Roobab gaystay khaasaraha hanti badan oo ka da’ay degmada Banderbayla
October 22, 2012 // Warar SomaaliRoobab socday muddo 48-saacadood ka badan oo ka da’ay degmada Banderbayla ee gobolka Karkaar ayaa khasaaro gaarsiiyay hanti ay ku jiraan guryo dhisnaa muddo sadex qarni.
Duqa degmada Bandarbayla Saciid Aadan Cali oo la hadlayay warbaahinta gudaha ee Puntland ayaa sheegay roobabka inay burburiyeen guryo ka badan 100.
Waxaa uu sheegay roobab oo daad xoog lehi watay inay da’een labadii maalmood ee lasoo dhaafay, roobaabka ayaa xiray wadooyinka degmada Bandarbayla soo gala iyo kuwa ka baxa.
Eng. Saciid Anteeno ayaa ugu baaqay dowladda Puntland iyo hay’adaha samafalka inay caawiyaan dadka dhibaatada ay soo wajahday ee xiligaan ku sugan degmada Banderbayla.
Degmada Bandarbayla ayaa muddo dhoowr sanadood ah waxaa ka jiray abaaro ka dhashay roobabkii degmada ee la filayay oo aan de’in.
Puntland-News24.



Waxan idin leyahay iskadaya af lagada hadii ad wax labaxaysan alle dartii wax u bixiya wsc
waar heedhee dhaqan xumaddina iyo edeb xumadiina.waxaa la soo qoray tabarucaad ilaahay dartiis ula baxdaan,ee maxaa idinka galay inaad ka faalootaan shaqsi iyo sawir magaalo.waa yaab.waxaa halkaas kacad qofka waxaas soo qorayoow.inaad diyaar u ahayn.sadaqo wax tartoona.sidaas awgeed akhlaaqda ilaaliya.dhaqan xun watar xun iyo aflagaado.ayaad ku sifowdeen.
Masaayrka iska dhaaf Magaaladan waa Baayla,waana magaalo fac waayn,waxna lagaa waaydiin maayo,Ee masaayrku ma fiicna?????
sxb adiga oo rali ah sawirka aad soo saartay mesha ma ah beyla dib ugu noqo oo iska sax magaalada