Saado Cali Warsame oo ku dhaawacantay shill gaari
July 20, 2012 // Warar SomaaliFanaanada caanka ah ee Soomaaliyeed Saado Cali Warsame ayaa ku dhaawactay shilgaari oo ka dhacay deegaanka Kalabayr oo u dhaxaysa Nugaal iyo Sool,iyadoo kasoo dagtay garoonka diyaaradaha Cabdilaahi Yusuf ee magaalada Gaalkacyo.
Dhaawaca fanaanadda ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii gaarigii ay lasocotay uu ku dhacay gaari wayn oo ah nooca ay Soomaalidu u taqaano Candhomaydle,kana yimid magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Waxaa dhaawaceeda la geeyay isbitaalka guud ee magaalada Garoowe oo xaaladeeda caafimaad lagu dawaynayo sida uu inoo xaqiijiyay wariye kusugan isbitaalka magaalada Garoowe.
“Garabka midig iyo qoorta ayaa dhaawac uu kasoo gaaray, xaaladayduna waa caadi waa ay ka baxday koomaha ay gashay waxaana la joogta wasiirka haweenka Puntland” ayuu yiri Cumar Soomane oo ka mid ah wariyeyaal jooga isbitaalka guud ee magaalada Garoowe.
Saaddo Cali Warsame ayaa ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed, warar xog ogaal ah ayaa tilmaamaya socdaalkeeda inuu la xiriiray ka qaybgalka shirka haweenka Soomaaliyeed ee Garoowe ka furmay shalay iyo socdaallo kalle ay ku tagi lahayd gobolada Sool iyo Cayn.
Saxaafada qaarkeed ayaa baahiyey war sheegaya inay fanaanadu geeriyootay, balse warkaas ayaan idiiin xaqiijinaynaa inuusan waxba ka jirin.
Puntland-News24
Boaso.



Saado cali jir oo joog waligaa geesiyada afrika ayad ahayd waligaa noolow,ka naxow nafta waa.
illaahow cafi oo u gargaar fanaanadeena garanka saado cali warsame
@liii gaaas Siliclander,
warma maf rash’kiibaa maanta kaa xiran mise isaantii baa amaahada(baarixiga) diidey, it must be one of the two, soon qaad wanaagsan walaal, KKKKKKKKKK!
Qardilaanshe,
maxaad rabtaa inaad tiraahdid cawaan kaga doqonka ahi?
Go to hell, you and your long-shirted foreign criminals hiding in our country are going to be caught red handed!
We gonna get you sons of b*tches, ama carabta iyo Paki/Afghaniga dabada u hoorsada ama daaya, nacalaad idin dhalay!
May allah have his mercy on Saado cali warsame.she was involve on road accident in kalabeyr bari region of punland.of which her situation is sable at the moment,may Allah heal her wound and give her healthy life,with great cibado and make her recover quickly( soon ) inshallah. she isreliable person of great intergradety,honest person,kind and peace loving mum.ellahey waxan ooga rajenena cafimad,nabad gul iyo barwaqo, ameen ameen ameen.
Elahayow ,rahmankow,rahimkow saado cali warsame kabatbatiyo shilka kudacay.inshallah Allah, elahey haa cafiyo,shaffi, haunaxaristo oo haa bogadayo.walashey saado.saado waa wadani, waa muwadil,waa waxgarat,waa hooyo somaliyeed.she is kind.honest,loyal,and peace loving mum.may Allah have his mercy on her and make her recover quickly,soon inshallah,we love her and from the bottom of my heart wished her cafiimat, nabat,gul iyo barwaqo,ameen,ameen ameeen
Ilaahay horta Caafimaad Sareecana Hasiiyo. Bil Ramadaan oo barakaysan ayay doonaysay inay colaad horleh dhex dhigto walaalaha daga Sool Sanaag iyo Cayn, halkay ahayd inay nabada ka shaqayso.
Hakawaantoowdo ficilada foosha xun ee ay kukacayso, hadii ilaahay caafimaad dhamaystiran siiyo, hana kashaqayso isku soo dhawaynta quluubta dhamaan shicibka Somaliyee.
Waxan ilahay uga baryaynaa in Geesiyada , fanaanada weyn ee aad somalinimadu ugu weyn tahay. Saado cali ninkii wax garad ahi waa ku faana Wadaninimadeeda iyo somalinimadeeda. Gabadhaas waa Geesiyad baal dahab ah kaga jirta TAARIIKHDA umada somaliyed. waxa ay had iyo jeer suugaanteeda ku cabirtaa midnimada umada somaliyed. Ilahay waxan uga baryaynaa in ay degdeg uga bogsato shilkas ku yimi qadarka ALE. Koley somaliga dhabta ahi waa og yahay wanaaga GEESIYADA SAADO CALI. ALOW NOO BOGSII AMIIIN.
waxan ka xumahay warbaahinta ku washeeganaya oo ah cadowga qaranka somaliyed oo saado iyo wasiiro nool dhimashadodi soo qoray markay isla yaabena qoraalki kasaaray waxaa kamida .raxanreeb.com oo anba garan waayey waxuu saado cali nolosheda ula dagaalamayo jowgar.com allbanaadir.com intaa hubo 3 cadowga ku ah nolosha fanaanadena qaaliga ah saado cali warsame baa soo ban dhigay inay dhimatay saado waa fanaanad qaran lakin hada qaran u qalma kama jiro somaliya kumelgarka laba sharifna maba jecla saado oo taas waa xaqiiq anoo cidna an u gafayn lakin aragtidayda runta ku saleysan ka hadlaya saado cali soomalida neceb waa inta aaminsan p/ander ka ah iyo inta alshabaab taaagedha oo qyara lakin saado qof soomali ah oo wadaniyad qaran ama somalinimo ku jidho ma nebcaan karo
ilaahay caafiyo fanada qaranka mrs saado cali
Runtii aad iyo aad ayaan uga naxay shilka gaari ee kudhacay saado cali warsame illaahayna waxaan uga baryayaa iyada iyo intii waxka soogaareenba inuu caafiyo una boogo dhayo aamiin aamiin aamiin
Sister Saado,
we(somalis) love you sister and you know it.
