Rugta Ganacsiga Iyo Warshadaha Puntland oo Gudoomiye cusub yeelatay [Sawiro]
September 4, 2012 // Warar Somaali
Munaasbad balaaran oo xilka uu kula wareegayay gudoomiyaha cusub ee rugta ganacsiga iyo warshadaha Puntland Siciid Xuseen Ciid ayaa maanta ka dhacday xarunta rugta ganacsiga ee magaalada Boosaaso.
Xafladda ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin katirsan dowladda Puntland, ganacsato iyo marti sharaf kalle.
Eng Axmed Ciise Maxamuud oo ah xoghayaha guud ee rugta ganacsiga Puntland oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay la wareegitaanka gudoomiyaha cusub inay ka dambaysay, kadib markii gudoomiyihii hore ee rugta Maxamuud Xayir Ibraahim uu ka mid noqday baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
“Sharciga rugta ganacsiga sida uu qabo gudoomiyaha hadii uu tago waxaa xilka si KMG ah ula wareegaya xoghayha guud waxaana uu ku sii wareejinayaa gudoomiye kuxigeenka rugta” ayuu yiri xoghayaha guud ee rugta ganacsiga oo xilka ku wareejiyay gudoomiyaha cusub ee rugta ganacsiga Siciid Xuseen Ciid.
Gudoomiyaha cusub ee rugta ganacsiga iyo warshadaha Puntland Siciid Xuseen Ciid oo xafladda ka hadlay ayaa u mahadceliyay gudoomiyihii hore ee rugta ganacsiga oo uu tilmaamay inuu horumar balaaran soo gaarsiiayay rugta.
Waxaa uu sheegay tan iyo sanadkii 2009-kii oo rugta ganacsiga maamuleedu uu ka mid ahaa inay ka qaybqaadatay kaalin lama ilaawaan ah oo dhinaca horumarinta ganacsiga iyo arimaha kalle ee bulshada, waxaana uu balan qaaday inuu kasii shaqayn doono horumarinta rugta ganacsiga mudda u harsan maamulkooda.
“Anaga doorkaygu waa sidii aan uga sii shaqayn lahaa inta kalfadhiga guud ay ka yeelan doonaan gudiga rugta ganacsiga oo soo dooranaya gudoonka rugta ganacsiga, doorka rugta ganacsigu soo kordhinta wixii horumar ee ganacsiga ah, ganacsatadu inay aragti ganacsi oo ku dhisan danta guud in xoogga la saaro” ayuu yiri Md Siciid Xuseen Ciid gudoomiyaha cusub ee rugta ganacsiga iyo warshadaha Puntland.
Madaxa xiriirka dadwaynaha shirkadda isgaarsiinta Golis Md. Faarax Xaaji Mirre oo isaguna ka hadlay xafladda ayaa bogaadin wayn usoo jeediyay gudoomiyihii hore ee rugta ganacsiga Maxamuud Xayir Ibraahim, waxaana uu Eebbe uga baryay gudoomiyaha cusub shaqada inuu u fududeeyo.
Gudoomiye kuxigeenka ahna kusimaha gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Muumin Bidde oo soo xiray xafladda la wareegidda xilka gudoonka sare ee rugta ganacsiga ayaa sheegay gudoomiyaha cusub inuu ku sifoobay akhlaaq, daacadnimo iyo howlkarnimo , islamarkaana uu rajayanayo shaqada inuu ka baxo, maadaama uu horay ka mid ahaa masuuliyiinta sare ee rugta kasoo shaqaysay.
Siciid Xuseen Ciid Gudoomiyaha cusub ee rugta ganacsiga maanta la wareegay ayaa horay u ahaa gudoomiye kuxigeenka rugta ganacsiga maamulkii rugta ganacsiga ee Maxamuud Xayir Ibraahim oo dhowaan ku biiray baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.












RUGATA GANACSIGA WAABA LA YAABANAHAY MAXAY QABATAA HADDII AY XATAA XAARAAN KUNAAXYADII GANACSATADA SHEEGANAAYEY AY IYO DAWLAD KUSHEEGTA FAROOLE IS FAHAMSIIN WAAYEEN XAGA CASHUURTA IYO GANACSIGA BAABA AY AAWAY PUNTLAND XILIGII CADDE AMAANKU HABA XUMAADEE GANACSIGU WAA FIICNAA RUGTA GANACSIGA WAXAA LUGU BOOBAA LACAG AWALBA BOOB AHAYD