdisho ay noqotay magaaladii ugu bur-bursanayd Africa oo dagaal si weyn u halakeeyo.

Xaalada Muqdisho ayaa haatan si weyn u soo hagaageysa, waxaana dareemeysaa inay magaalada nabadgelyo tahay adigoo socon kara xiligii aad doonto, waxaana magaalada soo camiray qurba joog iyo siyaasiyiin mar hore ugu dambaysay caasimada.

Puntland News-24

Muqdisho, Somalia

COMMENTS

RSSComments (19)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. imran says:

    @ Nur thank u walal dad jahwarer hayo oon waxba kala ogayn ba rumaysanaya nacnacda tv yada qarkood xamar wax yaal baba iska yar meel aanad amaan ku sexanayn oo shayadiin dadka qarxinayso weeye hada nabada yar ee malmalhan la shegayo ma ahan wax niyada been loogu shego xamar wa mida la ogyahay umada ku nool waa uun kuwi aan wada ognahay marka puntland dadow wa hoyga nabada shekada raqiiska.ah yan la gadan oo dhulkena qimaha leh lagu caasiyin asaga somali oo dhan ku soo qaxday oo aman gashay cidna cid ka xigin

  2. Muqdisho caasima uma qalanto, dani uguma jirto shacabka somaliyeed in ay u noqoto caasimad

    Muqdisho waa in caasimada laga badalo oo caasimad cusub somaliya laga raadsho, mid martideeda nabad galiso sharaftooda iyo hantidoodaba.

    Muqudisho hadii caasimad loo dhaafayo waa inay magdhow bixisaa naf, maal iyo dadki barakacay oo hantidoodi lagu kalifay in si rakhiis ah looga iibiyo si degaagka looga barakaciyo oo beesha haatan sheegato dhulki dadki somaliyee oo 100 sano dhisanyeen u hantaan si fudud oo burcadeednimo ah.

    Guriyihii beelaha Soomaali ween oo idil waa in lasoo celshaa Xataa kuwi ay iibsadeenba waayo waa lagu kalifay cabsi galin owgeed iyo salkacin.

    Fikir cusub oo Somaliland,Puntland, Galmudug iyo Soomaaliween qabto

    Mahadsanidiin.
    Somaliween

  3. daacad says:

    laga soo bilaabo xiligii la yagleelay maamul goboleedka puntland run ahaantii shacabka reer punland oo ah shacab aad u wanaagsan ma helin hogaan ku dhisan cadaalad iyo horumar,14sano hadii lahelilahaa hogaan daacad ah oo ka fekeraya mustaqbalka iyo horumarka dalka,puntland waxay noqon lahayd meel aduunka miisaan weyn ugu fadhida,somaliyana wax weyn ku soo kor dhisaa laakiin maanta waxay miisaan la noqotay magaalooyinka la leeyahay waa maamul goboleedyo soomaalidu waxay tiraahdaa laxiba shilaylka is dhigtaa lagu qalaa,waxaan idiin sheegayaa arinta dhabta ah waxaa xanbaarsan maqaal dadku waa hayaan waa ninba jaahi jarmaad iyo meeshii ceshata waa mirihii dawladnimaa tabtaa lagu dhaqaa tacadi sow maaha,wa

  4. adan says:

    @ Xareed: xuriyatul qawl ka baad khalad ka fahamtahay, hadduu qofku been sheegooo ummadda belaayadeeda, bagyi, iyo xumaanteeda ka shaqeeyo fasahaadinteeda dee walaal adduunka dawlad ama maamul yeelaya qofkaas oo kale ma jiro waana sax in laiska qabto, maxaa laiskaga qabtay sharwadahaasoo kale haddi aad leedahay dee taasi waa mid adiga kuu goonni ah lagaana yeeli maayo.

