Safiirka Mareykanka ee dalka Libya oo la dilay
September 12, 2012 // Warar Somaali
Weerar ay dad ka carsaysan filim lagu aflagaadeeyay Nabi Maxamed NNKH ay ku qaadeen qussuliydda Mareykanka ee magaalada Banghaazi ayaa lagu dilay safiirkii Mareykanka ee Libya Christopher Stevens.
Dadka caraysnaa ayaa dab qabad siiyay dhismaha safaaradda, waxaana sidoo kalle ku dhintay weerar sadex qof oo ka mid ah shaqaalahha safaaradda.
Dibadbaxyo ayaa tan iyo shalay ka socday magaalada labaad ee ugu wayn Libya Banghazi iyo xarunta dalka Masar ee Qaahira.
Filim wax looga sheegay Islaamka ee carada dhaliyay ayaa banaabaxyaashu ku dhawaaqayeen Mareykanka inuu ka dambeeyay, iyadoona ay gubeen calanka Mareykanka iyo dhismaha safaaradda.
Warbaahinta qaar ayaa sheegaya filimka carada dhaliyay inay maalgaliyeen urur u dooda Kirishtaanka laga tirada badanyahay ee wadanka Masar.
Puntland-News24
Wararka Caalamka.


