digg icon delicious icon

“Riiga lagu dhuftay Ceelka shidaalka ee Dharoor dalal badan ayay soo jiidatay” Dr. Faroole {dhegayso}

February 7, 2012   //   Warar Somaali

Madaxwayanaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay riiga shidaalka soosaarayo ee  lagu dhuftay dooxada Dharoor inay soo jiidatay indhaha beesha caalamka.

Madaxwaynaha oo hadalkan ka sheegay magaalada Garoowe,ayaa waxaa sidoo kale uu xusay dalal badan oo caalamka ka mid ah inay lama  filaan ku noqotay caalamka  in shirkado caalami ah maalgashi malayaaniin doolar ah galiyaan goob ka mid ah dalka Soomaaliya.
Tilaabada shidaalka looga soo saarayo dooxada Dharoor ayaa Dr Faroole uu tilmaamay inay tahay mid waxbadan kusoo kordhisay suncadda maamulka Puntland ee uu ku leeyahay dalalka caalamka.

Dhagayso Codka

Play

Madaxwaynaha ayaa tilmaamay shidaalka inuusan ahayn wax ku koobnaan dooona maamulka Puntland,balse dhamaan qaybaha Soomaalida inay wax ka yeelan doono,isagoona intaasi raaciyay qaybsiga shidaalka in lagu cadayn doono dastuurka Soomaaliya ay yeelan doono.

Tan iyo bartamihii bishii June oo howlaha shidaal soo saarista laga bilaabay dooxada Dharoor ee gobolka Bari ayaa waxaa ay siweyn usoo jiidatay indhaha beesha caalamka iyo warbaahinta waawayn oo si gaar ah u falanqeeyay.

Puntlandnews24

Garoowe

RSSComments (18)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Gacaliye says:

    Bro Qardhawi,
    I would appreciate if you could present that list as your own political programe concerning our choice of the next president of Puntland.

    So bro, stop marketing someone else, let the concerned candidate present his/her own program.
    we Somalis & esp.Puntlanders have enough of corrupted parasites and criminals marketing each other, afmishaar Qardhawi, KKKKKKKKK!

  2. Gacaliye says:

    Abu mucaad qardhawi,
    KKKKKKK war hadaad ujeedaada runta ah oo u aad caydid “waxarka” noo soo bandhigtay.

    Waxaad i xusuusi’say oday kasoo jeedey somali galbeed oo nala’degenaa Hargeysa.
    Odaygaan gabhadiisa ayaa waxaa qabay nin Carab-Somali ah oo bakhaar kula’haa Hargeysa.

    Odagu isgoo garguduun ayuu had iyo goor bakhaarka fidhiyi jirey oo shaaha loogu karin jirey.

    Odaygaani wuxuu ku werdiyi jirey “allow carabka suuq ii sii, allow carabka suuq ii sii”!
    Markaa suashii meesha timid waxaay noqotay, War adigu maxaad ilaaheen toos uga baryi’weyday inuu wax ku siiyo KKKKKKKK??

    Walaahi waa sheeko dhacday!

    Abu Qardhawi
    hadaad haysid prograam dhaama kan “waxarka” bro Faroole isa soo sharax aan kuu codayne lakiin naga’daa allow “Samatar wax ii sii, Samatar wax ii sii “wanaku salaamay afmishar’yahow, KKKKKKKKKKKKKKK!

  3. abu mucaad qardhawi says:

    PUNTLAND SAMATAR BAA KU HABOON
    3 sano ee puntland talladda u hayen faroole iyo kooxdis [faroole team] wax shacabka puntland u yaqnin 3 sano ee burburka iyo kaltaga puntland.
    sas darted wax jir baaqyo ka imaanaya shacabka puntland sid beelah iyo sayassiyinta puntland in talladda puntland loo doorto general samatar.
    baal an egno qorshaha siyassadeeda musharax cabdilahi siciid samatar polincy futur plan