  5. mahdawi. says:

    xamaray wa lagu xumeyay ya ku xalmarindoona dadka rer puntland muqdisha kama marmaan lkn wali waqtiga wa dhimanyahay…

  6. Xareed says:

    Kuwa dhahaya caburin ma jirto, walaalayaalow maad ilaahay ka yaabtaan imissa qof ayaa family faroole u xiran, imisa qof ayaa family faroole dalka uga cararay habeenimo, aaway bile qabowsade sow wali xabsi kuma jiro miyaa maxkamad la keenay? aaway madaxmed yusuf, aaway suldaanadii kale ? imisa shakhsi ayaa ku xiran just inay ka hadleen arrimaha Puntland, adeerayaalow maad ilaah ka yaabtaan ma waxaan xabsi u gelayaa inaan masiirka dalka wax ka dhaho oo fikri ah ? ma waxaa la igu dilayaa ama la igu shirqoolayaa inaan xukuumada toosh ku ifiyo? aaway xoriyatul qawlkii Puntland? sowtii Puntland la wada dhistay goorma ayaa garoowe sida xamar wax walba loogu safraa? wax walba oo aad dowlada uga baahato jawaabtu waa kaalay Garoowe. caburis baa ka jira Puntland nin hadli kara maleh, 3 billood ayuu faroole maqan yahay bal cid juuq dhahda itusiya. imissa qof ayaa hargeysa iyo muqdisho iyo wadamada deriska u baxsaday iyagoo ka baqaya in xabsi lagu ilaawo ama la khaarajiyo. anigu puntland waan kasoo cararay hadana kenya ayaan joogaa mana ku noqon karo, taasi ma dimoqraadiyad baa? taasi ma wanaag baa??

  7. Gacaliye. says:

    There we go again, forgeting the old Somali song, “edaadka soo maray umul baa iloowdee”….! Those idiots who survived by escaping the 1991 genocide in Muqadisho, leaving all they owned are returning to that ruin city 2012, KKKKKKKK!

  8. qardho boy says:

    aad iyo aad ayaan uuga xumahay warkaaan
    reer Puntland ma umul baa ilawsha dhowaa
    soo tii shalay aheed marka guryahooda xoog looga saaraye oo la laayay
    waar aabihin waseee. PUNTLAND IMAAADA
    iyadaa idin baahan. xoola yahay. fucking shit

  9. Hassan says:

    Cajiib badanaa wuxu leeyahay puntland waxbaa lagu caburiyaa war warxumada saxaafada ha laga daayo . Puntland wa mida somali oo dhan haysa wixii ka dambeeyay burburkii dawladi dhexe . Nimankan wa niman wada iska dhaadhicin waayo hadii ay dhahaan puntland wa wadan wanaagsan runtii sida badan wa la soo afjarayaa marka wa sharcigi ay kujoogi lahaayen xamar .

  10. Nur says:

    safarkaygii muqdisho
    walaahi asbuucii hore ayaan xamar ka soo noqday maxaanse ku soo arkay hadaan runta idiinka sheego.
    magaalada waxa loo kala degan yahay qabiil qabiil oo hawiyuhu isuma gudbaan waxaaad maqlaysaa xaafada saleebaanka, sacadka, abgaalka oo iyaguna sii kala baxbaxa. magaalada dhamaanteed waa dundun san tahay oo meydadkii dadkii lagu laayey 1991 ayaa ku aasan dadka qaarkood waa ka baqaan habeenkii oo waxay ku leeyihiin habeenkii waxbaa ka ifa ama qayliya. cida aad aaminaysaa ma jirto ninwalba cabsi ayaa ku jirta. midkan muuse cali jaamac ee aan isku reerka nahay hoteel ayaa lagu ilaaliyaa isaga iyo kuwo kale oo la yiri waa xildoon oo puntland ayey ka yimaadeen. muqdisho waxa silica iyo halaaga ku dhacay u dheer waxa aad ugu soo batay xanuunada sida cancerka iyo kuwa dareemayaasha ku dhaca waayo ciida ayaa aad u sumaysan oo suntii ay kaga tageen dagaaladii magaalada ka socday ilamaa 1991 ayaa keenay oo heerka radiation ayaa ah mid aad u sareeya. waalidiin badan ayaa ilamahooda kala cararay una bakhoolay magaalooyinka u dhowdhow ama kenya.
    magaalda waxa ka nabada inta ciidamada africaanku ka joogaan meelwalbana waxa taal isbaaro ama jidgooyo ay dhigteen ciidamo ku sheega oo qabiil qabiil u kala fadhiya. ciidamadu dadka waa dhacaan oo guryaha qaarkood waxad arkaysaa islaan hor fadhida oo barooranaysa iyadoo leh ciidamo ku sheegii xooga dalkaa i dhacay. ciidamada dhamaantood waa moryaantii qabqablayaashii dagaalka iyagaana moodaa inay dib boorka iskaga soo jafayaan. Goobaale abaandulhii dooxatada juba waxa loo dalacsiiyey jeneral waxa dadku ii sheegeen inuu xakumo ciidamada jooga ceelasha biyaha oo jifadiisu degan tahay. gudooomiyayaasha xaafaduhu waa wada abgaal meelaha xoogaaga laga dhacana waxa jooga harti abgaal oo ah lafta shariif roseto oo aha magaca dadka muqdisho u yaqaanaan.dad badan oo qaybaha kale oo soomaaliya ka yimid ayaan arkay una yimid laba sababood. inay guryahoodii gataan dibna ugu laabtaan degaanaday ka yimaadeen iyo qaarklale oo u yimid inay dhaqaatiirta turkiga arkaaan si ay isu daweeyaan.
    waxan idiin sheegayaa yaanan la dhegaysan dicaayadaha Universal tv iyo Tv yada xamar meesha walaahi bayan waxba u ool.

