Safirka dowladda Soomaliya Ufadhiya Konfurta Sudaan oo Kulan la qatay Ganacsatada Ku Sugan Konfurta Sudaan
August 12, 2012 // Warar SomaaliKulankan oo ahaa mid afura oo uu ganacsatada u sameyeey safirka Dawlada Somaliya Ufadhiya Konfurta Sudaan Ambasador cabdiraxmaan Dinaari ayaa Ka dhacay Hoolka Shirarka ee safarada Somalida waxana kasoo qayb galay Inta Badan Ganacsatada Somalida ee kusugan magalada Juba ee Konfurta Sudaan jaaliyada Somalida gudomiyaha ardayda Somaliyeed ee Konfurta Sudaan safirki hore ee Somalia u fadhiyeey Konfurta Sudaan ahna ku Xigeenka safiirka Maxamed Cismaan Maxamed xoghayaha Guud ee Safarada Somaliya Konfurta Sudaan.
Ugu Horayn Waxaa kulanka ka hadlay Safirki Hore ee Somalia u fadhiyeey Konfurta Sudaan ahna ku Xigeenka safirka Maxamed Cismaan Maxamed Waxaana uu ka hadlay qabki lagu dhisay safarada isagona u mahadceliyeey Ganacsada somaliyeed ee hirgaliyeey dhismaha safarada Somaliya waxana uu sidoo kalle ka hadlay wax qabadka safaarada mudadii yarayd ee furayd isagoona Xusay in dadka ay u qabteen adeegyo muhiim u ah noloshooda.
Intasi ka dib waxaa hadalka qatay Ambasador cabdiraxmaan Dinaari waxaana uu Mahad Balaran ujediyeey Ganacsatada iyo dhamaan dadkii kulanka kasoo qayb galay waxana uu sheegay in kulankaan uu yahay mid isbarasho oo uu sameyeey Ganacsada islamarkana uu donayo in ganacsatada ay isbartaan, isagona xusay safaarada ay u tagantahay ushaqaynta bulshada Somaliyeed ee ku sugan konfurta Sudan.
Ambasador cabdiraxmaan Dinaari ayaa shegay in dadka Somaliyeed ee ku sugan konfurta sudan ay yihiin dad isku Xiran islamarkaana leh wada shaqayn wanagsan Waxana uu Tusale usoo qatay jaliyada ay dhisteen oo ah Mid ay ku midaysan yihiin iyo waliba dhismaha safarada oo ay ganacsatada ka wada qayb qateen.
”..Aniga Halkaan waxaan jogay Mudo koban waxaan arkay in dadka Somaliyeed ay yihiin dad isku Xiran Tusale jaliyada halkaan malahan kala qaybsanan waa dad isku duban.”ayuu Yiri Ambasador cabdiraxmaan Dinaari .
Dinari ayaa soo hadal qaaday xaalada ka jirta Somaliya waxana u ilahay ga baryey in uu dhamatada uu ka dul qado shacabka Smaliyeed ee ay la degtay dhibatada dabada dheratay isagona sheegay in dadka Somaliyeed ay baahi wayn u qaban sidi ay u helilahayeen dawlada wanaagsan.
Qaar ka Mid ah ganacstada oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin kulaankaan isbarashada ah ee uu sameeyay safiirka, waxaana ay sheegeen inay la shaqaynayaan safiirka cusub iyagoona sido kale u mahad celiyey safiirki hore oo ay lasoo shaqeyeen.
Kulanka ayaa kusoo gabagaboobay jawi dagan waxaana lafilaya in ay sii socodaan kulamada noocan ah oo ay wada qadanayaan safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Koonfurta Suudaan iyo qaybaha kalle duwan bulshada ee ku dhaqan dalkaasi.
Cabdisalaan Axmed Shire
Puntlandnews24
South Sudan,Jubba.










Masha allaah aderkay abdirahman. Nuur dinaari. Garabkada alaha galo. Midnimo somali ka shaqeeee. Ganacsatada somaliyeeed cadowga ka ilali iyo hantidodaaaaa. Guul aya kurajenaa adeer iyo dhamaaan umada somaliyeeed iyo webkan puntland 24. Guuul all somalia
Asc wr soomali dhan waa salaamaa jaaliyada soomaalida koonfurta sudan reer puntland makamid yihiin sideedaba koonfurta sudan reer puntland majoognaa waana mahadsanyihiin jaaliyada soomaalida sida eey iskugu xiranyihiin