    AMANKA
    1 dhisida ciidan tayo leh
    2 dhisida ciidan sirdoon ah oo tayo leh
    3 maxkamado tayo sare leh
    4 xoryanta goboladda sool sanaag iyo cayn
    5 sugida amank magaloweynka puntland
    HORUMARINTA PUNTLAND
    1 dhisida dekedda laasqoray
    2 dhisidda dekedda bosaso
    3 dhisida airports bosaso qardho buuhoodle laascanood

    4 mashrici horumarineedda oo raascasayr laga hirgeeliyo
    5 waxbarsho iyo cafimada free ah
    6 baaris iyo sosarid khayraddka puntland sida
    holhol oil iyo nugal oil
    7 soosarida gas gobolka bari ku jira
    8 raali gelin shacabka puntland sida galgala iyo garsoor

  4. Yaxye says:

    Ma wanagsana Odaga Halhayskiisa ah Wax la-caradida oo uu markasta dhaho (puntland cidina wax kalama cararayaan) eraygaa odagu ha ka joojiyo Khudbooyinkiisa.

  5. ugaaso says:

    viva dharoor

  6. Waxaan dadka soomaaliyeed ee wanaaga jecel iyo wadajirka dalkooda iyo dadkooda ugu baaqayaa kashaqaynta maslaxada umada ayna alle kaga cabsadaan xumaanta iyo xiqdiga iyo xaasidnimada dalkeenu kudumay asaageena inaga reebay ayna ogaadaan wax wanaag iyo wllnimo lagu waayay inaan xumaan lagu helin ayna taasitahay wadadii dalkeenu ku burburay marka wllayaal hadaan aragnay xumaan iyo is xasdi natiijadii laga dhaxlay iyo halka ay ina dhigtay sowma haboona inaan raadino wanaag iyo waxsan wax kuraadin iyo inaan wanaaga kawada shaqayno si looga gudbo masiibada inagu habsatay ee aynu gacmaheena kulanimid allena wax san qofku haduu kashaqeeyo waxsan ayuu siiyaa aakhiro iyo aduunyaba waana taas tan kaliya ee aynu wanaag kuud kugaari karno alle hayna waafajiyee

  7. abu mucaad qardhawi says:

    asalamu calaykum
    walalah reer puntland ah waxan ini sheegay muhimad all puntlanders waxan ka codsanaya in ay joojiyan cayda qof walalkin walalay waxan ka hadalyan waa mamulka puntland iyo siyassad xumada ku dhex jirta runti anigu waxan ah muwadani u dhashay puntland yacani puntlandi. waxan jecelahay horumarka puntland iyo amanked iyo midnimada puntland. laakiin walalah an islafahano dadka puntlanders sheegnaya ee horumarka puntland hortagn sida faroole iyo kooxdis waa mubark masar oo kale iyo sayd cabdiin bin cali tunasia sas darted waa in an dadka puntland kale foogaynayah ku egna iil gaar ah. shallay puntland waxay ahyad mid maantan waa gobol gobol.ma loo bahan difaca faroole iyo kooxdis. ma lo bahan cayda abu mucaad qardhawi lakin fadlan sii muwadnimo ah oo cadalad ah
    caqliga uga shaqaysiya

  8. Waa run in siwayn ay uga hadleen warbaahinta beesha caalamku inkastoo ay ku kala duwanaayeen qaab ahaan sida uu suuro gal uyahay iyo sida wax looga filayo waxaanse leeyahay ka shacab ahaan kulana talinayaa dhamaan dadka soomaaliyeed gaar ahaan inta nabada iyo hurumarinta dalkooda jecel in ay ku da daalaan sidii ay uga shaqayn lahaayeen kamiro dhalinta big taas yar oo maanta dalkooda ka iftiintay gaar ahaan dadka reer puntland ogaadaan in maantay ay yeesheen cadow farabadan oo kaxun horumarka dalkooda iyo dadkooda ayna ogaadan masuuliyad wayn oo guud iyo mid gaar ahba ay saarantahay sidaas awgeed waxaa loo baahan yahay mid nimo iyo wada jir iyo in dowlada lagala shaqeeyo sugida nabad galyada lana feejignaado allena waxaan kabar yaynaa towfiiqda iyo abshirta inuu ina waafajiyo dalkeenana siguud udajiyo inta wanaaga wada iyo midnimada iyo horumarka dalkana uhiiliyo aamiin aamiin