  11. Xareed says:

    Aad baan uga xumahay, in aad puntland waxaan jirin aad ka sheegtaa. Puntland dadka luguma caburiyo.waxaad wax ka qortaan dadka had iyo jeer puntland caaayah, sida reer muqdidho iyo reer hargaysa.

  12. imran says:

    Xamar sow midan ogayn mahan dalkina haku casiyimina ya yirahda umadan wareersan

  13. guure says:

    aad ayaan ugu xumahay maqaalkan aan loo meldeyin waxaan orankaraa waa nooc ka mida dacaayadaha raqiiska dal cay iyo dad cay lama noqdo xamarna waxyaalaa ma jiraan

  14. Dadka rer puntland waxan kula talin lahaa iney arimo siyaasad.qabilsan kaliya iney mogadhisho u tagaan.eeyan u tagen.iney degaan Ka dhigtaan magaalooyinkodi u camirancamiran. Nin weliba gobolkisa hakulaalo

  15. ahmedpunt--------------- says:

    saxaafaddu waxa wanaagsan ha usoobandhigto dadka aay u tahay indhaha ,waxaan leeyahay saxaafaddu mafiicna in wax kasta la’iska sooqoro ama hajirto ama yeesan jirine ,waayo waxay keeni kartaa khatar kasiiween waxa aay sheegeen , tan kale qurba joogta puntland waa in aay dhaqaalaha waddankooda hooyo galiyaan una soodalxiistagaan taas oo dhaqaalaha kor usooqaadaysa,waxaan dadka reer puntland kasoojeeda aan leeyahay xamar ma’idin baahana ee waddankiina camirta oo dhaqaalaha galiya,muqdisho waa caasimad ,caasimadna waxaa kufillan saldhiga dawladda aay utahay iyo caalamka kale ,laakin meesha la’illaawayaa waa gobolada runtii,midda iigu dambaysa waxay tahay 1991 yaanan dib loogu noqonin …..
    mahadsanidin

  16. XAQIIJIYE says:

    Ha lalaayo dhammaantood. Waxay ku caasiyeen dalkooda iyo dadkooda PUNTLAND.

    Yaynaan berriba nagu soo noqonin marka qaarkood guryaha loogu galo lana gowraco!!!

  17. karkaar boy says:

    waa wax wanaagsan in somali makala maaranto oo umadan awalba gaalo ayaa kadambeysay in lakala dhex dhigo cadaawad aan dhamaan oo ku kalifta in nin kastaa uu soo xirto tuuladiisa marka haatan waxaa muuqata ififaalo fiican . mida kale umadii waxaan filayaa haatan qibarad uma yara marka wax badana waa ay laaban yihiin marka waa in lagu dadaalaa midnimada iyo soocelinta qaranimadii dalka uulahaa iyo dad kuba.

  18. adan says:

    KKKKK, Muqdishaa hadda isbadalaysaa ee yeysan ku dhaafin, Muusow.
    Kuwan qurbaha ka yaacay wey sahlan tahay si mar labaad Muqdisho looga soo yaacsho goorta danta laga leeyahay laga gaaro.
    Ilawsha dhowaa ma umulbaa.

  19. ABDIRAHMAN says:

    walaal puntland cidna iskuma cabburiso annaga ayaa ka soo jeedna ee waxaad dhahdaa dadkaan dana kala duwan ayay u aadeen muqdisho ha dhihin cid baa cid caburinaysa thanks.

Leave a Reply