Safiirka Iran ee Somaliya Malik Hussein”waxaan diyaar unahey in aan somaliya kala shaqeyno dhinac kasta”
October 12, 2012 // Warar Somaali
Kulan ay manta ku yeeshen magalada Nairobi Safirka Iran ee Somalia Malek Xussein iyo Agasime Xigenka Arimaha Baniadnimada Somaliya ee xafiska raysalwasaraha Mudane Mohamed Abdirisak Dayib waxey kaga wada hadleen xaaladaha baniaadnimo ee hada ka jira Somaliya.
Kulanka oo ka dhacey safarada Iran ee Kenya, ayaa ugu horeynti wuxu mudane Dayib uga mahadceliyey dowlada Iran kalintii muhiimka aheed ay ka geysteen abartii sanadkii hore ay somaliya ka geysatay.
Wuxuuna safiirka u sheegay in shacabka iyo dowlada somaliya ay u hayaan abaal walalahooda Iran iyo dowladooda.
Sidoo kaleeto Mr.dayib wuxuu warbixin ka siiyey xalada guud ee somaliya iyo Fatahadii wabiga shabeele isagoo u sheegay in ay muhiim tahey in ay gacan baniadnimo ka geystan arintaas.
Intaas kadib, waxaa safirku soo dhoweyey dhamaan warbixinta uu siiyey xafiska arimaha Baniadnimada oo ka mid ah Xafiska Raysalwasaraha, wuxuuna balan qaadey in ay garab istagayaan walalahooda somaliyeed dhinac kasta, hadii ay noqon laheed arimaha baniadnimada, waxbarashada, tamarta(Biyaha) iyo cafimaadka.
Wuxuuna balan qaadey safirku in uu la shaqeyn doono dowlada cusub. Isku soo wada duboo dowlada Iran ayaa ah Dowladihii safka hore ka galey gurmadii abarta sanadkii hore ku dhufatay dalka somaliya, waxaana la oran karaa waxey kalinta labaad ku xigsatay dowlada Turkey.
Puntland News-24