  9. sahardiid says:

    aniga oo ah mr sahardiid kuna sugan deegaanka dharoor kana mid ah shaqaalaha shabel one waxaan rabaa in aan halkaan uga bishaareeyo guud ahaan umada soomaaliyeed gaar ahaan reer puntland waxaana idiin xaqiijinayaa haduu alle idmo in mar dhaw shidaalku inoo soo wada baxayo hadaanu nahay soomaali insha alaah

  10. Nur says:

    Waa rune aan kala saarno mucaaradnimada nin xilkiisa uu dhamaanayo iyo dad/dhul weligood jiri doona. Danta guud aan ka wada shaqayno iyadoo la eryano kan wax khaldaya sadbursigana wada. Waa idinkaa.

  11. Real Qardhawi says:

    Asalamu Caleykum

    To abu mucaad qardhawi
    waxaad tahay nimanka tuugada diinta ku qaraabata oo neceb ama ka naxa nabadgelyada, nolasha, iyo horumarka Puntalnd.
    Farolena waa madaxweynihii loo igmaday hogaaminta Puntland, waxaadna tahay qof neceb Puntland awoodna u lahayn in uu is muujoyo oo magaciisa runta ah la yimaado. markaa noo dhig macaga Qardho. midna qalbiga gasho, Puntland dadkeedu waa dad kaa xadaarad dheer oo dantoodana yaqaan, dulli diin ku qaraabtana ka garaad dheer.

  12. qabyaaled diid wadani says:

    kkkkkkkkkkk war waxaan nacaska ah ee la baxay abu mucaad qardhaawi maxuu ku hadlin horta yaa fahma war noo dhig magaalada magaceeda alla duf kugu bixiye nacas yahow kkkk waa bahal aan nasab ahayn kani, waan ku dhaaran karaa in uusan kani qardho ka imaan

  13. Gelle Gedi says:

    KKKKKKKKK P land law firm,
    waa ku salaamay waana kugu raac’sanahay in odayga qardhawi uu “Waxarka” cayda ka daayo, KKKKKK!

    To “Waxarka” I say: dahabka madoow soo saar oo Drill baby drill, KKKKKKKKKKK!

  14. P land law firm says:

    Kkkkkkkkkk kkkkkk halyey mudug iyo puntlander salaan sare kadib odayga qardhaawi ah waa ka qaloocataye hala cafiyo,fadlan,kkkkkkkkkk walaale qardhaawi hadad nin dhalad harti ah tahay iskadaa moha hartiye madaxweynaha amaan mooye dhaliil kaama mudna ee is aruuri adoo raali ah,wabilahi towfiiq

  15. abdalla says:

    gaalka dil gartiisana sii somaali ayaa hor utiri .

