R/wasaaraha Sweden oo jeediyey Khudbadii Sumerka (Xagaaga 2012) Sociolog Kahin Enow oo Matalayay Guddiga Caasimada
August 19, 2012 // Warar SomaaliStockholm: Prime Ministerka Sweden Mr Fredrik Reinfeldt aya Maanta oo Taarikhda ah 18/8/ 2012 maalin Sabti ah sacada 13.00,ka jeediyey Khudbadii Xagaaga oo sanad kasta la qabto, waxaa markaan lagu qabtay Xeebta quruxda badan ee ku taal Gustavsberg, halkas ay isugu soo baxeen taageerayaasha Xisbiga oo aad u fara badan ee Dowlada Sweden, weliba siyaasiyiin iyo aqoon yahanno. Prime Ministerka waxaa uu ku bilaabay qudbadiisa salaan iyo weliba farxad uu ku faraxsan yahay dadweynaha taageersan siyasada xisbiga haya talada Dalka Sweden ee lagu magacabo Moderat. Khudbada wax uu kaga hadlaay arrimo fara badan.

Dalka Suriya:
Prime Minister Fredrik Reinfeldt waxaa uu ku bilaabay dhibaatda iyo xasuuqa ka taagan dalka Suriya, taas uu ah mid aan loo dulqaadan karin, ayuu yiri. Suriya waxa lagu xasuuqay dad shacab ah oo aan dembi gelin, Ciidamada Suuriya ayaa uu u adeegsaday Madaxweynha Suriya Mr Bashar Al Asad, kaas oo ay Taankiyada dowlada ku xasuuqaan shacabka reer Suriya, arrintaas waxa isku dayay in ay wax ka qabtaan UN-ta , nasiib darro waxa hor istaagay dalka Rushka, oo aad u taageersan xasuuqa dadka shacabka ah, waa nasiib darro, in Ruusha uu ku noqday caqabad UN-ta. Dhibatada kale oo jirta waxay tahay in Mucaaradka Suriya aysan mideysneyn, lakiin annaga ka Sweden ahaan,
Dowlada Sweden waxay diyaarisay Qorshe ah in aan ku casuno Mucaaradka Suriya oo idil Stockholm oo ay ku qabsadaan Conferens, si bal ay u mideeyaan Siyaasadooda iyo xoogooda, oo ay u yeeshaan Ajenda Qura ah ayuu yiri Mr Fredrik. Sweden waxaa qaxooti ahaan u soo gala asbuuc kasta 200 Qaxooti Suuriyan ah, waa in aan ku soo dhoweynaa dalkeena oo la siiyaa magangelyada ay u baahan yihiin. Sidii aan u soo dhoweyney qaxootigii Ciraaq. Taas maanta ay Ciraaqiyiiin fara badan ku nool yihiin dalka Sweden. Sababta oo ah Sweden oo caan ku ah soo dhoweynta dadka ay dagaalada aafeeyeen. Mr Fredrik ayaa wuxuu dhaleeceeyey hogaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha ee mucaaradka ah ee la yiraahdo Stefan Löfven oo ah nin aan ilaa hadda aan laga arkin TV-ga iyo wargeesyada, isaga oo xisbigiisa iminka hogaanka u haya ilaa 6 bilood, aamusnaan dorasho laguma galo. ayuu yiri Prime Ministerka Fredrik. Waxaa uu yiri Fredrik : Weli ma idinku jiraa nin maqlay Stefan Löfven oo hadlaaya, aamusnaantiisa waxa loo micneysan karaa in uusan hayn wax ajenda Siyaasadeed ah oo uu u sheegi karo dadweynaha, waxaanse u sheegayaa in aamusaan aysan ahayn hogaamin iyo siyasad toona.
Sweden waxa ay caan ku tahay in ay ku horumarto cilmi baarista, taas oo uu adduunka maanta uu noqday mid isku xir xiran, oo ay warshadleyda ama ganacsatada reer Sweden, ay ka furtaan warshado dalalka Dibadda sida Shinaha, Hindiya, United Arab Emirates, Saudia, Kuwait, Brazil iyo kuwa kale oo badan, islamarkaas waxa naqa dhexeeya dadlkaas xiriir ganacsi. Marka waxa loo baahan yahay in aan horumarin joogta ah iyo wax soo saar cusub oo aan kaga horeyno dalalka kale in la helo, sidaas darteed waxan ku dareyna Budget-ka (miisaaniyada) Dowlada dhaqaale loogu tala galay horumarinta iyo wax soosaarka warshdaha iyo weliba cilmi baarista.
Kooxda Kobbada Koleyga Tensta Tigers
Prime Ministerka Fredrik oo ka hadlay dhalinyara nimadiisa markii uu dhiganayay dugsiga hoose- dhexe ayaa sheegay in ay degenaayeen xafada la dhaho Bromsten halkaas oo ku dhow xaafada ay Somalida hadda ku badan yihiin oo la dhaho Tensta. Tensta waxaa ka jiray Koox Kubbada Koleyga ah oo lagu magacaabi Jiray Tensta Tigers oo uu ka tirsanaa Fredrik oo uu u aadi jiray Ciyaar-ta iyo tababarka. Aad ayaan u fahmi karaa ajaanibta ayuu yiri, waaxan doonayaa in ajaanibta ha la siiyey magangelyada iyo dadka halkaas deggenba in ay noqdaan dad si buuxda uga qayb qaata horumarinta dalka, islamarkaas laga faaiideysto waayaaragnimadooda.
Infrastructur ( Wadooyinka Tariinada, Wadooyinka Gaadiidka, Baabuurta)

