Safarkii Prof. Cabdiweli Gaas uu ku booqday degaanada Gobolka Mudug [sawiro]
October 23, 2012 // Warar SomaaliRa’iisul wasaarihii hore ee Dowladda federaalka Soomaaliya Prof. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu dib ugu soo laabtay Magaaladda Gaalkacyo, kadib safaro uu ku booqday deegaano kamid ah Gobolka Mudug, gaar ahaan Dagmadda Galdogob.
Prof. C/wali Maxamed Cali oo haatan ah xildhibaan dowladda Federaalka Soomaaliya, kana soo jeeda Puntland, ayaa waxaa uu booqasho ku tagay deegaano ay kamid yihiin; Galdogob, Bursaalax Bayra, Xero-jaale, iyo Riig oo mane.
Waxaa safarka Raysalwasaraha ku weheliyey Gudomiyaha Gobolka Mudug, Ganacsato, iyo waxgaradka Goboladda Puntland. Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa waxaa deegaanadaan loogu soo dhaweeyey si aad u heersaraysa oo taariikhi ah. Xildhibaan Prof. Gaas ayaa halkaas kulamo kula qaatay dhamaan dadweynihii deegaanadaas, isagoo u sheegay in uu yahay xildhibaan u dhashay Puntland, ayna waajib ku tahay in uu ogaado baahida dhabta ah ee ka jirta dhamaan deegaanada Puntland. Prof. Gaas ayaa mar uu joogay xerro jaale waxaa uu deegaankaas u balan qaaday in uu udhisi doono xarun caafimaad, kadib markii ay dadweynihii deegaankasi soo bandhigeen bahida ay u qabaan in aysan lahayn xarun caafimaad tuuladu.

Xildhibaanka oo socodkiisa kusoo gaba gabeeyey Magaaladda Bursaalax, kadibna dib ugu soolaabtay Gaalkacyo, ayaa waxaa laga filayaa in uu safaro balaaran ku tagidoono dhamaan Degaanada Puntland oo dadweynaha kulamo laqaadan doona.
Prof. Gaas ayaa waxaa uu sheegay in uu safarkaani yimid kadib markii uu wakhti u waayey xiligii uu hayey xilkii Dowladda Soomaaliya, markaas oo uu aad ugu mashquul sanaa samata bixinta kumeel gaarnimada oo dalato dawlad rasmi-ah.
Puntland News-24

























Prof/ abdiwali taariikhdaayaa xusidoonta intii garatey waxqabadkiisii ..iyodoorkii uu ka geestey kasaariddakumeelgaarnimada ..waa eey ogyihiin ..laakiin intii aan garan taariikhda ayaa garansiin doonta .
waa halyeey taariikh dahabi ah ku yeelan doono soomaalida ….safarkiisaa haatan ahna waxaa uu ka tarjumahayaa wadaniyad nimadsiisa iyosoomaali-nimadiisa..dhabta ah .
waxaana ka codsan lahaa saxaafaddain eey siiso magacsharafeedkiisa ah ( R/Wasaarihii horeee soomaaliya) iyaadoo aanu wada ognahay in uu yahay hadda naa,ib baarlamaan.
waxaan u rajeeynhayaa soomaalida in ilaaheey noociisa oo kale u badiyo …cimrigiisana ilaah haka yeelo kii anfaca dalkiisa iyo dadkiisa aamiin..!!
kkk waa ok lakin waxan ka codsanaya profe gaaz inta uu san meel kale oo pl ah uu san aadin inuu safarkisa labaad uu ugu anbabaxo gobalka ceyn iyo dhulka khaatumo hada ka taliso oo maamulka khaatumo iyo dhamaan bulshada iyo wax garadkaba uu gacmaha isa saaran oo wax yaalaha yar yar ee lakala tabanayo uu gogol nabadeed dhex dhigo dadka walalaha ah ee cadowgu isku diray markaas ka dibna laga tashado howlaha u baahan wax ka qabashada sida arimaha siyasada iyo dhulka inta hada gacanta khaatumo ka maqan ama pl ba