    arinkaan shidaalka iyo soo saarkiisa hadii aan mid ka dhaho ,inkastoo aan horay aga hadlay dadku waxaad moodaa in ay hal ila wax ka arkaan waa taa tan ayan marnaba mowqif wada jira oo ay isku raacsan yihiin loo la yahay dad dhibaataa haysa dadna qabiil baa haya ,dadna waxsoosaarka shidaal ee laga hirgalinayo dalka markii ugu horaysay ayaa haya good ahaana cidwaliba ayadaa isla quman
    ilaa daawo loo helo kala qaybsanaanta oo miis la soo wada fadhiisto oo waxyaalo badan oo khaldan la saxo ilama aha in meel laga wada jaanqaadi doono .
    hees waxaa jiray ay ku luqeeyeen hobaldii dalka ee hore oo leh (howlaha arladaa hadii lgu aamino walba madaxlagaa dhigo ha is oran cidi ku arkimaysaee ina adeerso ,ha is oran cidi ku arki maysee afka buuxso,.
    gabagabadii cida ay qayaaladu camaysay bal taa ogoo,cida ay dhibta haysoona taa ogaada,cida ruuxaanta shidaal soosaarka aan hor looga baran dalkana taa ogaada.
    intaa waxaan ooga dan lahaa in aan idiin iftiimiyo in yar waa hore ayaa bulsho wada deegaan ah ay samaysteen beer ween oo uu ka baxo moos iyo cane iyo masego iyo galay iyo wax waliba oo khayraad ah oo ilaah ku manaystay deegaankaa beerti maamulo kaladowan ayaa soo hayay oo midba si u bahdilay beerti iyo maamulkeeda ,waxaa dhacay in iskadaa wax ay soo saartee beertiba ay noqotay meel aan waligeed wax ka soo bixin umadina ay ku bastay ,maamulka cusub ee haatan maamulana waxaa uu u booday
    in uu bulshadi ku maaweeliyo in uu beer kale sameeyo oo laga dhargi doono bilawgeedina uu jeebka asaga iyo xulafadiisi ka buuxsadeen
    maxaytahay rajada laga qabi karaayo beertaa soo kuma danbeendoonto sidi tiihore oo kale.
    dadkii oo ka baahan ayagana jeebabka ka buuxsadaan sidaa ayana ay ku danbeen doontaa
    waayo wax tuugonimo lagu bilaabay waxay ku danbeen tuugonimo,been iyo nahaabnimo hadii aad wax ku bilawday cid kaa qaadanaysaa ma jirto boqoljeer hadii aad galgalato oo aad kitaab ku dhaarato sidaadii hore.
    abdalla.

  16. waa arin wanaagsan guulysta @ABUU MUACWAD ARDHWI sxb waxaa isaga kaa qaldamay mucaaradnimada shaqsi iyo puntlandernimadii sikale hadan u dhoho waxad kala saariwayday faroole mucaradnimadisa iyo danti guuud sxb mcne faroolw wa shaqsi aynu shaqo u igmanay wixi wanaga aynu ku bogadino wuxu xumeeyana aydo aynan katagi akhlaqda wanagsan aynu u dhaliilno farole biruu tagin tarikh bana qormaysa wixi horumara o wadankena ku soo kordha yaynan kala duldhicin cadho shqsi an u qabno guul iyo gobanimo all my puntlanders barbarkay kabaxdaa waa bakaylo galeen

  17. PUNTLANDER says:

    A/C

    To abu mucaad qardhawi

    sxb waxaan filayaa uma bahniin in lagu sheego lakiin adigaa is sheegay laakin waxaadan sheegin waxaa ku qarsoon oo ah
    inaad cadow ku tahay hormarka Puntland iyo in shidaal la heloo marka xasiidnimadada ayaad ku dabolaysaa Dr Farooole runtii isagu waa shaqsi laakin ciidii dalka wax u qabtayna insha allah Tariikhda ayaa xusi doonta
    marka sxb waxaa aad sheegaysid malahaa adigaa u baahnaa oo wayay ayaan u gartey

    sxb la jaan qaad Puntlandta Cusub
    w/s

  18. abu mucaad qardhawi says:

    yaab faroole, ma nin walanba mise waa dooqon? sowtu laha shallay puntland wax shiddall ah laga sosarmayo waa laaluush qata xun, man haboon inu ku hadalo magac puntland qof caqligiisu sasyahay, sharaff iyo sabur wax iskalah shacabka reer puntland u dulqadanay faroole inu horjoog, nasibdaro laakiin isgu ma oga in ay dadka reer puntland yaqaaniin faroole. 6 million buu qatay shirkada intas baa ka hadalinaysa.wax ay ogyihin shacabka reer puntland in faroole u hor istagay shiddalka puntland mudo dhan 3 sano buu hortagna wax kalo shacabka puntland ogyihiin in faroole marku ah mucaradka puntland inu been abuur ka qor jirya shidallka puntland wuxu qoralo been ku qori jiry website ka somalitalk faroole dadka reer puntland dan umahyo shacabka reer waa ku ogyihiin, midkale saxaffad reer puntland qaybtood baa bunbunsha waydan danbe faroole iyo kooxdis anigu
    maqan maka cabsadan mise 6 million buu waxka siiyeye. saxaffad puntland waa in ay ogta dadka an mudanayn amanta

Leave a Reply