Get well our Somali queen and from Stockolm,
we gonna make sure that you get the best medical care available.
Get well walaaley!
Sister Saado,
we(somalis) love you sister and you know it.
Get well our Somali queen and from Stockolm,
we gonna make sure that you get the best medical care available.
Oh my good!
Is my favorite/fananada qaranka, Saado Cali Warsame dead? I hope not”!
xagla toosiye ayay kadaba timid iyo munaafaqad waataa garabka kajabtay naa towbad keen waaramadaane kkkkkkkk
ilaahay ha caafiyo dawladda puntland waa in aay ku dadaasho badbaadada saado cali,allaa wax badbaadshee, waayo waa qof qiimo iyo wadaniyad leh oo kaqaalisan dad badan runtii,ilaahaw caafi aamiin
Saado waa geesiyad,wadaniyad,xigmad iyo kartina xambaarsan,dadka soomaaliyeedna ay u siman yihiin,oo way ogyihiin inta caqliga u saaxiibka ah,ee aan xumuhu galin.
Nololi waa xaq Ilaahay jideeyay,geeriduna waa xaq iyana Ilaahay jideeyay oo waa arin qof walba uu marayo ee Saado cali kaliya looma qorin ee nin walboow filo,waana mid aan laga cararayn ee uu ruux walba oo nool sugayo,marka dadka ku farxaaya geerideeda iyana way marayaan geerida,balse waxaan leeyahay Ilaahay hawboogadhayo intii dhaawacantay,intii dhimatayna Allaha u naxariisto[[AAMIIN]].
saado illaaheey waxaan uga baryayaa inuu ka kiciyo dhaawaca oo caafimaad taam ah siiyo lakiin fanaaniinta soomaaliyeed waxaan
usoo jeedinayaa inay ka haraan camalkan shaudaan oo ay shaqada ka dhigteen oo ah heesaha iyo muusiga iyo weliba iyagoo huriya qabyaaladda soomaali halkaa dhigtay
kuna daydaan walaasheena danteeda garatay illaahayna hanuunka ugu daray ee QAMAR C/LAAHI HARAWO ilaahay haka cafiyo dunuubteedoo dhan
AAMIIN
madaxweyne faroole waxuu sameeyay arin aad u cajiiba oo uu ka soo shaqeeyay waxaanu rabay inuu kharijiyo sado cali si aanay u buunbuunin dhulbahantaha leh waxan ka go nay puntland lakin way ka bad baaday
saado cali illahay caafimaad ha siiyo cadowgeeda alle ha jabiyo waa geesiyad soomaaliyeed illahay cimri dheer iyo caafimaad ayan uga barin aamiin
WALE SIOOMAALIYA MEEL BAA LOOGA YEERAYAA
UMMAD WADA WAALATEY. SIDEE XAL LOOGU HELI
DARAWALO JAAHILA OO CAWAANA BAA UMMADII
DHAMEEYEY.
C
FANAANADA QARANKA SOOMAALIYEED. ILAAHEY CAAFIMAAD SARIICA HA SIIYO AAMIIN. WAAN KA XUMAHEY.
JAAHILIINTAAN UMMADII GAWAARIDA KU DHAMEYSEY. WAX HALAGA QABTO
MID XABAD KU DHINTA MID BADAHA KU DHINTA MID LAMADAGAAN KU DHINTA MID GAAJO U DHINTA. MID GAARI KU DHINTA MID QURBAHA KU DHINTA WAA UMMAD MEEL. LOOGA YEERAYO.
SUBXAAN. UMMAD FRAEK WADA NOQOTEY. WAA CAJIIB
ILAAHEY SAADO CAAFIMAAD HA SIIYO. AAAMIIIIN
Gabadha Ilaahay ha soo Hanuuniyo, waxa ay ku dhex jirtana Ilaahay haka dhex saaro,
saado ali warsame waa fanaaanad somaliyeed dadka ku qoray websed yada waxan dhihi lahaa benta iska dhafa qof nolol kalay oo idinka dila saado waxan lenahay allah bogsiiyo amiin idoor ciida cuna benta iska dhafa
wixii qoran way dhacaan fanaanadana ilaah cafimaad ha siiyo aamiin.waxanse rabaa inaan ogaado maxaa sabab u ah in babur badan ay halkaa ku gasho oo dad badana naftoda ku wayaan maxay tahay sababta?teeda kale darawalada gawaarida wada ayagoon aqoon fiican u lahayn gaari wa dida ayey xawaali ku wadaan wadadana saan ku ogaa ay aad ciriiri u tahay ayna dara walada ay isku basaan meelo aan loogu tala galin in laisku baso,waxaan kula talin lahaa shacabka inay tartiib baaburta u wataan.