Waxan maalgelin ku sameyneynaa dheeraad ah sidii loo horumarin lahaa wadoonka nooc kasta ha ahaadeen, sababta oo ah Caasimada Stockholm aad ayay u balaaraneysaa, isla markaas magaalooyinka ka fog fog iyo tuulooyinka qudhooda waxay u baahan yihiin wadoonyin tariimo iyo wadoonyinka babuurta oo casri ah, si loogu fududeeyo dadka isu socodka magaalooyinka oo uu dalka noqodo, mid si sahal ah loogu gaari karo meel kasta, iminka wadoonyinka waa kuwa wanaagsan lakiin waa laga sii hagaajinayaa, waxaa la dhisayaa waddooyin kale, si gadiidka iyo tariimada oo si fudud isaga gooshaan meel kasta, xataa Tunnel Banaha (Subway)-ga ku yaal Stockholm waa la sii kordhinayaa, xagga baaxadiisa (Capacity)
Company-kasta waxa uu ku xisaabtamaa meesha uu maalgelin ku sameynaayo, halka uu u suuq geynaayo alaabaha uu soo saaro faaiidada soo geleysa, iyo weliba cashuurta uu bixinaayo, sidaas darteed hadii aan fulinay cashuur dhimid baaxad leh, maanta sidii noqn meyso : we had low and competitive corporate tax. That is not true today, ayuu yiri Prime Ministerka.
Suuqa Shaqada (Labour Market)
Qofka bani aadanka ah waxa uu u noolyahay in uu shaqeysto, oo meel iska soo saaro, oo isku filaado, si uu lugihiisa ugu istaago uusan cidna u baahan, maahan sida ay Xisbiga Social-ka iyo Mr Stefan Löfen ay leeyihiin waa in la siiyaa dadka mucaawino ay ku noolaadaan, waar waxaan leenahay dadka waxay rabaan in ay shaqeystaan ee dooni maayaan xoogaaga yar ay ka qaataan xafiisyada caawiya dadka shaqo laáanta ah. Lakiin waxa weeyaan dhibaatada Shaqo bixiyeyaasha oo had iyo jeer wata shuruud ah waxay dhahaan : Waxaan dooneynaa qof wata shahaado fiican, xirfad leh, waaya aragnimo leh, aan ka weyneyn 25 jri, taas waxan u aragnaa xujo , lakiin xujadooda waa in si uun loo xaliyaa. Siyasadeena suuqa shaqada waxay tahay, in wax laga beddelo skoolaad-ka qaarkood, oo waxan furnay skoolaad xirfaddo ah oo lagu jaan gooyay, codsiga ay wataan shaqa bixiyeyaasha oo ah hantileyda iska leh warshadaha, marka howshaas aan qabanay oo cusub , waxaa mireheeda la arki doonaa markii ay ardeydii ugu horeysay ay ka soo baxaan skoolaad-kaa, marka waa in aad na siisaan fursad ah in aan idin tusno natiijada howsha aan qabanay, oo aad codka siisaan doorashada 2014 Xisbiga Moderat-ka.
Waxaa Siyasiyiinta ka Socday Caasimada Stockholm ka mid ahaa Sociolog Kahin Enow, oo qayb weyn ka ah dejinta Siyasada, iyo horumarinta Xisbiga Moderatka Stockholm.
Sweden /Stockholm






Dr Kahin Enow Caadi maaha , Maashaa Alaaah, waa Nin Aqoonyahan ah, Siyaasi ah, Diinta ku fiican waxaan u soo jeedin lahaa Somalida joogta Sweden, iyo guud ahaan-ba Somaliya oo dhan in ay ka faaideystaan. Dr Kahin waa nin aan aqaan guul ayaan kuu rajeynaa