Ra’isulwasaaraha oo ka jawaabay hadalkii madaxweyne Shariif

August 16, 2012   //   Warar Somaali

Raysalwasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Dr.Cabdiweli Cali Gaas ayaa sheegey in aysan jirin macne loo yiraahdo xukuumaddu saameyn ma yeelan karto, Xukuumaddu waa jirtaa, Madaxweynuhu waa jiraa ilaa xukuumad cusubbedesho ayuu yiri Dr.Gaas mar uu waraysi siinaayey Idaacadda VOA.

Halkan Riix RW Gaas – VOA

Raysalwasaaraha ayaa mar la weydiiyey sababta uu uga horyimid degmooyina gaaraya 7-da ee Madaxweynhu digreetada ku soo saarey ayuu sheegey in magacaabista Gobolada ama degmooyinka ay tahay in ay soo marto golaha wasiirada ka doodaan kadib ay gudbiyaan Madaxweynaha mana dhicin taasi, wixii sidas lagu magacaabano waa sharci darro.

Raysalwasaaraha oo la weydiiyey in dadka qarkiis ku doodayaan mar haddii uu musharax yahay in uu xafiiska wareejiyo ayuu sheegey in aysan ahayn taasi mid dastuuri ah hawsha ay wadayaan ilaa xukuumad cusub oo bedesha ay timaado.

Dr.Gaas ayaa mar la weydiiyey in ay farogelin ku hayaan soo xulida Xildhibaanada iyo waxa uu doodaas uga jawaabayo ayaa sheegay in aysan jirin wax shaqo ah oo uu ku lee yahay soo xulitaanka Xildhibaanada, “Cadbiweli ahaan aanu marna gacanta lama gelin hawsha Guddiga Farsamada soo xulitaanka, cidii lagu tuhmey haka jawaabto ayuu yiri”

Khilaafka isaga iyo Madaxweynaha u dhexeeya ayu ku tilmaamey in aysan jirin wax xumaan ah oo dhexyaala isaga iyo madaxweynaha ee waxa keliya oo la isku qaban karaa ay tahay nidaamka Dawliga ah.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa xili uu sheegay in mar haddii Raysalwasaaruhu musharax yahay ay xukuumaddu saameyn beelayso, wax qaraar ahna aysan soo sari karin isaga oo jawaab uga dhigaaya diidmada ay Xukuumaddu kala hortimid magacaabida degmooyin uu Madaxweynuhu ka magacaabey qaar kamid ah Gobolada dhexe iyo kuwa koonfureed taas oo u muuqata mid ka mid ah ololihiisa siyaasadeed.

COMMENTS

RSSComments (2)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. maxamed says:

    waxan qiyasaya in mr.mihiga la farsameyey,sidu markii hore aha iyo sida uu hatan yahay waa kala duwan yahay waxuu umuqda nin ujan jersaday dhinaca koxda shikh shariif,waa sida aay aniga ugu muqato,waxana dhici karta in mr.mihiga lala hadlay oo uu badalay moqif kisi hore hadana ulicsan yahay dhinaca shikha iyo waxa udonayo oo ah in barlamanka logu sodaro dagal oga yasha si aay cod usiyan wana isagi shikhu udacwonahayey,waxdna modsa in arintu isbadeysh mar qura oo mastar mihiga shirka laqatay gudiga farsamada,aayna kamuqato dod dheer.marka arintu waa alow sahal.

  2. Xaawo says:

    Cabdi weliyoow meesha yaan la idinku xabadayne isaga soo baxa oo labadiinuba caruurta ha cidleynina ee midkiin ha u soo noqdo waxkastaa dhici kara.

Leave a Reply