R/W Soomaaliya ayaa hambalyo ku aadan dhalasha bisha Barakeysan ee Ramadaan u diray shacabka Soomaaliyeed
July 20, 2012 // Warar SomaaliMuqdisho 20, July, 2012 — Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta Caalamka waxaan halkaan uga dirayaa Hambalyo ku aadan bisha barakeysan ee Ramadaan oo ah bil fadli gaar ah u leh muslimiinta oo ay gudanayaan waajibaad ka mid ah tiiraarka Islaamka.
Bisha barakeysan ee Ramadaan oo caawa dhalatay waxaa waajib nagu ah inaan ku faraxno oo aan si kal iyo laab ah u soo dhoweyno.Bishan barakeysan ee Ramadaan waa bishii Quraanka Kariimka EEBE soo dejiyay.
Bishaan Ramadaan oo noo bilaabatay waa bil aad u khayr badan iyadoo ajarka ku jira uu yahay mid aan la soo koobi karin qofkii Illaahay soo gaarsiiyo si wanaagsana u cibaadaysta wuxuu ALLE (SWT) agtiisa u yaala Ajar aad u badan.
Bisha Ramadaan waa bisha habeenka (Laylatul-qadrigu), waa bisha xoreynta, dad badan Naarta Alle ka xoreeyo, waa bil dambi dhaaf qofkii cibaadaysta, waa bisha la xiro Shayaadiinta iyo Albaabada naarta, ee la furo Albaabada Janada.
Sidaas daraadeed, waxaa waajib nagu ah inaan ka faa’iideysano kheyrka badan ee ku jira bisha Ramadan, isla markaana aan ka fogaano dhammaan waxyaabaha uu EEBBE naga xaaraantinimeeyey .
Ugu dambayntii Ra’iisul wasaare Cabdiweli ayaa ugu baaqay iney Umadda Soomaaliyeed is cafiyaan dadka dan yarta ahna la kaalmeeyo madaama bishaan ay tahay bishii saqada iyo khayrka la badsan jiray, wuxuuna u rajeyey in Umadda Soomaaliyeed ay ku ciidi doonaan iyagoo dhistay dowladd Rasmi ah.



